Xuska Dhalashada Nabigeenna”NNK” Oo Sanado badan kadib lagu qabtay fagaaraha Kheyriyadda Boorama
Kuwa habeenkii gidaarada iyo suuqyada makarafoonada la fadhiisanaya waxan leenahay kaalaya nala xusa …..mid ka mid ah culimada diinta Boorama .
Boorama (Harowo) – xuska dhalashada nebigeenna muxamed nnk ,kujna beegnayd maanta oo bisha rabbiicul awal ahayd 12 ayaa inta la xusuusan karo markii ugu horeysay lagu qabtay fagaaraha khayriyadda Boorama .
Xuskan loo qabtay dhalashada negiobeenna maxamed nnk ,ayaa waxa kasoao qaybgalay qaybo ka mid ah culimaauddiinka al sunna wal Jamaaca ee Boorama iyo dadweyne tiro badan .munaasabadan ayaa waxa taariikhda dhalashada nebigeenna halkaa kaga hadalay culimaauddiinka magaalada kuwaasoo dadweynaha u sheegay in ay waajib tahay in la weyneeyo xuska maalintan oo kale sannad kasta ,isla markaana anay jirin cid ka hor iman karta iyo joojin karta maalintan oo kale xuskeeda .
Mid ka mid ah culimadii halkaa saaka ka hadashay ,lana yidhaa sheekh Abuubakar macallin ,ayaa si kulul u weeraray kooxo uu ku tilmaamay inay makarafoonno la fadhiistaan suuqyada ,wax an jirinna u sheega dadweynaha ,kuwaasoo uu u usoo jeediyey in haddi ay hayaan daliil muujinaya in la yareeyo maalintan oo kaqle ay dadweynmaha iyo culimada fiqhiga islaanka usoo bandhigaan ,hadii kale dadka ka daayaan waxay habeenkii suuqyada ka jeedinayaan .
sheekh abuubakar ayaa sidoo kale sheegay in kooxahaasi qaarkood diinta ka dhigteen wax lagu xoogsado ,isla markaana dhaqaale badan kaga qaata qaar ka mid ah dalalka carabta si loo wiiqo maalintan qiimaha leh oo kale ,taasoo uu sheegay in xitaa isaga laftiisa mar uu kjoogay dalka sucuudiga lagu taliyey inuu kooxahaasi ku biiro dhaqaalena lagu siiyo ,balse uu sheegay binuu diiday .
ugu dambayntiina waxa halkaasi qasaaid iyo nabi amman kasoo jeedinayey culimaauddiin ay ka mid ahaayeen sheekh daahir Jaamac ,iyo culimo kale ,iyadoo dhinaca kalena ay qabanqaabada xuskani ka qayb qaateen xamse Good iyo culimaaudiin kaleba .
magaalada Boorama ayaan sannadihii u dambeeyey ama muddo dheer an lagu arag xusas lagu qabto fagaarahan ,waxayna dadka qaar xuska fagaarahaasi ee maanta markii u qaateen arrimo siyaasadeed ,balse goor dambe ogaaday inay tahay xuska dhalashada nebigeenna maxamed NNK
Harowo
This post has been viewed 51 times.














hambalyo hanoolaadaan intii soo qabanqaabisay c
waa maalitii qaaliga ahayd ee aan sugaynay wanan ugu habalyaynayaa intii soo qabanqaabisay