Harowo.com

Xukuumada SL oo dekedda Berbera dib uga celisay markab shidaal siday

 

Hargeysa (Harowo)-Wasiirka Wasarada Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Somaliland Md.C/risaaq Khaliif Axmed ayaa Sheegay in Xukumada Somaliland Dib u Celisay Markab Siday Shiidal Tayadiisu Wanagsaneyn oo ay dalka keenen Ganacsato Reer Somaliland ahi.

Wasiirka Waxa uu Sidaasi ku sheegay Shirjara’id oo uu maanta qabtay Waxanu ganacsatada Dalka keenta shiidaalka uga digay in ay Dalka soo galiyaan Shidaal aan Tayadiisa lahubin.

C/risaaq Khaliif Axmed wax uu Xusay in kadib markii ay wasaradu baadhay Shidaalkasi ee ay u dirtay Shaybaadhada Caalamka uu Buxin wayey Shuruudii ay wasaradu ugu tallo gashay.

Wasiirka oo Arrintaasi ka hadlayaa wax uu yidhi “Todobaadkii Hore Dhamaadkiisi Wax Dalka Yimid Markab Siday Shiidaal oo ku soo Xidhay Berbera, Marka Sida Caadada inoo ahayd waxanu u Diray Baadhistii loo diri jiray oo dalka Dibadiisa loo Diri jiray si loo hubiyo in Tayada Shiidalku Ay wanagsan tahay, Jawaabtii ka soo Noqotay Shiidalkaasina waxay noqotay in aanu Tayada Shiidalkasi waafacsanayn Heerkii lagu eegi jiray tayada Shiidalka Dalka soo gala oo uu noqday mid liita, Runtii Shiidalka Waxaynu u Baadhna Saddex iyo Tobon Nooc, Marka saddex ka mid ah ayuu noqon wayey, sidasi daradeed markii aanu eegnay in heeshiiskii ay wada galeen wasarada ganacsiga iyo Ganacsatadu in shuruudihii aanu u dhignay aanay buuxinin ayaanu go’aansanay in dib loo celiyo, markabkiina sidaasi ayuu ku noqday, runtii Ganacsatadii Shiidalka lahaydna way nala qaateen in Dib loo Celiyo.”Ayuu yidhi wasiirku.

Harowo


This post has been viewed 860 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH