Xog: Shaxda Awood Qaybsi Ee La Rabo In Lagu Xalliyo Arinta Saylac Iyo Masuuliyiintii Reer Awdal Oo…AKHRISO WAXA MEESHA KA SOCDA
Saylac (Harowo)- Magaalada Saylac oo uu ka socdo shir doceedyo balaadhan oo lagu raadinayo natiijo baal marsan natiijadii beelaha qaar ka farxisay,qaarna ka qaylisiisay.
Xidhiidho qotodheer oo Boramanews ay ilaa caawa la samaynaysay qaar ka mida Masuuliyiinta deegaankaasi ku sugan ayaa sheegaya in wufuudo kala duwani kusugan yihiin magaalada.
Qaarka socda Xukuumada Siilaanyo,Salaadiin Iyo Rag odaaal ah oo ka socda
xukuumada Ismail Geele oo iyaguna dhinac kaga jira magaalada.
Xildhibaanada Beelaha Gadabuursi oo ah aqlabiyada ayaa loo soo
bandhigay shax oo awood qaybsi ah taasi oo ah mid garabmarsan natiijada.
doorashada.
1,In Xildhibaanadu ka tanaasulaan doorashadii ay qabsadeen ee ay ku
doorteen mayerka iyo ku xigeenka.
2,In Saxaafada Horteeda Ka Sheegaan in ay ahayd mid qalad ah raali galina
ka bixinayaan.diyaarna u yihiin in ay fadhi kale oo loo dhan yahay dib loo qabto.
3.In Musharaxu noqdo Hal nin oo ka soo jeeda beesha Ciise Iyo Ku Xigeenkana
Beelaha Gadabuursi.
4.In Beesha gadabuursi lagu qanciyo,Xoghayaha dawlada Hoose.
.Hogaanka Cashuuraha ee deegaanka Saylaca.
5.In Shir loo dhan yahay la,iskugu gacan saaro dhamaan dadka hogaamiya
bulshada deegaanka.isla markaana saxaafada horteeda laga sheego in cadaalad
iyo is afgarad laga gaadhay ismariwaagii Saylac.
Shaxdani xukuumada Siilaanyo hordhigtay xildhibaanada iyo odayaasha dhaqanka
ayaa la sheegay in uu dhinac ka raran yahay,meeshana ka saarayo natiijadii
doorashada.
Warar hoose oo Boramanews helayso ayaa sheegaya in Siyaasiyiinta Gadabuursi
ee Hargeysa ka yimiday laftigoodu taageereen go,aanka Siilaanyo,iyagoo la sheegay
in qaarkood ka baqayaan in xilkooga waayaan,halka kuwo kalena xil ku raadinayaan
talada dhabar jabka ku ah natiijadii doorashada golaha deegaanka.
Boramanews waxa ay kuu soo gudbin doontaa kolba arinta waxa ku
soo kordha iyo waliba khidadaha siyaasiyiinta.
BNN
This post has been viewed 35 times.













WAR NINKII ISMACIIL CALOOL GEELEE SOOKAN CIISIHI ISKA SOO JEEDIYAY WALEEE KURSIGII WAAD KU DAAIMAAYSA