Harowo.com

Xildhibaanka Is casila maxuu sharcigu ka qabaa?

HAROWO.COM
Xildhibaanka Is casila maxuu shrcigu ka qabaa
 
Runtii Is-casilaadda xubnaha golaha degaanka ee Zaylac iyo Lughaya waa qalad sharci ah
waxa se aan soo dhoweenayaa khilaaf kasta oo yimaadda in lagu dhameeyo qaab wada
hadal gaar ahaan dadka degaan wadaagta ah ee tol iyo xididba ah, arrinta wada hadalka
oo ah dhaqan shacabka reer somaliland ku soo caano maaleen.
 
Haddaba somalidu waxay hore u tidhi “hasho maankayga gadee ma maansaarbay liqday”
waxa aan la wada soconaa in arrinta muranka Zaylac uu walaaqayo Ina cumar Gellaha
Jibouti oo sida cad intii doorasha ku sheeggu ka soctay Jibouti ay degmada Zaylac
ay deganeed oo wax dhibaato ihi aanay ka jirin, hasa yeeshay markuu mulaaqay codkii
shacabka Jibouti uu bilaabay hawshii uu hakadka geliyay ee ahayd inuu qaso dalka
Somaliland dadkiisana u diido deganaansho iyo xasiloonida.
 
Waxa sharcigu dhigayaa in xubnaha is-casilay marka hore la buuxiyo oo xildhibaanadii
sugayaasha ahaa si dhakhso ah u buuxiyaan ka dibna lagalo waxii tabasho ah ee dadka
degaanku kala tirsanayaan bal se aanay sinaba dadka reer somaliland u aqbalin in looga
arrimiyo muranka Zaylac Dirirdhaba iyo Jibouti toona.
 
Inkasta oo aanan anigu garanayn waxa laga garnaqayo waayo meesha doorasho ayaa ka
dhacday, cabashada doorashaduna dalka oo dhan ayaa laga cabanayaa oo qaabkii Kulmiye
u maamulay doorashada cid ka raalli ahi may jirin aan ahayn Kulmiyaha meel walba kowaad
noqday mooyaane.
 
Ibrahim Duale Sulaiman 

This post has been viewed 161 times.

camud

Posted by on Feb 27 2013. Filed under Harowo News - Wadan Iyo Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

4 Comments for “Xildhibaanka Is casila maxuu sharcigu ka qabaa?”

  1. war wax aan caqliga gali karin inan yar oo adhiga ku raaci jiray oo weliba soo raaca ayaa ciise cadhuuftiisa isu dhigayan oo habar jecla ah oo yasif ah bay dheg qudha ku dhegeystaane yaa uga futo xun waxay ku danbayn xabaali lafo ciise waxna iskama celiyaan markay canfar isku doontaana e dhulka la wadho waxay yidhaahdaa yaa somaliyaay eleterya wixii ka qabsadayna waad ogaydeen ee weli ciisi ay qabteen 2008 weli musawac asmara ku xidhan yihiin oo futo ay kaga hadlaana jirin waayo faransiis bay isku halaynayeen kiina way arkeen inuu u bixi waayey somaliland habeen bay jabuuti ku qabsanaysaa siiba dumarka somaliland sxb ninka ciise reer jabuuti 15 jir baa jidhka loogu maydhaa

  2. Hassan Jibril

    Marka hore waad salaamen tihiin, marka xiga arinta ad soo dhig tay meesha ee ahayd (Xildhibaanka is casila muxuu sharcigu ka qabaa). Wallaal arintaa kama aad hadlin ee rintii Saylac uun baad hor ka gashay markaa adaan dib kuu waydiinayaa ee is casilaad muxuu sharcigu ka qabaa taasi waa iga intaa takale waxa yaab leh waxa Gadabuursi Ismaaciil Cumar Geelle u haystaa, waa Ismaaciil waa nin madax Ciisa ah waxa uu u soo kodhinkaro tolkii waa waajib saaran ee idinku maxaad Reer Sheekh Isaxaaq is kaga reebi laadihiin ood xuquuqdiina uga qaadan laadihiin.
    Waxaan tolkay u sheegayaa burbur ka Soomaalilaand idinka ayaa gacanta ku haya waxay ku xidhan tahay idinka oo marka hore isdila oo kala adkaada oo xukunku sidoo ahaan jiray ku noqdo ummadaha inagu xeersen wey is dilaan haday tahay Isaaq, Darood, Ciise. Waxa inahaysta Hogaan la’aan, waar Ugaas kaagii ayaad isku qabsateen. Makaahiil awoodiisa hasoo bandhigo, haddii kale is jiid jiidkaa waligiin ku jiraa, Wasiirkaagii ayaa la siiyey Daarood, Badhasaab kaagii waa la eryey, kii Ciisana waa la dalac siiyey.
    Waar nadaaya (Hadh dhaq madhan baad meesha ku haysiin). Waa nin Jibriil yoonis ah.

  3. guure

    wager gadabuursow abtinimo waxa kabax oo didiya aabeesyada gudaha aad ku haysataan siiba M/ case iyo makaahiilow

  4. Shacabka diridhaba ila yelan mayoo
    dhulkeyga ee ciisow weynu iis naqaan.

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH