Xildhibaanadii Beesha Ciise oo ku talo jira inay is casilaan iyo fariin dagaal oo ay Diridhaba ka sidaan
Xariirad (Harowo)- War naga soo gaadhay Degmada Xariirad ee Gobalka Selel ayaa sheegaya inay magaaladaa soo gaadheen Xildhibaanadii Beesha Ciise ee ka cadhooday doorashadii ka dhacday Somaliland.
Xildhibaanadan ayaa dhawr maalmood ku maqnaa magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya, kadib markii uu u yeedhay Ugaaska ciise iyo odayada ay talada reerku ka go’do
Sida aan wararka hor dhaca ah ku helayno, nimanka xildhibanada ahaa waxay sidaa fariin colaadeed waxa lagu soo amray inay xubinimadii golaha degaanka ee loo doortay iska casilaan, kadibna ay ka qeyb qaataan rabshadda iyo dagaal ay beeshoodu ku talo jirto inay jiidaa ka huriso.
Sida uu sheegay Afhayeenka Kooxdani ninka la yiraahdo Geesh Aadan Billen waxay dhawaan la hadli doonaan warbaahinta.
This post has been viewed 124 times.













waaaaaaaaw cise miyaa dagaalamaya canfar miyaa samroon waar labadii caruuri way is ciyaar taqaan ee ciida inta jogta hakuduulin
Ciise warabee. Waxad hayiso so daa adeer dhagata ayaa dhiiga lagu daraya. Sadaba danbe maa jiro
waar waa lagu haaya ee waxaad doontid kuhadal ee dagaal waa kuhaya amba oy amba aamus sxb ee waa lagu qaraacii