Harowo.com

Xafladii Soo Dhaweynta Ugaas Cabdirashiid iyo Suldaan Wabar ee Ka Dhacday London – UK

Awdalpress – London – Xaflad si heersare loo soo agaasimay oo ka dhacday saalada Hotelka Wembley Plaza ee ku yaalla magaalada London, ayaa waxa lagu soo dhaweynayey Ugaaska Gadabuursi…Ugaas Cabdirashid Ugaas Dooddi iyo Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar oo socdaal ku jooga dalka UK.

Soo dhaweyntan oo ahayd middii ugu heer sarraysa ee loo sameeyo Oday dhaqameedyo, ayaa waxa ka hadlay oday dhaqameedyo iyo waxgarad ka soo jeeda beelaha, Ciise, Garxajis, Habar Awal, Gurgure, Xawaadleh, Ogaadeen, Hawiye, Dhulbahante, Geri, Majeerteen iyo kuwo kale. Dhammaantoodna waxa ay ka sheekeeyeen taariikhda ma guurtada ah ee ay leeyihiin qabiilka Gadabuursi ee ay Ugaaska iyo Suldaanku ka soo jeedaan.

Sidoo kale waxgarad kale oo leh rag iyo dumar iyo Salaadiin kale oo beelaha Gadabuursi ah ayaa iyaguna si weyn uga hadlay taariikhda iyo sababta munaasabadda loo qabtay.

Khabiir Ingiriis ah oo u shaqeeya UN ta ayaa isaguna madasha ka hadlay, isaga oo ku kaftamay in uu magaca qabiilkiisa ku hadlayo…waxana uu warbixin kooban ka bixiyey qorshayaal ay ka bilaabi doonaan horumarinta iyo dhismaha dekedaha xeebaha Somaliyeed oo ay ku jirto Lughaya. Si buu yidhi ay nolosha dadku u fiicnaato oo ay ka faa’iidaystaan khayraadka dalka yaalla.

Si kastaba ha ahaatee, xafladdan oo aad u qiimo badnayd ayaa la odhan karaa, waxa ay ka mid noqonaysaa xafladaha ugu yaabka badnaa ee ka dhaca dalkan UK. Wararka oo faah faahsanna waxa aad ka heli doontaan TVyada iyo online-ka oo aan si ballaadhan ugaga warrami doonno.


This post has been viewed 302 times.

camud

1 Comment for “Xafladii Soo Dhaweynta Ugaas Cabdirashiid iyo Suldaan Wabar ee Ka Dhacday London – UK”

  1. mashalah allow cimrigiisa dheeree ugaaska iyo suldaankaba. aamimn , aamin.
    F.G: isaaq waa isaaq ha u kala saari beelo ,

Comments are closed

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH