Harowo.com

Xaafado Ku Yaal Magaalada Jabuuti Oo Lagu Shiiday Guryo Ay Deganyihiin Dad Gadabuursi ah

Wararka ka imanaya magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa sheegeya in kooxo dhallinyaro ahiyo dad wwaaweynba lihi weerareen xaafado lagu tuhunsanyahay inay deggenyihiin dadka kasoo jeeda g/awdal ama u dhashayba .

Sida ay sheegeyaan wararkaasi ,waxa abaabulka shiidkani bilowday markii degmada Saylac lagu wareejiyey maamul ay hogaamin doonaan masuulyiinta aqlabiyadda kahelay doorashadii halkaa ka dhacday dhawaanta ,isla markaana beel ka mid ah beelaha degaankaasi lagaga adkaaday ,hase yeeshee maamulka ismaaciil Cumar geelle ku khasbay xukuumadda soomaaliland madaxweynaheedu inuu jebiyo go,aankii kasoo baxay doorashadaasi ,isla markaana beesha Isnmaaciil Cumar geelle ee lagaga adkaaday doorashadaasi khasab loogu fadhiisyo kuraasta maamul ee dgemadaasi ,taasoo ay waxba ka socon waayeen ,isla markaana guud ahaanba dadweynaha gobolka awdal arrintaasi ka dhiidhiyeen ,mudaaharaadyo dad ku dhinteenna ka dhigay magaalada Boorama iyo degaanada gobolkaba .

Inkastoo an la sheegin khasaaraha ay geysteen rabshadaha lagu sameeyey dadka asal ahaan kasoo jeeda gobolka awdal ,hase yeeshee weli waxa jira dareen feejignaan leh oo la xidhiidha arrimaha ka dhashay doorashadii golaha degaanka ee degmada Saylac iyofashilaadda ismaaciil cumar geelle kasoao gaadhay ergedii uu madaxweyne siilaanyo kaga doonayey in doorashada golaha degmadaasi laga dhigo wax kama jiraan ,waxyna arrimahni hordhac u yihiin xaalad kale oo dalka Jabuuti kusoao waajihi doona dadka halkaa weligood deggenaa ee dhalsho ahaan kasoo jeeda g/awdal,kuwaasoo u muuqda in cidhiidhi lagu geliyo muwaaddiinimadooda dalkaasi deriska ah


This post has been viewed 919 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH