Harowo.com

Wararkii u dambeeyay Ee Saylac

Saylac (Harowo). Wafdigii xukuumadda soomaaliland ee Saylac joogay oo  lagasoo celiyey dalka Jabuuti  kaddib markii gaashaanka lagu dhuftay soo jeedin ay ula yimaaddeen degmadaasi golaheeda cusubi inay oggolaadaan 4 xildhibeen oo mamaasan ah si Ciise aqlabiyadda u yeesho ,Guddoomiyahan u qaataan .Imika ayaa qado ay ka tegeena saylac dib loogu karinayaa .

Xaaladda magaalada ayaa qasan isla markaana feejignaan la galay .Ma jiraan dhaqdhaqaaq siyaasadeedoo hadda socdaayi ,wax walbana way joogsadeen ,waana la kala fogaaday .

Saddexda wasiir markii ay amarka bixiyeen  isla markaana Gadabuursigii  golahaasi diiday ,ayey u dhaqaaqeen dhinaca jabuuti ,waa duur ,cadami oo awalba waagii ugaaska qas ka ridi gaadhay Boorama ,iyo Abiib timacad oo an wax ka duwan arrintaasi laga filaynin.

Saddex saacadood ayaa lagu haystay kaantaroolka  dhinaca jabuti ,waana laga diiday inay gudbaan .War xogogaal ah oo kale ayaa sheegeyaa in ciidamada halkaasi joogay qaarkood dib ugu laabteen saldhiggii Lawyacaddo waxa ku xigi doonana lama oga


This post has been viewed 397 times.

camud

1 Comment for “Wararkii u dambeeyay Ee Saylac”

  1. kuluc

    madaxweynuhu tolaw nuxuu sacad muuse ugu diray hawsha saylac illeen ilaahbaa na lehe way cadahay in sacad muuse iyo ciise weligoodba wada socdeene muuse iyo timacadna awalba farbaa ku godnayd war heedhaha odaygii tolaw maxaa ku dhacay muu cabdi awdaahir iyo xaabsade iyo kan duulista iyo qaar kaleba u diro.

    gudabiirsaw dul qaata waxbaa laydin tusaye walaahi anigu nin habarjeclaan ahay xisbigana taageera iyi dawladaba markay wax fiican qabtaan laakiin odaygu arintan saylac wuu ku fashilmay weliba wuu sii qaribay duurbaan u hanweynaa isna talaabo kama qaadin nimanka ciisee kibray.

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH