War-murtiyeed kasoo baxay gudiga golaha sare ee KMG Awdalstate
HAROWO.COM
London (Harowo)- Nuqul ka mid ah war-murtiyeed kasoo baxay xafiiska golaha sare ee KMG Awdalstate oo Ay heshay Harowo.com ayaa u dhignaa sidan:-
Gudiga golaha sare kumeelgaadhka ee maamulgobaleedka Awdalstate ayaa maanta waxa ay Ku dhawaqeen gudi ka ka kooban 21 xubnood oo isugu jira aqoonyahan, odayaal, iyo dhalinyaraba.
Gudiga golaha sare ee kumeelgaadhka Awdalstate waxay ku hawllanyahay Qaabkii uu talada dib ugu celinlahaa gacanta dadwaynaha reer Awdalstate. Hogaanka sare ee Awdalstate wuxu xooga saarey sidii uu usoo dhisi lahaa maamul Gudaha u gala kana taliya dhulka maamul gabaleedka Awdalstate.
Gudiga golaha sare awdalstate waxa uu Wadatashi kala duduwan layeeshay dhamaan qaybaha ay ka kooban tahay bulshowaynta reer Awdal dibada iyo dalka gudihiisaba. Natiijadii ka soo baxday wada hadaladaa iyo talooyinkaa Talaabadeedii koowaad waa dhismaha gudigan ka kooban 21ka xubnood, oo iyagu kala jooga dalka dibadiisa iyo gudahaba.
Gudigan cusub oo shaqadooda u horaysaa tahay inay sida ugu dhakhsaha Badan u soo dhisaan hogaan cusub oo lagu wareejiyo maamuka awdalstate kadib markii Madaxwaynihii hore xilka laga qaaday.
Hadaba waxay gudiga golaha sare awdalstate u balan Qaadayaan dadwaynaha reer awdalstate in gudigan cusubi soo dhisi doono awdalstate leh Jaangooyo siyaasadeed oo cad iyo maamul dhisan oo shaqaynaya, maamulkaas oo ah mid haysta Kalsoonida dhaammaanba bulshada reer awdalstate meel kasta oo ay dunida kaga nool yihiin.
Goluhu waxa kale uu balan qaadayaa in maamulka la soodhisi doonaa uu noqon doono Mid demoqraadi ah kuna dhisan wada tashi islamarkaana ka turjumaya dareenka shacbiwaynaha reer awdal fulinayana rabitaankooda iyo himiladooda siyaasadeed.
Maamulkan gudigu ay soo dhisayaan ayaa noqon doona mid ku xidhan madaxda odayaal dhaqameedkeena. Godigu marka ay soo dhisayaan maamulkan cusub waxay mudnaanta koowaad siin doonaan waaqaca dhabta ah ee maanta ka jira geeska afrika, sida gobolada dhul xeebeedka Awdal iyo salal, sidoo kale xaqiiqada siyaasadeed ee xamar taala maata iyo waliba saamaynta ay ku yeelatay dadka reer Awdal imika iyo mustaqbalkaba.
Goluhu waxa kake oo manta uu magacaabay gudiga warfaafinta awdalstate , gudigaas oo ka gooban 5 xubnood waxay masuul ka noqon doonaan Arimaha warbaahinta iyo saxaafada ee Awdalstate.
Hadafka shacbigu waa Awdalstate madaxbanaan, waana taa midda aan ku hogaaminayno.
Gudoomiyaha golaha sare ee KMG Awdalstate
Cali Farax Cabdilaahi
London UK
This post has been viewed 76 times.
Related Posts via Categories
Posted by haro3468
on Nov 12 2012. Filed under Harowo News - Wadan Iyo Warar.
You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0.
You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.













Iska hadloow ina hirire adiga iyo kuwa aad kuraasta SNM ta aad u doonaysaan ee dalkooda iyo dadkooda iibsaday kama taliyaan aayaha Awdal State ee waxaa ka taliya aasaasayaashii Awdal State iyo shacabka reer Awdal ee dibada iyo dalka jooga Awdal Statena iib maaha iyo wax lagula gorgortamo SNM