Harowo.com

Waftigii C/raxmaan Saylici horkacayay oo Boorama Dhiig Kusoo Galay Dhiigna Kaga Baxay Maantana Boorama Ku Dilay Qofkii Sadexaad

HAROWO.COM

 


WAR Deg Dega:Gabadh Yar Oo Todoba Jir Ah Oo Uu Jiidhay Gaadhi Ka Mida Kuwii Waftiga Saylici Oo Kasii Baxayay Borama Iyo Odayaal Arintaasi..


Borama (Harowo)- Magaalada Borama waxaa galabta ka ambabaxay

Waftigii Madaxweyne ku xigeenka oo ay galbinayaan ciidamo tiro badan oo

baabuur xawli ku socda wata.

Wafti Eng Saylici oo u baxay Magaalada Hargeysa Ayaa jidka looga baxo

Magaalada Borama ee xaga Hargeysa marka ay marayaan ayaa

Baabuur ka mida Ciidamadii ilaalada u ahayd masuuliyiinta oo

ay saarnaayeen Askar tiro badani si xawli ahna u socdi uu jiidhay

Gabadh yar oo 7jir ah oo gurigooda hortaagan.

Gabadhani caruurta ah oo Magaceeda La,odhan jiray

Raaqiya Cismaan Xirsi Salal ayaa Baabuurku si xun u jiidhay

isla markiina ku nafwayday dhaawaca xun ee soo gaadhay.

Waftga ayaa hakiyay socdaalkoogii oo reerkii gabadha yar

wadahadal dheer la yeeshay,Waxaana waftiga la hadlay rag

odayaal ah oo jufada gabadha yar ah,waxaana la,isku afgartay

in Gabadhii yarayd la aaso,arinteedana la,iskugu yimaado.

Gabadha Yar waxa ay Jufo hoose isku yihiin Suldaan Wabar.

Waftigii Iyo Askartii ilaalada u ahayd ee dhimashada geestayba

waxay u sii baqooleen Hargeysa.

Boramanews Desk

 Soruces: BNN


This post has been viewed 34 times.

camud

Posted by on Jan 1 2013. Filed under Harowo News - Wadan Iyo Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

1 Comment for “Waftigii C/raxmaan Saylici horkacayay oo Boorama Dhiig Kusoo Galay Dhiigna Kaga Baxay Maantana Boorama Ku Dilay Qofkii Sadexaad”

  1. samaroon

    indr jibriil yoonis kamay dhiman eh dhamaan samaroon ayay ka dhinteen
    ee sidaa u fahan oo cinwaanka ka daa ma wanaagsanee

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH