Harowo.com

WAFTI XUKUUMADDA SOOMAALILAND AH OO DAWLADDA JABUUTI KU QANCINAYA SIDAY U AQBALI LAHAYD MAAMULKA SAYLAC

Saylac (Harowo)wafdika kooban saddex wasiir  oo ka socda xukuumadda soomaaliland ayaa maanta gelinkii hore galay magaalada Jabuuti kaddib markii  dalkaasi shalay laga horjoogsaday inay galaan .

Wafdigan oo ka kooban sadeexda wasiir ee gaashaandhigga ,cadami ,wzasiirka daakhliga Duur ,iyo wasiirka warfaafinta Abiib timacad   laba maalmood ka hor Saylac  u gaadhay arrimo  ku saabsan maamulka magaaladaasi mashruuca noqotay ,ayaa la filayaa in inta ay joogaan Jabuuti kulammo la yeelan doona madaxda dalkaasi ,isla markaana sida Wararku sheegeyaan madaxweynaha dalka Jabuuti gaadhsiin doona farriin ay uga sidaan madaxweynaha soomaaliland Axmed Siilaanyo.

wararka ayaa sidoo kale sheegeya in wasiiradaasi dawladda jabuuti iyo beesha Ciise hor dhigi doonaan waxay  dawladda soomaaliland ka garatay  maamulka degmadaasi ,isla markaana la fuliyo shuruudo ay beesha Ciise ku xidhay  wareejinta maamulka degmada Saylac kuwaasoo ay ka mid yihiin shaqaalaynta ku dhawaad boqol ka mid ah beeshaasi oo laga hawlgeliyo degaankaasi ,mansabyada maayarxigeenka  degmadaasi,taliska ciidanka badda ,taliyexigeenka ciidanka amniga ,xoghaya hawladda Hoose iyo shuruudo kale oo an weli shaac laga qaadin .dhinaca kale  wafdigan ayaa la filayaa inay xukuumadda jabuuti kala hadlaan sidii loo sugi lahaa amniga soohdinta labada dal isla markaana loo baajin lahaa in maleesiyo beeleed Ciise ahi kasoo tallaabaan xuudduuda labada dal taasoo keni karta inay iskun dhacaan beelaha iyo ciidamada ammaanka soomaaliland ee jiiddaasi .

Waraka aya ainta ku daraya in sidoao kale  wafdiga Jabuuti kala hadli doonaan dawladda Jabuuti sidii  anay arrinta maamulka saylac waxyeello ugu geysan xidhiidhka ganacsi iyo siyaasadeed ee labada dal .

Inkastoo anay  xubnaha wafdigaasi ka hadal ujeedada socdaalkooda ,hase yeeshee waxay ilowareedyo kale tibaaxeen in xukuumadda Jabuuti ,oo lug ku leh maamulka degaanka Saylac ay cadho ka muujisay sida xukuumadda soomaaliland ugu qancin kari weyday beelaha aqlabiyadda golaha degaanka Saylac kusoo baxay inay ka tanaasulaan maamulka golahaasi ,maamulka degaankaasina ay gacanta ugu sii hayn lahaayeen  beelihiihore halkaa uga talin jiray ,wax kastoo ay ula tegaan xukuumada Jabuutina  lagu tirin karo inay  uga calaacalaan sida wax uu dhaceen  doorashooyinki golayaasha degeenka ee Degmadaasi ,isla markaana anay cadhadaasi waxyeelo u geysan amniga  iyo maamulka soomaaliland ee aqoonsi la’aanta siyaasadeed cidlada uga  taagan arrimaha caalamka .

Harowo


This post has been viewed 178 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH