Harowo.com

Waamaxay Qiimaha Midnimo, Yaa Mudan Inay Midoobaan, Ayayse ka Midoobayaan?

HAROWO.COM

 

WAA MAXAY MIDNIMO ? SIDEESE LAGU HELAA MIDNIMADA? YAASE MUDAN IN AY MIDOOBAAN? AYAYSE KA MIDOOBAYAAN?

 
Marka Hore waxaan Salaamayaa Dhamaan Shacabka ADAL OO DHAN Meelkasta oo ay joogaanba.
Salaan Kadib Waxaa Igu Kaliifay Maanta Inaan Maqaalka Kaga Faalooda Sababta Deegaanka ADAL ayna u haysan Hogaan Midaysan Maxaase keenay maanta in SAYLAC Lagu Muran san yahay Su,aashaa Jawaabteeda Saxda Ah oo Bulshada inta aragtida Dhoow Niman Siyaasiyiinaa u sawireen Sawir Gacmeed .
Hadaba akhriste kasta Bal intuu fakaro hakala qiimeeyo Xaqiiqda, Hadii aan U Gudo Galo Dulucda
Qodobka Koowaada waxaan dhihi lahaa Midnimo La,aan iyo Fa,iidada Midnimada oo aan la fahmin wax tarkeeda Waxaan isku Dayayaa inaan Qeexo Erayga Midnimo. Waa maxay ?
Umamka Dunida Ka jira Xoogoodu wuxuu ku dhisan yahay midnimo, Sidaa Darteed waxaa la dhahaa Qoom kasta Midnimadiisu inta ay leeg tahay ayay sharaftiisa iyo Cizigiisu leeg yahay Waa waxa keena inay Bulsho Noolaato iyadoo Xasiloon Waa waxa Keena in Umadi inay Noqoto Mid la tix geliyo ,waa waxa keena in Dadka deriskeedaa ama ku xeeran inay magac ku dhex yeelato lana maamuuso ,Lana Ixtiraamo Midnimo waa Quwad Waa Xeelad Waana Hor u mar , Bulsho Hadii Midnimadeedu Lunto waxaa Lama Huraanaa inay iyana Lunto oo aysan sii jirin waqti Danbe ..
Midnimada Aadamaha Kaliya Hor U mar kuma Gaadho ee xataa Cayayaanka Rabi abuuray ayaa Marka ay Midoobaan Sameeya wax Caqliga Aadamuhu La Cajabo Tusaale hadii aan soo qaadano
Shinidu Marka ay Midowdo Rabina U suurto Geliyo waxay soo saartaa Malab Abwaan soomaaliyeed ayaa wuxuu yidhi ….
Shinniduba itaal ma leh
Markay wada shaqaysana
Waataa malabka shiishee
Shixnadaha sameysee
Haamaha ku shubatee
Aadmigu shaxaadaan
Ummadaha shirkoobee
Xidigaha ku shirayana
Midnimeey shifeesteen”
Waxaa Kaloo Xusid Mudan Aboorka ad itaalkiisa aragteen Hadii uu isu tago waxaa Xaqiiqaa inuu Dhiso Dudumada aad wayninkeeda aragteen ..intaa hadii aan Faalada Midnimada uga soo Baxo
Su,aasha is waydiinta lihi waxa weeye Waa maxay Sababta Lumisay Midnimadii umada Ka soo Jeeda ADAL
Waxaa Lumiyay Dhowr Sababood oo ay ka mid yihiin
1.Maxaan Cunaa Ceebi Yeelkeede
2. Maanta ayaa Daran Beri Ha Ku tashan
3.Si aad magac u yeelato Mucaarid Reer Tolkaa
4.Qurbaha ayaad Xoogaa Ka Heshee Shacabkii Qas Kula Noqo
5. Shacab Quustay Markay Cid u soo Socota waayeen
6.Reer Hebel Yuusan Kaa Horayn Ee la baratan Asaagaa
Guntii iyo Geba Gebadii waxaan Dhihi Lahaa Midnimada Iyo Sharafata Iyo Soo Celinta ADAL waxaa iskale oo ay ka go’antay Beel waynta Sheekh Samaroon. Waxaa Horseed Ka Noqon Kara Sadex Arimood in loo Fuliyo Siday Yihiin
Kuwaas Oo kala Ah Marka Ay Bulsho Doonayso Inay Raad Racayso Wax Ka Go’an waxay Adeegsataa Qaaciidada Ah
1. Al Hami Oo ah inay Hankeeda Geliso helitaanka Wax ka Maqan
2. A Zaciima Oo Ah Go,aan Qaadasho Adag Oo Xaqiiq Ku Dheehan Tahay
3. Al Muqdara Oo Ah inay Awoodeeda Is Tusiso ogaatona inuusan Haysan Karin Nimaan An Magac Iyo Maal Iyo Muruqba Kal Liitaa Haysan Karin
Waxaan ku soo Koobayaa In shacabka Beel waynta Sheekh Samaroon Midoobaan Kana Tashadaan Danayste?
 
WABILAAHI TAWFIIQ
Abdiqadir Mohamed Aqli

This post has been viewed 90 times.

camud

Posted by on Dec 31 2012. Filed under Xulka Qoraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH