Harowo.com

Waa yaabe Bogga Harawo iyo Beesha Isaaq Goormay Colloobeen?

HAROWO.COM
Waxa la yaab leh bog ka mid ah bogaga afka somaliga ku hadla ee weliba dadka somalilanderska ahi qoraan
inuu shido dagaal iyo colaad dhex marta beelaha Isaaq iyo Samaroon iyada oo aan cidi ka warqabin meesha
colaadaasi ka socoto.
Runtii haddii arrinta cadaalad darada iyo cabashooyinka dadka reer Borama xakuumadda Kulmiye
ka tirsanayaa ay u bedeshay Harawo colaad dhex taal Isaaq iyo Samaroon waa arrin ugub ku ah
siyaasadda Somaliland, cabashooyin iyo cadaalad darro kuwa reer Borama la mid ah ayay dad
badani ka tirsanayaan Xukuumadda Kulmiye bal se reer kama sheegaan waxba.
Waxa kale oo u baahan in La is-dul taago Markii uu Rayaale ahaa Madaxweynaha Somaliland
lama arki jirin wax sidan oo kale ah oo ay qori jireen dhallinta Jibriil Younis ee maanta ku
xardha bogga Harawo hurinta colaadda labadan dhinac.
Arrintii Zaylac dad badan oo ka mid ah beelaha Isaaq ayaa waxay la mawqif yihiin dadka
reer Awdal ee ka gilgishay dhul balaadhsiga Ina Cumar Geelle, soona dhoweeyay in loo
dhaafo Zaylac sidii golayaasha kaleba loogu daayay ciddii doorashada ku guulaystay.
Haddaba waxa aan si Gaar ah oga codsanayaa qoraayaasha Harawo inay ilaaliyaan
milgaha qoraalka joojiyaan colaadda beelaha kuna ekaadaan wax ka sheegga
Xukuumadda Kulmiye ee ku asqawday maamulka dalka guud ahaanba.
Ibrahim Duale Sulaiman
 <somaliland44@hotmail.com>

This post has been viewed 462 times.

camud

Posted by on Feb 23 2013. Filed under Harowo News - Wadan Iyo Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

4 Comments for “Waa yaabe Bogga Harawo iyo Beesha Isaaq Goormay Colloobeen?”

  1. waan jeclaan laha in bogga harawo ka jawaabto qoraalka kor ku xussan beesha samaroon muaarad iyo muxaafid fogaaday labada wey leeyihiin sido kale beesha isaaq muxaafid iyo mucaarad fog labaddaba wey leeyihiin mubda iyo qoosnimadu waa wax kala duwan is maqal fiican

  2. Murjin

    Waa wareey!!!!!!!!!!

    Harow waxa ka qaldamay dagaalkii ay ku jireen waxay kaga hartay dhulbahante ayaa kacay gadabuursi baa cidla lagaga tegey.

  3. Geedi

    Waxa la yaable in dhammaam Gobol ku sheega Salal ay maamulkeedii la wareegeen beesha dhexe,labadii isku hayey ka hayaameen,beesha ciise si wacan bay u soo dhaweynayaan maamulka Isaaq ee gobolka ka taliya,beesha Samaroon aad bay uga fiirsanaysaa tallaabada ay qaadi doonaan,shaki waxaan ku jirin in dalkooda gacantooda ku soo celidoonaan in walba haku qaadateen,waxan digniin kama danbayn ah u joodinaynaa maamulka Soomaaliland ee si xawli ah boobi kuhaya dhulka Gadabuursiga,shaki la’aan maamulka beesha dhexe wuxu fulinayaa heshiiskii ay lagaleen beesha ciise,waxan kula talinlhaa dhalinta Samaroon in ay isku taagaan siday u xoraynlahaayeen

  4. Ifrah

    qosol gariir waa maxay waa yaabeee

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH