Harowo.com

Taleex: Diyaaradii u horaysay oo soo caga-dhigatay Garoonka Sayid Maxed Cabdile Xasan Iyo Madaxda iyo Garaada Khaatumo oo kasoo degay

Garoonka Caalamiga ah ee Sayid maxamed Cabdile Xassan oo Dhowaan laga hirgeliyey Caasimada Maamulka Khaatumo ee Taleex ayaa maanta waxa soo Caga Dhigatay Diyaarad Siday Wefti Issimo iyo Wasiiro isugu Jira oo ka tirsan Maamulka Khjaatumo kuwaasi oo indhowaalaba ku maqnaa Caasimada dawlada Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho
Weftigan oo ay Hogaaminayeen Issimada Deegaanada Khaatumo oo ay kamid ahaayeen Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac, Garaad Saleebaan Garaad Maxamuud Garaad Maxamed, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil , Ugaas Cabdilaahi Ciise iyi Suldaan Siciid iyo Xubno Ka socda Golaha Wasiirada Maamulka Khaatumo ayaa waxaa Si Diiran ugu Soo Dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdule Xassan Madaxweynaha Maamul Goboleedka Khaatumop Maxamuud Yuusuf Jaamac Indhosheel, Xubno ka tirsan Golayaasha Xukuumada iyo Garaad Cabdisalaan Maxamed Xassan.
Garoonka Diyaaradaha ee Taleex ayaa Duuliyaha Diyaarada Siday Weftiga Khaatumo uu ku tilmaamay Mid si heer sare ah looga Shaqeeyey.

 


This post has been viewed 620 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH