Harowo.com

Somalia 35 Sano Ka Dib Sovietkii Ruushka, Turkigu Waa Saxiibka Kaliya ee Caalami ah ee ay Yeelato.

Somalia waa dal ku yaala meelaha caalamka ugu wanaagsan markay timaado istrattiijiyada siyaasada, dhaqaalaha, militariga iyo waliba dhinaca arimaha bulshada. Waxay ku taala dhinaca qorax ka soo baxa geeska Africa waxay xaduud la wadaagtaa wadamada Eithopia,Kenya, jabouti iyo Yemen waxay leedahay bada ugu dheer qaarada Africa , waxay sidoo kale qani ku tahay dhinaca beeraha iyo xoolaha oo ah laf dhabarta dhaqaale ee wadanka Somalia waxaa sidoo kale uu leeyahay webiyo ad u dheerdheer oo ka soo bilaabma dhulka sare ee Eithopia marana inta badan gobol dhexe iyo koonfurta.

Bulsho ahaan waa dad wata xadaarad aad fog oo ay kaga duwan yihiin inta badan dadka qaarada Africa waa dad leh xidhiidh bulsho oo aad u sareeya watana mihnad Isfahan iyo fan aad u heer sareeya Waa umad leh suugaan iyo fan aad u taariikh dheer oo soo taxnaa qarniyo badan.

Dhinaca ganacsiga waa bulsho leh fikir abuur ganacsi oo ay waliba ku gaadhaan guulaha ugu waaweyn ee laga gaadho ganacsiga waxay saamayn xoogan ku leeyihiin wadamada gobalka sida Kenya, Uganda iyo waliba eithopia dhinaca wadamada dariska somalida waa bulshada labaad ee leh dhulka ugu balaadhan ee wadanka Eithopia waana bulshada sedexaad ee ugu badan dhinaca tirada dadka marka laga tago oromada iyo axmaarada, wadanka Kenya waa bulshada sedexaad ee ugu badan dad ahaan dhul ahaana waa bulshada labaad .

Markaa aan ka nimaadno dhamaan wanaagaas dhinaca kale somalida waa bulsho ku fashilantay siyaasada kuna guul daraysaty inay yeeshaan dawlad iyo nidaam kala haga marka laga reebo Somaliland oo ku guulaystay inay abuurto nidaam dawladeed oo caalamka la jaanqaadi kara in kastoo aanay wali helin aqoonsi caalami ah balse ku guulaystay inay dadkeeda u abuurto deganaan iyo xisilooni taaba gal ah .

Waxay dad badan ku jaahwereereen sababta dhabta ah ee salka ku hayso degnaansha la’aanta Somalia. Balse waxaa iska cad inay Somalia ay ka wayday beesha caalamka wadan xooogan oo saamayn ku yeesha siyaasada Somalia ka dib wadankii la odhan jiray midowga sovietka. Markaan dib u milicsano siyaasada Somalia ayaa ah mid aan sinaba u raalin galin wadamada dariska sida Eithopia ,Kenya iyo Jabouti

Eithopia iyo Kenya waxay aad uga cabsi qabaan in hadii Somalia ay yeelato dawlad xoogan ay soo celin doonto damaceegii ahaa dhul balaadhsiga maadama ayna wali qaramada midoobay si rasmi ah ugu aqoonsan inay leedahay gobolka somalidu dagto ee Eithopia, sidoo kale dalka Eithopia oo aan qarsan sida uu uga soo horjeedo dawlad Somalia yeelato, waxay ahayd 1960 markii ay Somalia xornamada qaadatay in Eithopia u gashay olole adag in iyada lagu soo daro oo aan la samayn dal ay Somali leedahay waxaana wali cad inay Eithopia wali hayso dhabahaa.

Sidoo kale waxaa iyadna la wada ogyahay in Eithopia ay duulaan ku soo qaaday Somalia sanadkii 1964 kaasi oo wadamada Somalia u soo gurmayday ay ka mid ahayd wadanka masar oo aanay siyaasad ahaan Eithopia heshiis ahayn. dagaalkii 1977 oo ay Somalia ka soo hoysay guulo aad u weyna khalkhalna galiyey qaramada iyo jiritaanka wadanka Eithopia kuna qasbay inay dalbato kaalmi military oo caalami ah ayaa Somalia ka dhigay wadan aan loo adkaysan Karin isla markaana laga dhigo meel sida maanta ay tahy ah.

Dhinaca jabouti ayaad mooda inay xooga ka yar sahlan tahy marka loo eego wadamada Eithopia iyo Kenya, Jabouti kaliya waxay ka baqaysa inay lumiso saamaynteeda siyaasadeed e ku leedahay wadamada bariga Africa hadii ay Somalia yeelato dawlad xoogan ama Somaliland la aqoonsado.

Si kast ha noqotee Somalia waxa meesha dhigay ayaa noqotay inay u nuglaato dibanada wadamada dariska ah isla markaana ay waydo sxbo xoogan oo caalami ah. Balse l waxaad moodaa in Somalia hada yeelatay sxb saamayn badan leh isla markaana aan lahayn shaki badan oo la mid ah tii hanta wagaagi ruushka .

Turkigu waa dal musim ah isla markaana ku jira wadamada gaashaanbuurta NATO sidoo kale leh xadaarad fog ka dib qalalaasaha dhaqaale ee ka taagan wadamada isticmaala lacag eurada (Euro zone ) wadanka turkiga waxaa uu door biday inuu saamayn dhaqaale, ganacsi iyo gargaar ku yeesho wadamada muslimka ah, Somalia waxay noqotay wadan aad ugu haboon siyaasada cusub ee turkiga ma jiro wadan hore oo ay Somali ku lahaa saamayn siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba marka laga tago dabinada jaarka.

Wadanka turkiga ayaa wadankii ugu horeeeyay ee soo bandhiga qorshaha horumarineed ee Somalia halka shirarkii hore looga hadli jiray oo kaliya dib u heshiisiin iyo argagaxiso.

Turkigu wxuu ku yaboohay deeqo aad u tiro badan iyo waliba mashaariic horumarineed oo u balan qaaday, waxaa iyadna mid aan la ilaawi Karin ah sidii dalka turkigu ugu soo gurmaday Somalia xiligii abaarta ee sanadkii hore taasi oo imaatinki raysal wasaaraha turkiga rajab dayb erdegon ku yimid Somalia ay ku soo jeedisay indhaha beesha caalamka .

Waxaa sidoo kale xusid mudan in wadamada reer galbeedku ay tartan kula jiraan dalka turkiga saamayntiisa dhicyada badan leh waxaa tusaale u ah shirkii London oo ka dambeeyey dareen ka dhashay dar darta wadanka turkiga ee Somalia .

Waxaa sidoo kale ay badashay nidaamkii beesha caalamku Somalia kula dhaqmaysay oo ahayd inay hub iskugu dhiibaan isla markaana ayna ka dhalan nabad iyo deganaansho taasi oo abaalkii beesha caalamku noqotay inay iyaga laftooda khaatiyaan ka istaagaan gaar ahaan budhcada badaha oo khal khal iyo saamayn adag ku yeelatay ganacsiga caalamka . waxaanay arinta turkiga galisay caalamka dagaal cusub oo ah dhinaca dhaqaalaha iyo istaraatiijiyada ee somalia.

Balse waxaad mooda in durba jiraan iska dayo lagu rabo in lagu mija xaabiyo hawlgalada dalka turkiga ee Somalia tusaale ahaan dawlada Eithopia ayaa dhawaan u yeedhisay sxbadedd ay u adeegsato bur burinta somalida sida puntland iyo galmudug inay ka hor yimaadaan shirkii istanbuul hase yeeshay markay arkeen inaan loo joojinayn hadana iska yeelay .

Hadaba waxaa is waydiin muda sideebay Somalia uga faa’idaysan doontaa fir fircoonida wadanka turkiga mise waxay noqon doonta fursad ay Somalia mar labad dayacyado sidi ay u dayacday tii Ruushka oo keentay inay Somalia ku jabto dagaalkii isla markaana keentay bur burkii dalka mise waxay noqon doonta qaar ka faa’idaysta oo Somalia mar kale lugaheeda isku taagto.

Waa qalinkii Ahmed Bashiir Hassan

Somali Organic Agriculture Development Organization (SOADO)
Mogadishu Somalia

Tell : +252616103433
+252 2 4453261


This post has been viewed 357 times.

camud

1 Comment for “Somalia 35 Sano Ka Dib Sovietkii Ruushka, Turkigu Waa Saxiibka Kaliya ee Caalami ah ee ay Yeelato.”

  1. warsame

    taariikhda soomaalida iyo turkigu waxay leedahay laba qaybood oo midi ahayd taariikh hore oo aan ogayn sidii ay ku dambaysay taasi oo ahayd mid aanan la mahadin soomaalida baabiisay xaga maamul iyo xag ciidan taasi oo ah qayn ka mida dhibaatada soomaalida.
    iyo qayb cusub oo bilaabantay sanadkii hore markii ay si caadifad ah ordagan iyo naagtiisu yimaadeen xamar taasi oo ahayd wax lala yaabo habdhaqabkoodu iyaga oo iska dhigaya in ay wax tarayaan soomaalida dhibaataysay hadana ahayd hagardaamo taasi oo ah in inta xamar joogta oo kaliya wax faro dushooda la siiyo malaayiintii kale ee abaaruhu ku dhaceena lagu yidhaahdo xamar u soo qaxa AMISOM dabadeeda ayaan wax lacunaayi yaaliine oo waliba dadkii muslinka ahaa lacagtii yarayd ee ku saqadadaysteen soomaalida gaajoonaysay ay ku biiliyeen afrikaanta xamar joogta, iyadoo laga xarimay soomaalida koonfurta ee abaaruhu ku dhaceen.
    hadaba horayso iyo dambaysaba turki iyo saaxiib niyo kala dheer waxaan aan anigu u arkaa markii dawladii masar ee dilaalada ahayd dhacday in uu boos fiican oo ku dilaalan karo helay.
    soomaalina ilaahay mooyee cid kale oo wanaageeda rabtaayi ma jirto.
    laab la kaca naga daa walaal, ilayn maalin walba wadi mayno hebel ayaa soo gurmaday iyo hebel ayaa najecel aan waxba laga faa’iidayn

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH