Harowo.com

Socdaalkii Axmed Siilaanyo Ee Gobolka Awdal Iyo Natiijadiisii “Sheeko gaaban”


Waxa jiri jiray nin u talinjiray meel, Ninkaasi wuxuu ku caan baxay arxan daro, awood sheegasho, kala qaybin iyo kali noolaansho.
Wakhti wakhtiyada ka mid ah ayuu ninkii dadkii meesha degganaa ku amrey in wixii cad ah isaga la siiyo caanahana iyaga loo daayo.
Dadkii meesha degganaa muddo dheer ayay ka soomanayeen hilibkii xoolohooda, maalin maalmaha ka mida ayaa dadkii koox indheergaradda ayaa u dul qaadan kari wayday dulmiga lagu hayo dadkooda iyo xoolahooga waxayna go`aan ku gadheen in ninkaas loo yeedho loona sheego in sidani dulmi tahay, laguna heshiiyo awood qaybsi dheeli tiran oo ku sahabsan cadka iyo caanaha.
Ninkii markii uu arrintaas maqlay wuu u qaadan waayay, waayo ugama baran dadkan inay diidayba yidhaahdaan, talaa ku ciirtay, bari u carar galbeed u carar iyo xaggan talo ka raadi ayuu ku wareeray, muddo ayay ku qaadatay sidii u dadkaa u hortagi lahaa, waayo wuxu is yidhi dadkan oo ku caan ahaa dulqaad iyo samir marhaddii ay maaanta isa soo taageen kalsooni meesha iima yaallo fadhi.
Waxay arrintu sidii ahaataba maalintii danbe ayuu isagoo caga jiida yimid, kana quusan inuu cad danbe kaligii cuno. Dadkan oo lagu yaqaan marti soor ayaa si sharaf leh u soo dhawaeeyay.
Markii shirkii lays kugu yimid ayuu afhayeenkoodii kacay sidii wax kale looga filayay ayuu ninkii ku yidhi “Waxan kuugu yeedhnay inaan cadkii, caanihiina kuugu darno”. Waxa arintaa la mida sida ummadda ku dhaqan Awdal iyo Salal.
Halkii ay Siilaanyo cadkoodii uga goosan lahayeen ayey Shahaado ugu dareen. Waxanse xasuusinayaa dadkayga maahmaahdii ahayd “Ninkaad kabihiisa sido ayaa kafankaaga sida”.
Khadiija Faahiye.

This post has been viewed 730 times.


camud

1 Comment for “Socdaalkii Axmed Siilaanyo Ee Gobolka Awdal Iyo Natiijadiisii “Sheeko gaaban””

  1. daryeel

    runtii waa sheeko aad uqurux badan meelo badana taabanaysa laakiin aaway dadkeedii

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH