Harowo.com

Siyaasi Kasoo Jeeda Magaalada Saylac oo sheegay In Xukuumada Axmedsiilaanyo ay Wado Talaabooyin Lagu Minjo-xaabinayo Maamulka Cusub Ee Magaaladaasi

 

Saylac (Harowo) — Xubin ka tirsan siyaasiyiinta degmada Saylac ayaa sheegay in dagaalkii loogu jiray  meelmarinta natiijooyinkii doorashooyinkii golahaasi  dhammaaday ,has eyeeshee haatan xukuumadda iyo beesha Ciise mid kale ka bilaabeen degmadaasi ,iyagoo doonaya inaan maamulka cusub ee golahaasi anu wax tallaabo ah qaadin.

Siyaasigan reer Saylac ,laguna magacaabo Maxamed Daahir Muumin loona yaqaan maxamed Yaakhii ,aya waraysi uu arrimahaasi ka siiyey shabakada Harowo ku sheegay oo kale in maamulka xukuumadda siilaanyo,iyo beesha Ciise isku dayayaan  sidii beelaha samaroon looga sifayn lahaa dhammaan laamaha dawladda ee ka hawlgala halkaasi sida kastamada ,cashuuraha ,iyo laamaha dawladda ee kale ,isla markaana ay dhammaan hawlahaasi qaybsadaan  beesha Ciise iyo maamulayaasha dawladda ,kuwaasoo lagasoo qorayo Hargeysa ama lagasoo magacaabayo waxayna arrintani  keenaysaa khatar kasii xun tii maamulka degmadaasi lagu diidanaa .

Maxamed Yaakhii oo arrimahaasi ka hadlayaan waxa u yidhi ‘markii ay dhammaadeen ololihii beesha Ciise  iyo qaar ka mid ah beelaha kale ee soomaaliland  ku doonayeen in maamulka magaaladaasi loga dambeeyo beesha Ciise ,waxna ka socon waayeen ,ayaa waxay haatan xukuumadda iyo siyaaiyiinta beeshaasi bilaabeen  sidii maamulka dadka degaankaasi doorteen anu u shaqayn ama loo mijoxaabiyo.

Waxa haatan  dhacday in bileyskii magaaladaasi dhammantiiba gacanta loo geliyey beeshaasi ,waxa kale oo gacanta loo geliyey dhammaan shaqalaihii cashuurha kastamka iyo dwladda Hoose ,waxana loo magaacabay saraakiil sarsare oo cididanka nabadgelyada soomaaliland oo kuxigeenkii la siiyey nin ciise ah ,reer Geeddi ,iyadoo la ogaa in bileyska soomaalilandna u haystay nin ka mid ah beelaha taageera siiya  ururkii xaqsoor ,oo ay isku qolo yihiin Xasan Cise Jaamac ,waxa kale oo haatan la doonayaa in la beddelo taliyihii Bileyska g/selel,lana geeyo nin habar yoonis ah ,waxana la ogaa in horeba ciidanka badda nin Ciise ah loo magacaabay ,waxaasoo dhammina  waxay muujinayaan sidii loo fashilin lahaa maamulka g/degaanka aqlabiyadda ah oo ka kooban beelaha Samarroon maadaama kuwii Ciise wax u dhaama heleen ,kana tegeen dhulka .Markaa arrintu waxay haatan u egtahay dagaal dhinac walba ah oo loo baahanyahay in laga hortego .”

Harowo


This post has been viewed 204 times.

camud

1 Comment for “Siyaasi Kasoo Jeeda Magaalada Saylac oo sheegay In Xukuumada Axmedsiilaanyo ay Wado Talaabooyin Lagu Minjo-xaabinayo Maamulka Cusub Ee Magaaladaasi”

  1. waxa loobahan yahay in samaoon gacanta isqabsado waxaa loobaahanayahay in ladhiso gudi katalisa arimaha beesha oo kakooban qolo kasta waxa loobahanyahay in ladhiso jabhad difaacda danaha beesha waxa loo baahanyahay in labad baadiyo mustaqbalka dada soo koraysa sida aniga oo kale waxa loo baahnayahay in labilaabo midaynta beesha loona yeedho ugaaskii anigoo kuhadlaya afka dhalinarada samaroon waxan leeyahay mustaqbalkeena salaadiin mugdi hagalin hadii kale ilaahay ayaa aakhiro idinkala xisaabtami wiilkaaaga oo aad wax uqabataa waxab kuu tarimayso barina isaga ayaa kudhici mustaqbal xumo iyo ilmihiisaba adeerayaal midnimo aan katalino gacmo wada jirbay wax ku gooyaan siyaasiga samaroon waxan leeyahay waxad siyaasi kutahay saylac gabilay iyo boorama taana waxad uqabato uunbaad dadkakalne uqaban waxan leeyahay tolkayoy talo kafiirso intay ku seegin

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH