Sayliciyoow Labaatankii Sano Ee Makaahiil Madaxtooyada Joogay Ma Dhicin Badhasaabka Awdal iyo Taliya qeybtu Inay Isaaq Wada Noqdaan Habrashadaaduna Waxay galaafanaysaa Saldanaddii Gadabuursi
Inagoo wada og waxyaalaha ka socda hargeysa iyo dhibaatada haysata walaalkeen saylici ee maalinba maalinta ka dambeysa ka sii daraysa iyadoo la sheegayo in habarjeclo diyaarinayso mooshin ka dhan ah saylici in la geeyo baarlamaanka.
Samirku waa wax fiican waana waxa kaliya ee gadabuursi hanti u haysto.dadka qaarkiis qofka samirka badan leh waxay moodaan doqon waxayna dhaxalsiisaa in xasiissa la qaato.
Maanta dhibaatada haysata saylici waa mid inawada haysata xanuunkana waan la wada wadaagnaa laakiin aamuska iyo qarsashada dhibta iyo kursiga xajisashada waxaas oo dhami waxay ku dhaxalsiinayaan liitinimo iyo dadka ay wax iniga dhexeeyaan oo kuu arka qof lagu tuman karo.
Beesha isaaq wadanka waan wada leenahay laakiin marti uma nihin codkeenuna wuu soconayaa laakiin saylici taas ma oga ee wuxuu u haystaa hargeysa inuu marti u yahay waana sababta keentay halkuu tolkii kala tashan lahaa inuu la tashado sheekh siiro iyo boobe oo ah reer hargeysa.ma xuma inuu la shiro laakiin miyaanu ogeyn isaga iyo siiraanyo inay yihiin labada nin ee labada beelood ee ay ka kooban tahay somaliland kala matala.
halka siiraanyo reerkiisa isku wareejiyey ee hadh iyo habeen uu la tashado isaga saylici dadkiisa maxaa ka xanibay inuu la tashado oo uu isku wareejiyo.
Shalay wuxuu iskugu yeedhay taliyayaasha ciidamada isagoo ka baqay nimanka alshabaab ee guriga xirsi jooga ay khaarajiyaan.
Mida kale ee maanta dadku ay aad uga xun yihiin waxaa weeyi in askari snm ah uu awdal madsx u noqdo iuo badhasaab snm ah inagoo heshiiskii boorame ee 1993dii uu ahaa in gobol kasta iskii isku maamulo.
Sayliciyoow ogow 20 sano ayuu makaahiil madaxtooyada joogay weli ma ay dhicin in taliyaha qaybta iyo badhasaabku isaaq ay noqdaan waxaanse kuu sheegayaa isaaq iyaga ayaan is ogoleyn sidee aan anagu ku ogolaanaa mise kursiga sanadku kuu hadhay ayaa kaala qiima badan?
Dantaada iyo tan jufadaada hoose fadlan ka hor mari danta beelweynta gadabuursi. Ilaahayna ha fududeeyo sharka isaaq inkasta oo ay jiraan dad wanaagsan hadana waxaa badan inta dulmiga iyo damacu ku badan yahay ee samirka fara badan leh iska daa oo xadhiga gooso markay qadhaadhaato sida maanta oo kale.
Cilmi montekarlo
London
36 victoria road
Westminster. Sw1 3lg
elmiking@hotmail.co.uk
00447948134546.
This post has been viewed 86 times.













War ninkan isagii iyo reer tolkiisiba sidan u galay maxaa laga sameeyay? Miyuuna ogeen in xukunku uu Ilaahay bixiyo? Miyuuna ogeen in magaca fiican oo laga tago ay ka fiican tahay kursiga uu ku fadhiyo? Miyuuna ogeen in uu maalin uu katagidoono kursigan uu isku bahdilay? Ilaahay bal barya ninka waa nin ay wax aad u weyn si ka yihiin!