Saylac oo lagu kala baxay, Siilaanyo/Saylici Iyo Ina Geelle Oo Loo Quusgooyay, Xildhibaanadii oo la dhaariyay, Bulshada iyo Suldaanada Awdal Oo Maanta ogaaday Qiimaha Isku duubnidu leedahay
Saylac oo lagu kala baxay, Siilaanyo/Saylici Iyo Ina Geelle Oo Loo Quusgooyay, Xildhibaanadii oo la dhaariyay, Bulshada iyo Suldaanada Awdal Oo Maanta ogaaday Qiimaha Isku duubnidu leedahay.
Xiisadii magaalada Saylac oo soo afjarantay kadib markii xukuumada Siilaanyo Ay Wayday Meel Ay ka marto natiijada doorashada Saylac.
Xildhibaanada Golaha Deegaanka Saylac ayaa maanta loo dhaariyay xilkoogii
isla markiina doortay Mayer Cusub Oo loo doortay Xildhibaan Xuseen Idle, Halka ku
xigeenkana loo doortay Xildhibaan Sacad Dahir Cige.
Maayarka iyo Maayar Ku Xigeenkuba waxa ay ka soo jeedaan Beesha Gadabuursi ee ku awood sheegatay doorashadii dhawaan ka dhacday degmada Saylac.
Waxa lagu guda jiraa xafladii xil-wareejinta oo aan idiin soo gudbin doonno
Isha ku hay Harowo.com daqiiqad walba
This post has been viewed 195 times.















maanshaa alaah
ilaahoow nagaran sii awoodayadu in ay wax jabin karayso
Waa wax lagu farxo, waxaase taas ka muhimsan in aan la joojinin halganka bilowga ah , sideedana loola xisaabtamo silaanyo iyo xukumaddiisa si loo soo dhacsado sadka inaga maqan!!
Ilaahay ha u naxariisto saddexda mujaahid ee ku dhintay, gardarrada iyo weerarka hargeysa laga soo qaaday. inta dhaawacana alla ha caafimaadiyo.
Sida aan la wada soconnaba, dhulkii oo yaraaday iyo dadkii oo batay, waxay keeni kartaa in la is-muquuniyo, arrinta Seylacna taasay daba socotaa. balse su’aasha aan weydiinaayo Gadabuursiga oo isku duuban oo ay ku jiraan Reer Sheekh Samarroon..Aaway Gabiiley? Tog-wajaale goormaa kuugu dambaysay? Allay-baday bal iyada ka warran?..aaway…XYZ..???.
Gadabuursigu wuu riyoonayaa, waxaana indheergarato u noqotay afar caloosha ka buka oo gadabuursiga u kala saaray, Samaroons and non-samaroons..isla markaana baabi’iyey magacii weynaa oo loo yaqaanay oo ahaa GADABUURSI WEYNE, kuwaasoo dano gaar ah ka leh hirgelinta magacan, si dad gaar ah loo fogeeyo.
waxaan ku talin lahaa inta dad la fogeynaayo, waa la isasoo galaye, Gadabuursi Weyne hala-isugu duubnaado, cadawguna wuu badan yahaye, dhulkii maqnaa gar iyo gardarraba hallagu raadiyo, haddii kale Borame iyo Baki ayaa khatar ku jirta.
Wabillaahi Tawfiiq.
Walaalayaal waa ilaahay mahadi in maanta beelweynta Samaroon mawqif mida iska taagtay xumaantaa badheedhka ah ee isbahaysiga iidoor iyo waraabe. Waar walaalahayow waa inaan caawinaa qoyskii aw kabaxay halyeygeeni JIMCAALE allaha naxaristii jana hakawarabiyee. Gadabuursow meel wal oo aad joogtiin isku taga oo aan isgarab taagno reerka ubaxeenii wiil kamidihi uu kabaxay. Wa bilaahi tawfiiq.
dadkii somalilland dawlad u haystay maanta magaceeda u badaleen SNM. dhallintii dhimatayna ha loo aargudo. Hurdana yaan la seexan shax kale ayaa laga fikirayaa
hanbalyo hanbalyo bahda reer sheekh samaroon…ee awooda ilaahay siiyay tustey umada caloosha xun ee hareeraha ka degan, waliba sidaasi ayaan ku rabaa dhulkii kale ee iga maqnaa ,waxa kale oo aan u sheegayaa in aan laga seexan oo markale aysan dhicin dil loo geysto caruurteena oo aan ka foojignanaa ishala.
HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO VIVE GADABUURSI ALAA HA U NAXARIISTO LABADII WIIL EE QAALIGA AHAA EE INAGA GEERIYOODAY KUWAA DANTA GUUD NAFTOODI KU WAAYAY IYO KUWA KU DHAAWACMAY IYO QOLOOYINKA MADAX ISKU SHEEGA EE DANTA GUUD IYO DHULKII GUUD EE GADABUURSI IIBSANAYA EE GARAAD KOODI NOQDAY SILAANYO HAKU DALACSIIYO IYO IDOOR MAGAC KAGA RAADI HA UGU HOREEYAAN QOLADI SIAANYO SAYLAC U DIRAY CALI NUUS INA XAAMUD JIBRIIL INA CALI AFBALAAD IYO XASHARAADKII LASOCDAY EE IYAGA LAMID AHAAIYO LABADA NIN EE MIDINA TALADA MAAMULKA SOO QABTAY MIDINA HADA K/XIGEENKA YAHAY OO QAARKOOD LOBA TIRINAYO INAY DALKABA IBSADEEN WAA HORE MALA ODHAN KARAA NOOCYADA DHAQAN KOODI SIDAA YAHAY IYO MUKARAMIINTA NAFTOODI QAALIGA AHAD U HURAY SAYLAC DARTEED AYAA HAYB WADAAGA AM LAYS GARAB DHIGI KARAA SU ASHA IDINKA AYAA KA JAWAABI WA BILAAHI TAWFIQ