Harowo.com

Samaron Roble Hassan oo marti qaad Caalami ah ka helay Shirkadda Google (Maxay kaga wada hadleen kulankooda, muxuuse ka codsaday shirkadda)

Samaron Rooble Hassan oo ah aqoonyahan da’yar kanna soo jeedda gobolka Awdal ayaa marti qaad Caalami ah ka hellay Shirkadda Google


 

Samaroon Rooble Hassan oo ah aqoonyahan da’yar kanna soo jeedda gobolka Awdal ayaa marti qaad Caalami ah iyo tabbabar sare ka helay Shirkadda Google, marti qaadkan ayaa waxaa ka soo qeyb galley illaa 25 qof oo Google-ku u aqoonsadey in ay yihiin kuwo uu shantii sanno ee u dambeeyey sare u kacey Website traffic-kooda sidaas darteed ayuu Google-ku u go’aansadey in uu dadkani ka caawiyo sidii ay u gaadhi lahaayeen heer Caalami oo la jaanqaadi kara dunida casriga ee uu maalinba maalinta ka dambeysa si dhib yar isku badalayo amma u korayo Technology-gu, waxaana dadka shirkan lagu marti qaadey ay ka kala yimmaadeen meelo kala duwan oo ka tirsan Waddamada Europe, Canada iyo USA.

Samaroon waa web designer shirkada Google-ka ku leh accounts badan iyo magac weyn oo lagu tixgeliyo xidhiidhka joogtada ah iyo shaqada tooska ah ee uu la leeyahay shirkada wuxuuna farsameeyey amma uu naqshadeeyey shabakado badan oo ay iska leeyihiin dad isugu jira Soomaali iyo Ajaanib kuwaasi oo u sameystey shaqooyin iyo addeegyo kala duwan oo la xidhiidha warbaahinta, ganacsiga, xayeysiiska iyo arrimo kale.

Sidoo kale wuxuu gacan weyn ka geystay dad uu aqoontooda ku kordhiyey wax badan oo ku sahabsan sameynta Website-yadda amma isticmaalka Technology-dda casriga ee la xidhiidha dhinaca farsameynta aallada Internet-ka, qaabka uu dadkaasi wax ku baro ayaa ah mid Online-nna maadaama aqoontiisa iyo khibradiisa dadka ka faa’iideysta ay ku nool yihiin Qaarado kala duwan.

Mar aan Samaroon khadka telephone-ka kula xidhiidhey isaga oo aan wali ka ambobixin magaalada Edinburgh si aan u ogaano dareenkiisa iyo faah faahinta kulankani waxa uu yidhi “Walaal martiqaadkani wuxuu ahaa mid wannaagsan oo uu barbar socdey simminaar amma tobbabar ku sahabsan horumarinta Website-yadda, waxaa ka soo qeyb galey dad gaadhaya 25 qof oo waddamo kala duwan ka yimmid kuwaasi oo xulashadooda ay lahayd shirkada Google, muddo saddex cisho ah ayuu socdey waxaanan odhan karaa wuxuu ahaa kulan ay isku barteen wajiyaal badan oo aqoontoodu kala sareyso balse ay isugu soo ururto farsameynta Website-yadda iyo aallaada Internetka taas oo aan ku rajo weynahay in aqoonta loo kordhiyey ay gaadhsiin doonaan dad badan oo baahi weyn u qabba in ay wax ka korodhsadaan cilmiga ku sahabsan nashqadeynta website-yadda, dareenkeyguna wuxuu ahaa mid fiican oo ku faraxsan soo dhaweynta iyo martiqaadka ay ii fidisey shirkada Google”.

Waxa kale oo uu iiga warbixiyey qoddobada shirka lagaga hadley oo ay ka mid ahaayeen saddexdan qoddob ee kala ah

1- Introduction to the UK Mobile landscape and International.

2- Internet on Move ( Mobile & Tablets)

3- DFP Small Business Overview.

Samaroon Rooble Hassan waxa kale oo aan wax ka weydiiyey waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ka codsadeen shirkada Google-ka waxana uu yidhi “Horta walaal codsigeyga aan Anigu u bandhigey saraskiisha Google ka socdey waxa uu ahaa mid caama oo aan ugu nasteexaynayey Webtise-yadda ummadda Soomaaliyeed waxaanan ku dadaaley in ay Google ka helaan wax kasta oo ay xaq ugu leeyihiin, xuquuqdaasna waxaa immika kow ka ah labbo qoddob oo aan is leeyahay haddii la helo wax weyn baa inoo soo kordhey waxaaney labbadaas qoddob kala yihiin”.

1- Suurto gal in laga dhigo luqada Af-Soomaaliga oo lagu daro Google adsense walibana laga dhigo rasmi.

2- Coverage-ka xayaysiisyada Af-Soomaaliga ah oo aad uga hooseeya 50% taasna waxaan ka codsadey in la gaadhsiiyo 100%.

Si kastaba ha ahaatee kulankan oo ka dhacey Jurys Inn oo ku taalla magaalada Edinburgh ee dalka Scotland ayaa Saraakiisha ka socotey shirkada Google-ka ee martiqaadkan gadhwadeenka ka ahaa ay ka soo duuleen xarunta Google-ku uu ku leeyahay Europe gaar ahaan magaalada Dublin ee dalka Ireland waxaana waftigan martiqaadka fidiyey hogaaminaysey Sandra Whitney oo ah manager – Strategic Partnet Team Online Partnerships Groups, EMEA.

Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor.

 

 


This post has been viewed 308 times.

camud

Comments are closed

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH