Harowo.com

Reer Boorama oo Caawa Lagu Seexiyay In Xildhibaanada Saylac Berri La Dhaarinayo Iyo Sadex Suldaan oo dib loogu yeedhay markii shirka lagu kala dareeray

HAROWO.COM

Salaadiin

 

 

 

 

 

Sidii aan hore idiinku soo gudbinay waxa maanta gorodda is-daray Gulufkii Hargeyska yimid iyo Waxgaradkii gobolada Awdal iyo Salal.

Kulanka oo ka dhacay Huteelka Rays waxa isku soo hor-fadhiistay 30 xubnood oo Siilaanyo Hargeysa kasoo diray iyo in ka badan 100 xubnood oo laga soo kala xulay qeybaha bulshada ku dhaqan gobolka Awdal, Sida Salaadiinta, Cuqaasha, Culimada, Dhalinyarada Iyo Aqoonyahanka.

Kulanku wuxu ahaa mid aan waxba la iskula hadhin oo la isugu matal-wacay, waa la isku abtiriyay.  Gulufkii Hargeysa ka yimid markii uu dalabkiisa soo gudbiyay  Xaajadu way kululaatay.

Reer Awdal waxay badka soo dhigeen waxbadan oo huursan oo ay SL darteed u liqeen. Waxa laga wada hadlay dhiiga dadkii lagu laayay Dariiqa, kuwii Hurdada lagu gawracay iyo ardaydii shalay gar-darada lagu gumaaday iyo sida ay ugu qatanyihiin wixii ay halkan(Boorama) ku unkeen.

Kadib waxay usoo degeen Duruufta Siyaasadeed Iyo Dulmiga Reer Awdal haysta ee ay ku samirsanyihiin, balse aanay maanta u dul-qaadan karin in mid kale oo cusub loogu daro. Waxay hadalkooda kusoo afmeereen Haddii Aan awal wax walba u qaadan jiray Somaliland baa dumi, maanta Naxdintaasi nama hayso, berri haddii ay dumayso yeeli maayo kursi aan doorasho ku helay dad kale sii.

Markii arrinka la isku mari waayay, waxa shirkii soo xidhay ninkii(saylici) gadh-wadeenka ka ahaa arinka. Kadib Gulufkii Hargeysa kasoo duulay waxay codsadeen in Sadexda Suldaan oo kaliya ay isku hadhaan, dadweynaha kalena dareero, taasoo shaki weyn ku abuurtay bulshada reer Boorama.

Isku soo wada duuboo caawa waxa reer Boorama lagu seexiyay in berri la dhaarin doono xildhibaanadii Saylac, laakiin wuxu u egyahay ballan-qaad weyd ah oo reer Boorama lagu suuxinayo.

Wararku waxay intaa ku darayaan In Xaalada magaalada Boorama wali kacsantahay. Cabdiraxsaylici waxa lagu ilaalinayaa gurigiisa, waftiga intiisa kalena Huteelka Rays oo ay deganyihiin.

Isha ku hay Harowo.com daqiiqad walba.

 

 


This post has been viewed 37 times.

camud

Posted by on Dec 31 2012. Filed under Harowo News - Wadan Iyo Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

1 Comment for “Reer Boorama oo Caawa Lagu Seexiyay In Xildhibaanada Saylac Berri La Dhaarinayo Iyo Sadex Suldaan oo dib loogu yeedhay markii shirka lagu kala dareeray”

  1. Wala dhariyey yes yes yes.samaron hanolado

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH