Harowo.com

Qubo-jooga Ciisaha Jabuuti Iyo Xukuumadooda oo ku mashquulsan dagaal ay ka huriyaan Degmada Zeylac iyo Xukumada SL oo ciidanka xeebta ku amartay inaan lala hadal Jabhadda Jabuuti laga soo hubaynayo

Qubo-jooga Ciisaha Jabuuti Iyo Xukuumadooda Jabuuti waxay ku mashquulsanyihiin inay dagaal ka huriyaan Degmada Zeylac, Xukumada SL-na waxay ciidanka xeebta ku amartay inaan lala hadal Jabhadda Jabuuti laga soo hubaynayo ee durba lagu arkay dooxa bariisle.

Xukuumadaha Jabuuti iyo SL ayaa arrinka isaga aragti ka ah, waxay isku raacsanyihiin inuuna shaqaynin oo la curyaamiyo gabi ahaanba golaha degaanka Saylac, sidaas darteed qas iyo lab la galiyo degmada. Walow aan la garanayn faa’iidada xukuumada SL arinkaa ugu jirta, marka laga reebo ku xumaynta beelweynta Awdal iyo Salal ku dhaqan.

Sida ay shabakadda Harowo.com u xaqiijiyeen qaar ka mid ah  saraakiisha ciidanka SL ee ku sugan Giriyaadka, waxa maalin sadexaadii tuulada Ceel-gaal lagu arkay maleeshiyo hubaysan, markii uu ciidanku isku dayay inuu talaabo ka qaado waxa lagala soo hadlay taliska guud ee Hargeysa, kadib waxa amar lagu siiyay in aan la taabanin maleeshayada ciisaha Jabuuti.

Qurbo-joog u badan dumar yurubta caydha ku qaata iyo dhalinyar  Ingiriiska iyo Scandanivianka ku jooga magaca Soomaaliya iyo inay ka yimaadeen magaalooyin ku yaal koonfurta Soomaliya ayaa waayadanba ku jira abaabul ay lacag ku ururinayaan ay dagaal kaga huriyaan degmada Saylac.

Waxay sidan oo kale xukuumada Jabuuti jabhad beesha ciise ah usoo abaabushay sagaashanadii markii Somaliya burburtay, Wakhtigaas oo aanay Somaliland-na cago adag ku taagnayn, Jabhadaasi waxay fadhiisin ka samaysteen tuulada Geerisa, balse xilligaa waxa hogaaminta sare ee Awdal gacanta ku hayay Cabdiraxmaan Awcali oo ahaa nin isku kalsoon, kadibna kala didiyay oo dhirbaaxo kulul ku dhuftay maleeshiyadii jabuuti laga soo abaabulay dibna ugu celiyay xuduudka jabuuti.

Dhinaca kale waxa jira abaabul ay ku jirto beesha Gadabuursi oo ay doonayso inay kusoo xidho xuduudka u dhexeeya Jabuuti iyo degmada Saylac. Waxana la arki doonaa bal inuu ciidanka Somaliland-tu soo fara-galiyo Jabhada Gadbuursi iyo inkale, taasoo noqon doonta min-qiyaas kale oo labeeya arinkii Saylac oo ay wax ku qaadan doonaan reer Awdal/Selel, kadib markii beesha dhexe iyo xukuumadooduba ay dhinaca saartay beesha jabuuti.


This post has been viewed 391 times.

camud

1 Comment for “Qubo-jooga Ciisaha Jabuuti Iyo Xukuumadooda oo ku mashquulsan dagaal ay ka huriyaan Degmada Zeylac iyo Xukumada SL oo ciidanka xeebta ku amartay inaan lala hadal Jabhadda Jabuuti laga soo hubaynayo”

  1. Walee ciise warabee malaha waxa kala loo bidh bidhiyay maay iska hayistaan nimcada ilahay siyay oo aay iska daayaan damacaan qaawaan ee anay la gabaynay ayaaa uu sheegaa Ina an ahaadaan nahay reer adal mnta isku duubanahaya oo iska daa ciise maraykana waxaba naga qaadayn oo anu ku dhimaan doon qadyada saylac iyo guud hanaba. Dhulka reer sheekh samaroon. Maraka AMA Isaaq ha soo hubeeyo ama islaan garoobo qurbaha ku Dhaka faratay ha siiso shilimaade anagu wanu ka foojiganahay dhaan walaba mnta alxm. Mida kale walahayaga reer awdal meel kastooy joogaanba waay arakayan halku film ku. Socdo. Maraka idinka le waaayee. Wabilahi taw fiiq

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH