Qaddiyada Zeylac: Bayaan kasoo baxay Qurbo-jooga gobolada Awdal,Salal Iyo Gabilay ee ku dhaqan Yurub iyo Waqoyiga Amerika
KU: Madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamed Maxamoud Siilaanyo ,
Og: Gudoomiyah Golah Doorashada Qaranka,
Og: Gudoomiyaha Golbalka Awdal ,
Og: Xeer Illaliyaha Guud ee Gobolka Awdal
Og: Maxkamada Sare ee Gobolka Adal
Og: Golaha Deegaanka Degmada Saylac
Og: Ururada Bulshada Qaybaheeda kale Duwan,
Og: Gudoomiyayaasha Xisbiyda Siyaasadeed ee Somaliland,
UJEEDO: Baaq Ku saabasan Xiisada Degmada Saylac laga aloosay ee ku saabasan doorashaddii golaha degaanka degmadaasi .
Hadaanu nahay Cuqaasha, iyo aqoon yahaynka jaaliyada Awdal, Selal, Gabiley iyo Geeska Africa intiisa kale ee kunool dalalka Maraykanka, Ingiriiska Yurub inteeda kale iyo Kanada waxaan hanbalyo iyo bogaadin u diraynaa dadwaynha degmada Saylac oo si buuxda oo nabada ugu guulysatay in ay si xora’h u doortaan xubnihii matali lahaa degaankooda.
Waxaanan ka xun nahay faragalinta lagu samaynoyo natiijada doorashada iyo dib udhaca loogaysanyo si looga horjoogsado in ay u adeegaan bulshadii soo dooratay.
Sidoo kale waxa an mahad naq balaadhan iyo bogaadin u diraynaa dad waynaha muujiyay dareenkooda ku aaddan arintani ee dhigay didbad baxa si ay u taageeraan xubnaha sharciga a eh ee degaankaku dooray
Sidaan wada ognahay ummada aagaas kunool ee walaalaha ah waxay leeyihiin taariikh wadanoolaa sha’ah oo ay qaraabo taxana’ah ku aahayeen deegaankaas.
Degmada Saylac ma’ha meel lahaanshaheeda lagu muran sanayhay . Waana layqaana cidda degaan ahaan uleh . Waxana ay arintaasi ku cadahay doorashaddii degaanka aagaasi ka dhacday.
Doorshada la qabtay waxa ku tartamayaeyUrurro siyaasadeed ee maahayn qabiillo degaan iyo lahaansho dhul ku muransan .
Sida Diinteena wanaagsan iyo xeerkeenuba nafarayo waxaa lagama maarmaan ah in cadaalad, sinaan iyo nabad loogu wada noolaado . Waxaanu muran ka jirin in cid walba waxa ay xaq uleeyahay aan laduudsiin Karin natiijada doorashaduna muujisay uun sudii loo kala dadbadnaa.
Hadaba waxaan meesha qaban oo aad u foolxun in xukuumada Somalailand ay gees marayso xeerarkii ay abuurtay ee doorashadu ku qabsoontay.
Faragalinta iyo xaal abuurka lagu hayo dadwyanaha ku dhaqan degaanka saylac iyo maamulkooda cusub waa mid ka baxasan nidaamka dawladnimo , sharciga dalkau udagsan iyo xeerka doorashooyinka soomaliland.
Waxa muuqata in xukuumadu ku hawllan tahay sidii ay waxa ugu badali lahayd maamulka Saylac iyada oo sharciga gees marsan. Arintaasi , waxanu u aragnaa shirqool iyo xaal abuur qorsheysan oo xume talis soo abaabulay si dadka wada dagan ee walaalaha loo dhexdhigo dhibaato weyn oo iil danbe reebta.
Arintani waxa ay abuurtay murugo qoto dheer. Waxaan ku baaqaynaa qodobadan hoos kuqoran in lafuliyo sida ugu dhaqsaha badan,
- In xukuumadu joojiso faragaslinta ay ku hayaso maamulka cusub ee loo doortay Golha degaanka Saylac oo ku soo baxay doorasho sharciga oo ay xukuumada horey u meelmarisay.
- Waxanu u aragnaa garadarro iyo faragalin qaawan falalaka xaaraanta ah xukuumadu kula kacday degaanka Saylac
2 In xubnaha sharciga ah ee dadwaynuhu soo doorteen loo fududeeya in ay xillkooda la wareegaan , loona dhaariyo masuuliyadooda si rasmi ah si ay ugu adeegaan bulshadooda .
3 In la xurmeeyo , la meelmariyi ismarkaana latixgaliyo doorashaddii xubnaha goloha degaanka Saylac ay ku doorteen Duqa magaalada Saylac iyo ku xigeenkiisa loona fududeeyo in ay hawshooda qabsadaan oo an la carqaladayn doorashadaasi waayo waa mid sharciga iyo xeerka doorashada qaranka waafaqsan oo salka ku haysa go’aanka codaka nin dheeriga ah
4 In gudoomiyha Gobolka Awdal, Xeer ilaaliyaha guud, iyo Maxkamada Sare ee Gobolka Awdal ay gutaan shaqdooda ku aaddan arinatani oo ay dhaariyaan xubnha cusub ee degaanka Saylac .
5 In maamulka Hargeysa joojiyo xaal abuurka ay qaarkamida wasiiradiisu ku hayaan degmada.
6 In dadfa waynuhu ka dhiidhiyo arintani dhagarta ah oo ay dareenkoda ku muujaan si nabada.
7 In xisbiyda qaranku arintani canbaareeyaan una bandhigaan bulshada caalamka .
8 Waxan ugu baaqaynaa shacabka xorta ah ee goboladaas in ay is abaabulaan una diyaar garoobaan sidii ay, sharaftooda, qaran nimadooda, iyo degaanadooda uga difaaci lahayeen jaah wareeraka siyaasadeed ee larabo in laga hirgaliyo Degmada Saylac
9 -Ugu danabayn Waxanu ugu baaqaynaa bulshowayntaa ku dhaqan guud ahaan gobolda ,Awdal iyo Salal in ay isugu yimaadaan shir qaran oo ku salaysan aayo katashi siyaasadeed si loo waajaho khatarta ku soo fooleh faragalaainta xumaadu ka wado degmada Saylac .
Marka bulsho meel degan halis lagaliyo nabadgalyadeeda, Jiritaankeeda, lana duudsiyo xaqeeda, lana yaraysto shacabkeeda, karamadeeda, sharafteeda, la isku dayo in laga xarimo rabitaankeeda siyaasadeed, la dhaawaco kaabayaasheeda dhaqan, dhaqaale islamarkaana loola dhaqmo si xaqiran oo ka duwan sida loola dhaqmo kuwa ay lafaca yihiin ee ku nool geeska Afrika, waxa ay ummadaasi xaq u leeday in ay ka dhiidhido xad gudubyadaasi oo ay difaacdo xaqooda iyo karaamadooda.
Saxeexa yaasha Bayaanka .
1- Gaas Abdullahi farah
2- Maxamed Xuseen Sayre
3- Mxamed Cumar Direh : USA
4- Osmaan Adan Searag
5- Abdikadir Barkhad Muude
6- Abdifatah Maxamuud warsame
7- Xaliimo Muxumed Sacad
8- Cumar Abdi Mohamed
9- Cabdi Xassan Adan
10- Khliif Sh .Farah Adar
11- Faadumo Maxamoud Warsame
12- Xuseen Cige Mayke
13- Bashiir Xuseen Hersi
14- Ahmed Sheekh Ibrahin Ateeye
15- Warsame Abdillahi Farah
16- Safiya Abdillahi Ismaaciil
17- Cibaado Xuseen Ahmed
18- Jowhar Abdi Qalinle
19- Cabdiwahab Jeerman
20- Khadra Abdi
21- Maxamed Abdullahi Maxmoud
22- Osman Yususf Tallan
23- Foosiya Climi Abdillahi –Coofle
24- Maxamed Habane Abdi
25- Nuur Dahir Hanfi
26- Maryan Cabdi Qalinle
27- Ahmed Farah Cadar
28- Abdirizaq Abdillahi Gadid
29- Abdi samad Aw Cali Caateeye
30- Abdilaahi Mead Hoori
31- Khadra Maxumed Barkhadle
This post has been viewed 65 times.













Ugu horayn waxan salaamayaa qurba joogta Reer Sh. Samaroon.
Marka xigta anoo ku hadlaya magaca dhalinyarada joogta Magaalada Boorama waxan idiin soo gudbinayaa fariin ah “In Qoomiyadii Samaroon ee gudaha dalka joogtay ay muujiyeen Midnimo iyo Is-jacayl aanay mawqqif adag ka qaateen Xiisadaha ka taagan xeebaha Galbeed”.
Idinkana waxan idinkula talinayaa inaad sii xoojisaan midnimadii dhexdiina
markaa hore wan idin salamayaa dhan qurba joogta marka xigtaa dadakaa hadaa ku nool dagankaa awdal salal marka xigtaa waxa weyan waa idin habalyaynayna marka xigtaa waxan tageraynaa hadalkina waxan ku dari laha inyar hortaa ciise maleh dhulkaa wuu garanayaa in una lahayn wuxuu hadaa ku hadlayoo waadamac ragana damac iyo dacari kama dhamatoo hadabaa sidee siliga jabuti la dhafinlahaa kani iidoor ee wuxu dono ku hadlayaana waa in la ogadaa in ay isku mawqif yihii sidii 91 ee binu axmed markanaa qorigala qataa waxkale ma jirtooo hadii qorbo ad jogtid iyo hadi kalabaa waa in aad diyar u ahaata dhulkagaa dufacisaa