QAAR KA MID AH GAADIIDLEYDA BOORAMA OO DAREENNO CADHO LEH KA MUUJIYEY GAADIID MASUULYIIN DAWLADEED LOOGA KIREYSTAY MASHRUUCA TIROKOOBKA GURAYAHA EE DHAWAAN LA BILAABAYO .
Boorama (Harowo)- Qaar ka mid ah gaadiidleyda ku xoogsata gaadiidka loo yaqaan four wheeljka ayaa dareenno cadho leh ka muujiyey tallaabo la sheegay in masuulyiinta dawladda qaarkood looga kireystay gaadiid ay leeyihiin ,taasina ay cidhiidhi gelisay shaqada gaadiidleydaasi kuwaasoo sheegay sheegay inay ka hortegi doonaan hadii wax laga qaban waayo.
Qaar ka mid ah gaadiidleydaasi oo ilasoo xidhiidhay ,ayaa ii sheegay in qaar ka mid ah agaasimayaasha wasaaradaha e xaruntoodu tahay Hargeysa ,iyo kuwa Boorama ahba si dadban iyo si toos ahba looga kireystay gaadiid lagaga shaqaynayo mashruuca tirokoobka guryaha ay kuwaasoo xitaa xitaa gaadiidkii dawladda ee loo siiyey inay qaranka ugu shaqeeyaan kiro ka dhigay ,iyagoo tallabadaasi ku tilmaamay mid xadgudub ah xuquuqdooda kana hortegi doonaan .
Kirada masuulyiinta dawladduu kireeyeen gaadiidkii ay xafiisyada kaga shaqaynayeen iyo kuwii ay shakhsi ahaanba u lahaayeen ayaad moodda inay ceeb usoo jiidayso masuulyiintaasi.
Mashruucan oo dawladdu ka bilaabayso dhammaan degmooyinka dalka ,ayaa lagu tiro koobayaa guryaha ,iyo qoysaska , ayaa waxa soomaaliland ka cawinaya hay’ado badan oocaalami ah , iyadoo mashruucani saameynayo dhammana dalkii la odhan jiray soomaaliya ,kaasoo tirokoob noocan ahi ay ugu dambeysay sannadkii 1975kii wakhtigaasoo dawladdii milatariga ahayd dalka xukumi jirtay .
This post has been viewed 28 times.












