January 21, 2010

Hambalyo Hambalyo: Meherka Naasir Maxamed Bashiir iyo Faadumo Yaasiin X. Bashiir

flower-52congratulations Waxaa halkan hanbalyo uga diraya meher Arooska iyo Aroosada oo kala ah Mudane Naasir Maxamed Bashiir iyo Marwo Faadumo Yaasiin x.Bashiir oo meherkoodu ka dhacay dalka Norway magalada Oslo, Anaga oo kala ah  Maxamed Cabdi Mumin iyo xaaskiisa Idil Maxamed Bashiir iyo caruurtooda oo kala ah Ramadan Maxamed Cabdi iyo Axmed Maxamed Cabdi Waxa kale oo qoyskaasi halkan hanbalyo uga diraya dadkan magacdoodu hoos ku qoran yihiin:

Maxamuud Ismaciil khayre iyo xaaskiisa suleekha Maxamed Bashiir iyo caruutooda dhamaan  Ayaanle. cadiraxmaan.luqmaan iyo Maxamed Amiin. Dadkaas oo kala jooga Somaliland, Swedan iyo Norway waxayna leeyihiin noqda kuwii isku waara ee wiil iy caano, gabadh iyo Caano kala hela Guurkiinu guri Barwaaqo, Gurigiinu Guri Negi….Aaaamiin

Inaa Lilaa Wa Inaa Ilayhi Raajacuun: Waxanu tacsi u direynaa eheladii iyo qaaraabadii iyo hooyo Khadra Sheekh Timo weyne iyo dhaman reer farah Jahad meelkastoo ey joogan ba, waxanu ka tacsiyadeynayna geerida ku timid marxuum Abdillahi Maxamed Faarah Jahaad o shalay lagu aasey dalkaasi Sacuudi Carabiya, magaalada Dhahran, waxanu marxuumka ilaahey uga baryaynaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo dhamaanteena samir iyo iiman inaga siiyo aamin aamin aamin. Waxan diray tacsidan dhamaan dadkan hoosta ku qoran:

More

Siilaanyo Ha La Soo Taago Maxkamad Sharci ah, Hana Lagu Qaado Khaayin Qaran

Sida runta ah ee aynu la wada socono Qaranka Somaliland wax uu mudo labaatan sano ah (two decade) uu la soo kifaaxayey sidii uu caalamka uga heli lahaa Aqoonsi caalim ah, iyadoo Xukumadihii kala danbeeyey ee Dalka soo marey geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen raadinta aqoonsiga Somaliland, taasi oo sanadadii u danbeeyey Xukumadda hada jirta ee uu hogaaminaayo Mudane Daahir Rayaale Kaahin ay xooga saartey sidii ay caalamka uga dhaadhicin laheyd  la qadiyadda Somaliland.Iyadoo ay wafityo kala duwani si isdaba joog ah Dalka u yimaadeen kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen (Jendifraser).

More

Xisbiga Kulmiye oo Cadaystay Inuu Yahay Somali-Weyn

Waxaan salaamaya dhamaan war baahinta Somaliland,Waxaad mooda in dadkii Somaliland aaney kala garaneyn XUSBI iyo WADANIYAD,maanta labadaa ayaa isku qasan,inta badan ee wadanigi way og yihiin waxa uu wado xusbiga kulmiye ama xalku ku socdo,oo ah Somali weyn iyo saxariirkii. Ma lihi anigu ninka kulmiye ku jiraa wuxuu aaminsan yahay Somali weyn,ee waxaan xalkan ku cadeynaya in Gudoomiyaha kulmiye Ahmed Siranyo iyo dhor kale oomadaxdii ay aaminsan yihiin Somali weyn. Se ay shicibka qaldayaan oo aaney hore ugu cadeysan se maanta waa cadeysteen, ee taageerayaasha kulmiye iyaguna mowqif cad ha istaagan oo ha cadeeyaan iney yihiin SOMALILAND mise SOMALIWEYN.

More

“Waxa Jiray Barigaa Xataa Waraaq Aan Qoray Oo Anigu Aan Soo Jeediyey Haddii Dalka La Xoreeyo In Qaab Faderaal Ahi Yimaado” Axmed Siilaanyo

Hargeysa (Haatuf) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa markii ugu horaysay qirtay in xiligii halganka SNM ee xoraynta dalka lagu jiray ee uu gudoomiyaha ka ahaa ururkii SNM ee dalka xoreeyey uu aaminsanaa nidaamka faderaalka somaliya in maamulka dalku ku salaysnaado. Guddomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo waraysi uu siiyey idaacada laanta afsomaliga ee VOA-da shalay idaacadaasi laga baahiyey isla markaana wax lagaga waydiiyey xiligii halganka SNM lagu jiray mawqifkiisa uu ka aaminsanaa nidaamka faderaalka in dalka lagu dhaqo ayaa isagu sheegay inuu wakhtigaasi ay jirtay waraaq uu si rasmiya ugu cadeeyey in dalka marka la xoreeyo Somaliland iyo Somalia oo dhan lagu xukumo nidaamka faderaalka.

More

Wafdigii Xisbiga UDUB Ee Cismaan Hindi Hogaaminayay Iyo Kulankii Masuuliyiinta Xisbiga Ee Gabilay iyo Wajaale.

cismaan-hindi-small Gabiley (Harowo) - Wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Kaambaynka ee xisbiga UDUB Md. Cismaan C/laahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo koormeer dar dar galin ah ku maraya goboladda Galbeed ee dalka gaar ahaan, Gabilay, Awdal iyo Selel ayaa intii ay safarkooda ku guda jireen kulamo, soo dhawayn iyo is xog waraysi isugu jira degmooyinkii ay marayeen kula yeeshay, masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee Xisbiga. Hadaba halkan ka dhegayso, kulamadii wafdiga Xisbiga UDUB ee uu hor kacayo madaxa kaambaynka Cismaan Hindi ay magaalooyinka Gabilay iyo Wajaale kula yeesheen masuuliyiinta xisbiga ee degaamadaas.

Get Flash to see this player.

“Black Mamba Boy” Byy Nadifa Mohamed

Kayd Somali Arts and Culture is pleased to invite you to the presentation of new book; ‘Black Mamba Boy’ by Nadifa Mohamed. Join us to discuss this new novel with the author on Friday,12 Feb. 2010 at 6:30pm -9:00pm, Oxford House, Derbyshire Street, Bethnal Green, London E2 6HG

http://www.youtube.com/watch?v=-8E7HLUaRF4&feature=player_embedded More

January 20, 2010

La Ogaayoo Goroyo Haadbay Noqotay - La Ogaayoo Kulmiye Federal Ayuu Noqday….!!!

Waagii iftiimaaba wuxuu leeyay dhacdooyin u gaara oo la bilaabma Qorax soo baxa. Walaahi maan filayn waligayna ismaan odhan Xisbigii Kulmiye ee doorashada nala galayay hadaanu nahay labada xisbi qaran ee UDUB iyo UCID ayaa hawl yari odhanaaya Federal ayaanu waligayo aaminsanayn bilawgii ku dhawaaqista Somaliland ee 18 may 1991! Is rogroga siyaadada xisbiyada mucaaridka ayaa ahayd mid kasii laalaada gabi iyo jar dheer mudooyinkii u dambeeyay shacbigiina qalbiga ka laxaamatay.

More

January 19, 2010

Madaxweynaha Somaliland Oo Shir Jaraa’id kaga Hadlay, Nabad Galyada, Siyaasada, Khilaafka Guurtidda iyo Doorka Wadaniyadu Leedahay

madaxweynaha-somalland-daahir-rayaale-kaahin-small “Waxaan Maqlayay Meel laga waraystay, Inuu Siilaanyo Lahaa, waxaan aaminsanaa Federaal, ee shacbiga nagu qasbay goosashadda, Dastuurkaa aan maanta ku naaloonaynana waa la ogaa in rag badani is hortaag ku samaynayeen markii la ansixinayay.” Madaxweyne Rayaale. Hargeysa, (Harowo)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyadda Somaliland ayaa ka hadlay arimo kala duwan oo ay ka mid yihiin, nabad galyadda, horumarka, dimuqraadiyada, siyaasadda, khilaafka guurtida, warbaahinta iyo hadaladda masuuliyiinta axsaabta mucaaridka ka soo yeedhayay mudooyinkii danbe. Hadaba hadalkii madaxweynaha oo dhamaystiran hoos ka dhegayso.

Get Flash to see this player.

Madaxwyne Rayaale oo u Magacaabay (Mudane C/raxmaan Cismaan Aaden) in uu Noqdo Wasiirudawlaha Wasaaradda Arimaha Dibada

.Madaxweynaha JSL. isaga oo tixgalinaaya qodobka 90naad ee Dastuurka jamhuuriyada Somaliland iyo kaalinta wax ku oolka ah ee qaranka iyo Dalkaba ay ugu jirto Wasaarada Arimaha Dibadu, waxa uu u Magacaabay (Mudane C/raxmaan Cismaan Aaden) in uu noqdo Wasiirudawlaha Wasaaradda Arimaha Dibada, isaga oo badali doona jagadii uu ka geeriyooday Marxuumkii (siciid Maxamed Nuur)Ilahay ha u Naxariistee   isagu ahaan jiray Wasiirudawlaha Arimaha Dibada.

More

Wasiirka Warfaafinta Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay War ku Soo Baxay Wargeyska Saxansaxo

wasiirka-warfaafinta-small Hargeysa (Harowo) - Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md.  Axmed Xaaji Daahir Cilmi, ayaa si kulul uga jawaabay qoraal ku soo baxay Wargeyska Saxansaxo, ee ka soo baxa magaalada Hargeysa, Warkaas oo ahaa mid jariiradaasi ku sheegaysay in Madaxweyne Rayaale ka qayb galay Aaska Ruux ka tirsan qoyskiisa. Hadaba wasiirka oo arintaa daba taagan ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in wargeysku arimo sidaas oo kale ah faafiyo, waxa kale oo wasiirka warfaaftintu uu jariiradaa ku eedeeyay in gacan kale ku jirto, hadaba jawaabta wasiirka oo ku soo baxday qoraal uu ku saxeexnaa waxa uu u dhignaa sidan.

More

Somali-Yemeni militant ties in the spotlight

Jan 18 (Reuters) - The rise of al Qaeda’s Yemen-based branch as a security worry after its claim of a failed Dec. 25 bid to blow up a U.S. airliner has stirred concern about its ties to like-minded militants in nearby Somalia. Here are questions and answers about links between al Qaeda in the Arabian Peninsula (AQAP) and Somalia’s al Shabaab, an al Qaeda-inspired insurgency in the failed Horn of Africa state.

WHY WORRY NOW? On Jan. 1, an al Shabaab official, Sheikh Mukhtar Robow Abuu Mansuur, said the group was ready to send reinforcements to AQAP should the United States attack its bases in Yemen. The United States is stepping up security cooperation with Yemen following the Dec. 25 incident, involving a Nigerian who is reported to have said the plot was hatched in Yemen.

More

January 18, 2010

Faall: Maxaa Laga Ogyahay Duruufaha Ku Xeeran Mashruuca Dhismaha Kawaanka Casriga ah ee Boorama

Boorama (Harowo) -  Sariibada ama kawaan gawraca xoolaha loogu talogalay in laga hirgeliyo magaalada Borama ayaan weli waxba ka naasacaddayn inkastoo bilo badan lagu jiray qabanqaabada dhismaha casriga ah ee la filayey inay Boorama kaga baxdo kawaan laa’aanta, kii horena looga guuray caafimaad darro. Wararkii ugu dambeeyey e ku saabsan bilowga dhismaha sariibadda oo laga hirgelin lahaa bariga magaalada Boorama, ayaa mar kale dib u dhacday ka dib markii sida la sheegay in muddo ah la isku mari la’aa qiimaha uu ku kacayo kawaankaasi oo lagu kala sheegay qiimo aan ilaa hadda sugnayn, iyada oo siyaalo kala duwanna loo fasiray qiimayntaasi.

More

Waalidiinta Dhalinyaro Ku Xidhan Xabsiga Dhexe ee Magaalada Boorama oo Cabasho La Hortegay Xafiiska Badhasaabka Awdal.

Boorama (Harowo) - Qaar ka mid ah aabayaasha iyo hooyooyinka dhallinyaro arday ah oo ku xidhxidhan xabsiga dhexe ee Boorama, ayaa saaka isu soobax cabasho ah la hortegey xafiiska badhsabka G/awdal, iyagoo ka cabanaya waxay ku tilmaameen caddaalad Darro iyo tacaddi lagu hayo ubadkooda, isla markaana doonayey in ubadkaasi laga sii daayo xabsiga, loona oggolaado inay imtixaanada ka qayb qaataan. Waalidiintan oo isugu jiray hooyooyin iyo aabayaasha  ardaydaasi  ayaa markii ay tegeen xafiiska badhsaabka  kula kulmay Xoghayaha xafiiskaasi, C/laahi Xuseen Are, maadaama badhasaabka gobolku xafiiska ka maqnaa wakhtigaasi, hase yeeshee anay waxba kala hadal arrinta ay u socdeen, balse markii ay ka soo laabteen xafiiska saxaafadda ugu warramay  xafiiska hortiisa.

More

Kulmiye oo Ka Siibtay Salaankii Siyaasadda Iyo UDUB Iyo UCID oo Ku Tartamaya Kursiga Madaxyooyada

kulmiye Beryahan danbe waxa mareegaha warbaanita S/Land lagu qaadaadhigaye halkay ku aadantahay siyaasada xusbiga Kulmiye. Dadka badidiisu  waxa ay aad uga shaki qabeen majaraha siyaasadeed ee xusbiga kulmiye iyagoo u arkayey in uu u janjeedhsaday dhinca wixii la odhanjiray Soomaliweyn, hase yeeshee uu shakigaasi maanta cadaaday oo xaqiiqadii soo mudh baxday ka dib markii uu Gudoomiyaha Kulmiye Mr. Sillanyo La kulmay ninka aduunku ugu Neceb S/Land oo ah Xildhibaan ka tirsan aqalka wakiilada ee dalka America lana yidhaahdo Donald Payne. Sida dadka reer Somaliland ka warqabaan xildhibaan Paynne magaalada Washinton ku qabtay bishii June, 2009 shir ujeedadiisu ahayd demista dabka ka holcaya koonfurta Somalia, iyada oo laga duulayo qaab dhismeed Qaran seddex meelood awooda lagu qeybsado. Xildhibaan Payne oo aqoon dheer u lahayn arrimaha siyaasadda Soomaalida iyo taariikhdeeda midna.

More

Madaxweyne ku xigeenka oo Soo Kormeeray Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Booliska

Hargeysa  (Harowo) - Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo uu weheliyo wasiirka wasaarada Madaxtooyada Md. Xassan Macalin ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta taliska guud ee ciidanka Booliska Somaliland. Madaxweyne ku xigeenka ayaa markii uu halkaa gaadhay salaam ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska, ka dibna kulan uu la yeeshay saraakiisha iiyo hogaamadda ciidanka Booliska waxa uu si wayn ugu booriyay inay ilaaliyaan amaanka dalka, indho dheerna u yeeshaan cadowga cusub ee mandiqada iyo caalamkaba ku soo kordhay oo waa sida uu hadalka u dhigaye Diinta ku gabanaya, shacbina laynaya, hadaba hadalkii madaxweyne ku xigeenka hoos ka dhegayso.

Get Flash to see this player.

Hoos Ka Dhegeyso Hadaladii Masuuliinta Xisbiga UDUB ee Xafladda Soo Dhaweeynta Taageerayaal Kulmiye ka Soo Go’ay oo Xisbiga Ku Soor Biiray.

Get Flash to see this player.

Xisbiga UDUB Oo Xaflad Balaadhan ku Soo Dhaweeyay Taageerayaal Kulmiye ka Soo Go’ay Oo Xisbiga Ku Soor Biiray.

udub-small1 Hargeysa (Harowo) - Masuuliyiinta Xisbiga UDUB iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada Somaliland ayaa maanta ka qayb galay xaflad balaadhan oo lagu soo dhawaynayay garabkii wacyi galinta iyo abaabulka Gobolka Hargeysa ee Xisbiga Kulmiye iyo Garabkii Dhalinyarada xisbigaas ee Degmada Ibraahin Kood Buur Hargeysa, oo ka soo diga rogtay xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye kuna soo biiray xisbiga UDUB. Xaflad Aad loo soo agaasimay oo lagu qabtay xarunta xisbiga UDUB, waxa ka soo qayb galay, Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasin Faarax, Xoghayayaasha Difaaca iyo nabad galyadda, masuuliyiinta heer gobol, wasiirada arimaha gudaha, ganacsiga iyo

More

Login