September 7, 2010

Xisbiyadda UDUB Iyo UCID oo Canbaareeyay Mudo Kordhinta Golaha Guurtidda ee Golayaasha Baarlamaanka Iyo D/Hoose

Hargeysa, (Harowo) - Labadda Xisbi Qaran ee UDUB iyo UCID ayaa arin sharci daro ah, isla markaana baal marsan heshiiskii sadexda xisbi isla qaateen ku tilmaamay mudo kordhin maanta golaha guurtidu u kordhiyay Golayaasha Wakiiladda, Degaanka Iyo Guurtidda.

More

Talo Walaatinimo oo Tolnimo Ilaahayna Ha Idnku Anfoco - Aamiin

Walaal waxa igu kalifay inaan warqadan idiin sooo diro dhibaato aaan arkayo oo soo socota taasoo  noqonkarta nusqaan iyo dhib ayna soo  kaban karin bushada samaroon. wallaal waxaad ogtihiin in soomaliland uu haysan jiray madaxwayne Daahir Rayaale.

More

September 6, 2010

Faalo: Eryida Baahsan Ee Shaqaalaha Dawladda, Aamuska Ururadda Xuquuqal Insaanka, Demanaanta Xisbiyada Iyo Beenowga Balan qaadkii Axmed Siilaanyo.

“Masuuliyiinta Xukuumadda Axmed Siilaanyo oo Shaqaale Boqolaal Dhaafaya Ka Eryay Laamaha Kala Duwan Ee Dawladda”

Harowo, (Harowo) - Xukuumadda taladda dalka haysa ee uu hogaamiyo xisbiga Kulmiye ayaa boqolaal ka mid ah shaqaale oo laamaha kala duwan ee dawlada ka hawl gali jiray, dibadda ka dhigtay goobihii ay ka shaqayn jireen, isla markaana xubno bedelkoodi ah deg deg u shaqaalaysiisay.Wasaaraddaha, wakaaladdaha iyo hay’addo kale oo ka tirsan laamaha kala duwan ee dawladda ayaa si tartiib tartiib ah, ay uga socotaa hawl galo shaqo ka fadhiisin shaqaalihii hore ee dawladda ah, kuwaas oo wasaaradaha ka badbaaday ay aad u tira yar yihiin.

More

Badhasaabka Awdal Yaanu Noqon “Hasha Geela Cunta ee Haddana Cabaadda.”

“Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda Nin wayn oo Hadal ka dhacay waa geed Qolofi ka dhacday.”  Sida intiini dhagaysanaysay maqashay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Awdal Md. Maxamed Daahir Cabdalle ayaa dhawaan ku eedeeyay shabakadda wararka ee Harowo.com in ay buunbuuninayso xaalado ka taagan gobolka. Gudoomiyaha Gobolka Awdal waxa uu eediisa ku saleeyay in shabakaddu baahinayo ama taageerayso arimo si abaabulan loo qorsheeyay oo dad aan Somaliland madax banaanideeda ogolayn lagu taageerayo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

More

Beesha Maxamed Case “Miyay Waalatay, Mise Way Soo Wadwadataa…..?????”

Mahmaah Soomaliyeed ayaa tidhaa “Kalgacal Waa Loo Dhiloobaa”. Hadaba, xubiga iyo kalgacalka madaxmaray qaybo ka mid ah dhalinyarada Beesha Maxamed Case ee ay u hayaan Shamaaqile Axmed Siilaanyo, iyaga oo aan weliba wax faa’iido ah oo la taaban karo ku qabin xukuumaddiisa, ayaa waxay ka dhigan tahay gabadhii ku heestay “i xodxodo ha layna xantee -  i meheri masruuf kaama doonee”.

More

Muhiimadda Kenya ay u Leedahay Somaliland

Baahida loo qabo in guushii doorashada ee adduunyadu u riyaaqday in laga midho dhaliyo waxa ay u baahan tahay laba arrimood:

Hawsha gudaha laga qabanayo ee la xidhiidha dhinaca adkaynta nabadgalyada, horumarinta dhaqaalaha, iyo siiba shaqo abuur loo sameeyo dhallinyarada si ay wadankooda u aaminaan ugana baaqdaan is miidaaminta tahriibka, dhinaca helitaanka biyo nadiif ah, kor-u-qaadka caafimaadka iyo waxbarashada iyo guud ahaan hagaajinta iyo nidaaminta habka dawladnimada (improving good governance).

More

Haatufka Maanta: Doorkan Ilaahay Ina Astur, ee Yaan…………!

Wada xaadhistoodana mooyaane sawtan aynu shalay siganay ee odaygii madaxweynaha dalka ka ahaa iyo ilaaladiisii ay kala lumeen. Waa nimanka gaadhigii madaxweynaha badhtanka u galiyey kolanyo boqol iyo konton Land cruiser iyo Seeraf ah oo hareeraha iska dhaafaya sidii oo ay Jaad qadimayaan. Hadaba, doorkan ilaahay ina asturyoo odaygiina isagoo nabadqaba Madaxtooyadii ku soo noqaye, bal nacasnimadan oo kale yaanay mar dambe dib u dhicin, ololaha Nadaafadana isna yaan laga daalin oo muddo marka la joogaba dib ha loo bilaabo.

September 5, 2010

Kootada Somcable Waxba Kama Duwana Tii Shirkadda Total

Waajibaadka ugu horreeya ee saaran Madaxda dalkeenna waxa ka mid ku dhaqanka shuruucda dalka, si ay macalin ugu noqdaan bulshada ugu ababiyaan ku dhaqanka dariiqa saxda ah ee dawladnimo. Ujeexista iyo u horseedidda tubta toosani waa dhaxalka ugu wanaagsan ee hoggaamiye uga tago dadkiisa, waayo? Hab-dhaqanka dawladnimo ee maamulka saxda ah iyo ka qaldan labaduba waxay u gudbaan faca soo kacaya ee ummadda oo ah hoggaamiyaha Berrito.

More

Halkan Akhriso Wararkii Wargeyska Hargeysa Star

Madaxweynaha Somaliland Oo Ku Dhawaaqay 45-Kii Cishaba In Olole Nadaafadeed Laga Fulin Doono Dalka   *******   Guddoomiyaha Degmada Boon Oo Sheegay In Si Ba’an Boob Ugu Socdo Dhulka Danta Guud Ee Degmada    *******   Wasiirka Duulista Oo Cabashada Reer Burco ee Dab-damis La’aanta ku Tilmaamay Mid Siyaasadaysan Oo Aan Caqli Ku Dhisneyn. More

Somaliland Ictiraafkeeda Yaa Hortaagan?

Dheel dheeliga Siyaasada Madaxweynah Somaliland waxay gayeysiisay umada oo ku keentay dib u dhac dinac kasta ah. Dib u dhacaas oo saameyn ku yeeshay geedi socodkii Himilada Siyaasada umadweynta Reer Somaliland iyo hiigsiga (Halganka) Diifta, kiilka iyo Xanuunkaba badnaa ee ay soo muteen, marka laga soo bilaabo helitaankii xoriyada oo ku beegan Taariikh ahaan muddo laga joogo maanta 50-sanadood. Wakhtigaas oo si hubsiimo la’aan ah aynu ugu biirnay Koonfurtii Samalia, aniga oo xaga Xornimada aan ka qaadanay.

More

September 4, 2010

Kulmiye: Two Parties in One “The Unknown Winner” - By Hamse A. Khaire

kulmiye If you are about to congratulate the winner of Somaliland’s recent elections don’t mistakenly, like many of us did, applaud neither Silanyo, the voters, Kulmiye’s mujahedeen/SNM wing nor ‘beelihii harraadanaa’ but an unknown powerful subgroup of Kulmiye- that is ‘wadaaddada’. This subgroup is characterized by a high degree of organization and secrecy, strong discipline and cohesion, ample financial resources and a hidden agenda with a strong element of anti-somalilandism. Its command is highly decentralized and follows both Kulmiye and clan structure. The name of this Kulmiye subgroup changes constantly with time and  political strategy.

More

Dawlada Cusub oo Dib U Raacday Raadkii Shalay…!!!

Dhamaan ummada reer Somaliland waxa aan ku salaamaya salaanta islaamka, waxaanan leeyahay innagoo ku jira 10kii ugu danbeeyay bisha Ramadaan Allaah khayrkeeda hayna siiyo, midnimadeena iyo jiritaanka Somaliland-na allaah haynoo adkeeyo. Muddo ayaan qalinka miiska dhigay oo aan ku hamiyay inay dawlada cusubi ka baydhi doonto jidkii tii ka horaysay.

More

Tog Wajaale: Mudaharaad Gilgilay Wajaale, Dad Loo Xidhxidhay Iyo Xaraarada Magaalada oo Cirka Iskusii Shareertay

Tog-wajaale (Harowo) - Magaaladda Wajaale oo ilaa shalay ay ka taagnaayeen xiisado iyo buuq ka dhashay talaabooyin xukuumadda Axmed Siilaanyo ka qaaday dhinaca ciidanka Booliska ayaa waxa maanta ka dhashay Mudaharaadyo balaadhan. Sida wararka laga helayo magaaladaasi bayaaminayaan Mudaharaad balaadhan oo lagaga soo hor jeeday soo celinta taliyihii hore ee saldhiga booliska Axmed (Dacawo) oo dhawr maalmood ka hor laga badalay saldhiga booliska, hasa yeeshee maalintii shalay dib loogu soo magacaabay.

More

September 3, 2010

Dawlad Fuddud Dadkoo Is Dhalan Roggiyo Daanyernimaa Dhaanta…………!!!!!

Karaamadii madaxweyne Siilaanyo lagu doortay meeday? Maxaa umadii durbaanada siddatay qaalada baday? Ma qorshahii  iyo qaybtii laysku ogaa baa wax iska beddaleen? Maxaa umaddii saluugan baahay ugu wacan? Taariikhdii SNM iyo guulaheedii dusha laga huwin jiray Siilaanyo maxa manta u diiday inuu isticmaalo? Meeday karaamadii nin barri carooga u siddan jiray.

More

Features: SSC Leadership Council and the Challenges of Political Partnership in Puntland - By Liban Ahmad

In June 2010  Puntland president, Abdirahman M. Farole, lashed out at Sool, Sanaag and Cayn leadership headed by Saleban Ahmed Isse (aka Xaglatoosiye) who lost to president Farole during Puntland presidential selection of 2009. “The  former TFG president  Abdullahi Yusuf  Ahmed told me that he would not have set up an armed opposition group if he could have foreseen the disintegration  of Somalia at the hands of opposition groups,” President Farole said.  In his speech president Farole criticised several men from Sool “who were chewing Qat in a hotel when Somaliland forces captured Las Anod in October 2007.  Reaad Garowe Online

SSC Should Lay Down Arms And Start prospering Under Somaliland Democracy

Somalia has had enough of insurgency and the formation of new one shows how some people do not learn lessons from the destruction and mayhem that has been caused by the continuous fighting and the ongoing civil war in Somalia. Creating new groups for clan intentions such as that of Sool and Cayn of Somaliland is based on intentions of people obsessed with tribalism and have accumulated hate in their hearts for their assumed opponents.

More

Wajaale: Xiisad Ka Taagan Taliyihii Saldhiga Booliska Ee Xilka Laga Qaaday 5-Cisho Ka Hor Oo Mar Kale Dib Loogu Soo Magacaabay.

Wajaale (Harowo) - Xiisad iyo Muran gacan ka hadal ku dhawaatay ayaa caawa ka dhacday Magaaladda Wajaale, gaar ahaan Saldhiga Booliska ee magaaladaas, ka dib markii taliye shan cisho ka hor loo magacaabay, hadana dib loogu amray inuu xilka u tiriyo taliyihii lagu badalay ee uu xilka ka tirsaday.

More

Wariye Mash-qac Geliye oo Waraysi Aad U Xiiso Badan La Teeshay Madaxweyne Axmed Siilaanyo

Hargeysa (Yool) - Intiini la socotay Barnaamujkan “Yool-Baadhka Siyaasiyga”, waxaanu idiinku soo gudbin doonaa Waraysi aad u xiiso badan oo isla Toddobaadkan uu Weriye Mashqac geliye la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaasoo ah mid gaar ah oo si toosa uu Weriye Mashqac geliya ula yeeshay Madaxweynaha wax yar ka dib markii uu soo saaray liiska dufcada Labaad ee Masuuliyiinta hay’adaha dawlada,

More

Yaa Caawinaaya Inan Yar oo Indhaha Dhiig Ka Socdo

gabadh-yar-3 Hay’ada samofalka wadaniga ah ee AYODA oo ka shaqaysa badbaadadda carruurta ayaa waxay la maqleen arin naxdin leh oo ah gabadh yar oo 11 jir ah magaceedana la yidhaahdo Faadumo Maxamed Jaamac dharaar. Markii aan maqalay arintani waxaan ku booqanay gurigooda oo ku yaala xaafada Sheekh Makaahiil, waxaanan la kulanay aabeheed wuxuuna nooga waramay markii ugu horeysay ee uu xanuunkani mucjisada ah ku arkay gabadhiisa, wuxuuna yidhi:

More

September 2, 2010

Xukuumadda Somaliland oo ku hawlan Cafinta Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Dawladda Sh. Shariif

Xubnahan oo ku sugan Puntland ayaan illaa Hadda ka Tanaasulin Xilalka ay ka Hayaan Xukuumada Somaliya

Muqdisho (Waaheen) - Saraakiil Sar-sare iyo Xildhibaano faro-badan oo ka tirsan Xukuumada Sheekh Shariif oo ka soo jeeda una dhashay Somaliland iyo kuwa kale oon aan u dhalan ayaa ku soo hayaamaya Gudaha Somaliland sidii ay gabaad uga dhigan lahaayeen amniga iyo xasiloonida ka jirta ka dib markii ammaanka Magaalada Muqdisho oo xarun u ah Dowladda ku meel-gaadhka ee Somaliya uu faraha ka sii baxay. More

Login