Dadka iyo dalka Somaliland waxa soo food saartay cabsi iyo sas xoog leh oo laga qabo siyaasada maafiyanimada ku dhisan ee ka soo yeedhaysa xisbiga xag jir ka ah ee Kulmiye. Dadku hore waa u dareensanaa dhibka ay keeni karaan kooxdaasi haddii ay kursiga ku guuleystaan, laakiin waxaan la moodeyn inay bilaabi doonaan shirqooladooda iyo dad leyntooda inta doorashadu socoto, waxa la yidhi nina caadi ma baajo bahalna ceedhin ma daayo, sidaas darteedna waxay durba bilaabeen dhagartii iyo fowdadii lagu yaqaanay.
Kooxdu durba waxay banaanka soo dhigeen qeybo ka mid ah naceybka ay u qabaan iyo dhibka ay la damacsanyiin qeybaha dalka halbowlaha u ah. Waxay sheegeen inay jeelka u wada taxaabi doonaan 40,000 ee shaqaalaha dowlada ah sababtoo ah waa UDUB ayey yidhaahdeen. Waxay kaloo sheegeen in xukuumada iyo xisbiga UDUB dhamaantood la maxkamadeyn doono. Waxay kaloo sheegeen in ganacsatada dalka maxkamad la soo taagi doono sababtoo ah UDUB ayey u shqeeyaan ayey yidhaahdeen.
More
Hargeysa (Harowo) - Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa xisbiyada Qaranka ugu baaqay in ololohoodu noqdo, mid is qancin iyo kasbashada muwaadiniinta ah, balse aan laga aqbalayn, rabshad iyo qalaalaase inay isu gaystaan, iyagoo si cad u sheegay in taageerayaasha xisbi kale aflagaadeeya ama rabshad ula taga maalinta ay xafladooda qabsanayaan talaabo ciidamada amaanku ka qaadi doonaan.
Hadalkan komishanka doorashooyinka ayaa qayb ka ahaa ku dhawaaqista bilowga ololaha xisbiyada ee u diyaar garowga doorashada, oo 3-da juun si rasmi ah u bilaabmaya xisbi walbana la siiyay maalintiisa oo ay kaltan ku kala qaadanayaan mudo 21-cisho ah oo ololuhu soconayo. Hadaba komishanka ayaa sheegay in xisbiga fara galin ku sameeya xisbi kale maalinta uu xafladiisa qabsanayo talaabo laga qaadi doono, masuuliyadeedana madaxda xisbigaasi yeelanayaan. Hoos ka dhegayso hadalkii komishanka doorashooyinka oo uu ku dhawaaqay afhayeenka Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geele.
Hargeysa (Harowo) - Mudadii tobanka cisho ee dheeriga ahaa ee lagu daray bedelaada kaadhadhka codbixinta iyo wadaniyada ee Somaliland ayaa lagu wadaa maalinta bari ah ay soo gaba gabowdo, si hawlaha doorashada iyo u diyaar garowgeeda u danbeeya loo galo sida komishanka doorashooyinku qorsha u dhigeen hadii Alle idmo.
More
Ceerigaabo (Harowo) - Xarunta guud xisbiga UDUB ee magaalada Ceerigaabo ayaa kulan ballaadhan oo galabnimadii axadda halkaas lagu qabtay waxa sida uu kusoo warramay weriyaha Maalmaha ee gobolka Sanaag C/laahi Xuseen Darwiish Urur-weynaha Dhallinyrada Dangarad ee Ceerigabo caddeeyeen mawqifkooda siyaasadeed iyo taageeradoodaba in ay si buuxda kula soo biireen oo la bar-bar taagan yihiin Xisbig UDUB.
More
Washington (Harowo) - Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan oo mudo laba todobaad ahba ku sugnaa gobolada Awdal iyo Salel, isla markaana ku hawlanaa dhaqdhaqaaq siyaaasadeed oo dahsoon, oo ay dadka qaar ku tilmaameen “mid aanay ishu qabanayn”, kaas oo lagu beegay qaadashada kaadhadhka codbixinta ee doorashada soo socota, ayaa wuxuu warasigan kaga hadalayaa waxyaabihii u qabsoomay ilaa hada iyo guud ahaanba aragtidiisa siyaasadeed, isaga oo dhinaca kalena faallo kooban ka bixinaya wayaabaha uu u arko inay caqabad ku yihiin horumarka dhaqaale iyo siyaasadeed ee hor taagaan shacabka Somaliland. Dr. Maxamed Rashiid wuxuu warasigan ku soo ban dhigiyaa qodobada uu filayo inuu xisbigiisa Ucid guusha uu ku hanan karo. Hadaba, waraysii Dr. Maxamed Rashiid oo tifaftiran hoos ka dhegayso.
“Maanta Komishanku waxay barkan yihiin kaadhadhkii dadweynaha Gobolka Hargeysa tiro u dhiganta 119,191… Waxaannuna u aragnaa mucaaradku inuu hoggaaminayo”
Hargeysa (Jam) - Badhasaabka Gobolka Hargeysa Mr. Maxamed Cabdi Daa’uud, ayaa markale shalay eedaymo culus u xambariyey Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo uu ku tilmaamay qaar ku shaqaynayaan siyaasadda xisbiyada mucaaradka ah.
More
Waxaan aad ula yaabay oo aad moodaa inaanay waxba ka faa’idaysan ama ku qaadan ollolayaashii ee doorashooyiinkii hore SL madaxda sare-sare ee xisbiga mucaaridka Kulmiye oo markaay ollolahaa doorashada gelayaan la gole yimaadaan hadlo ka muuqato caddifaad iyo hanjabado aay hore ugu qasareen.
More
Dhamaan waxaan salaaamayaa mareegaha wararka S/lnd iyo akhristayaashooda dunida dacaladeeda jooga kala joogaa intaas hadaan ku dhaafo salaanta guud xaqiiqdu waxay tahay oon cidna ka qarsoonayayn in maalintaasi tahay maalin lama ilaawan ah guud ahaan shacabka slnd ee doonayey inay meel iska saaraan taliskii siyaad bare ee foolxumada iyo fidnada ahaa gaar ahaana ay lahyeen mujaahidiinta snm.
More
Hargeysa (Harowo) - Waxa magaalada Hargeysa maanta loogu caleemo saaray Suldaan cusub oo ka mid noqon doona salaadiinta beelaha Sacad Muuse, Kaas oo hab dhaxaltooyo ah, taajkiisu ahaa, waxaana Suldaankan Cusub lagu magacaaba Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Nuur, oo ah Suldaan beelaha Sacad Muuse.
More
Caynabo (Harowo) - Xoghayaha Siyaasada Ee xisbiga UDUB Marwo Ismahaan Yuusuf Cali oo socdaal shaqo oo la xidhiidha hawlaha dar dar galinta xisbiga UDUB ku maraysa, gobolka Saraar ayaa haweenka xisbiga UDUB ee gobolkaasi xaflad soo dhawayn ah oo ay u qabteen isla markaana ay ka soo qayb galeen Gudoomiyaha Gobolka Saraar Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac, Maayerka Degmada Caynabo, Khaliif Ismaaciil Saleebaan, ka sheegtay in xisbiga UDUB yahay mid horumar wayn ku talaabsaday, soona bandhigaya oo dadka codkooda kaga doonaya wax qabad la taaban karo, oo dhab ah. Hadaba hoos ka dhegayso hadaladii Marwo Ismahaan, Gudoomiyaha Gobolka Saraar iyo Maayerka Degmada Caynabo iyo garabka ururka haweenka Gobolka Saraar.
Dhamaan waxaan salaamayaa mareegaha wararka S/lnd iyo akhristayaashooda qiim leh ee dunida dacaladeeda kala jooga, hadaan intaas ku dhaafo salaanta guud oon ka marag kaco cinwaanka maqaalkan ee aha kulmiye waa xusbi ayaan daran ayaa run ahaantii ah mid xaqiiq ah, sababtoo ah ilaa maantadaa aynu joogno iyo ilaa maalintii la aasaasay xusbiyada qaranka ayaan mar qudha xusbiga kulmiye wax iska bedelin siyaasiyan iyo dhaqan ahaanba.
More
Oog (Harowo) - Wasiiru dawlaha cusub ee dhawaan Madaxweyne Rayaale u magacaabay wasaaradda Maaliyadda Md. Cali Maxamed C/laahi (Biikalo) ayaa ka qayb galay xaflad balaadhan oo taageerayaasha iyo masuuliyiinta degaankaasi ku qabteen isla magaaladda Oog. Xafladan oo si wayn loo soo agaasimay ayaa ujeedadeedu ahayd sidoo loo dar dar galin lahaa laamaha iyo xafiisyada xisbiga UDUB ee degmada Oog. Waxaana xafladaas ka qayb galay
More
Harowo (Laas-caanood) - Waxa maanta shir balaadhan oo ay yeesheen wafdigii xukuumada ee socdaalka shaqo ku joogay gobolka Sool, xildhibaano degaankaas ka soo jeeda iyo hogaamiyayaasha dhaqanka ee degaankaasi maanta ku yeesheen magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool lagaga dhawaaqay go’aamo la iskula qaatay oo lagu sugayo arimaha amaanka ee gobolada dadkaasi degaan.
More
It Is beyond doubt that any one who travels from Hargeisa to Borama reaches his/her destination exhausted and awfully fatigued. This is due the rough road that connects Dilla to Borama which is in pitiable and ravaged state. With the road littered with boulders and pitted with holes, passengers find it hard to conceal their feelings and burst out talking terribly about the road all the way to Borama. It is not uncommon for the travellers to critisize Awdal people for their absolute inaction and silence on this significant issue. Shame on Awdal people!!!!. Others mention the government’s weakness and president’s lack of sentiment to his own region. Shame on him!!. This indeed makes the passengers belonged to Awdal region feel affronted in every trip, starting hot discussions as to which party to vote for. They have to get prepared for the series of questions posed by non-Awdal passengers along with their vulgar remarks.
More
Hargysa (Qarannews) - Waxa aanu caawa waraysi kooban la yeelanay gudoomiyaha ololaha doorashooyinka ee xisbiga UDUB Mudane Cismaan C/llaahi Cigaal, oo ku sugan gurigiisa ku yaala magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland, waraysigani oo caawa shabkada qarannews la yeelatay waxa uu daba socdaa weerar gacan ka hadal ah oo maanta Cismaan Hindi loogu gaystay barxada hore ee xafiiskiisa, iyada oo ay gacanta ka soo gaadhay dhaawac. dhaawacaasi oo ay gaysteen rag baabuurwatay oo ku soo weeraray xafiiskiisa oo ku yaala xaafda goljano ee magaalada Hargaysa.
More
Runtii waxaan aad iyo aad u canbaareynayaa falka foosha xun ee loo geystey gudoomiyaha ololaha ee xisbiga UDUB md Cisman Abdillahi Cigaal, falkaasi waxaan u arkaa mid wixishinimo ah oo runtii lagu carqaladeynayo geedi socodka doorashada bisha June dhici doonta. Runtii cidii falkaasi sameysay waxey u adeegayaan cadawga soomaliland ee diidan in ey doorasho xor ihi kaga ka dhacdo dalkeena.
More
Dhamaan waxaan salaamayaa mareegaha wararka ee S/lnd iyo dhamaanba akhristayaasha dunida dacaladeeda ka jooga intaas hadaan ku dhaafo salaanta guud oon dul dhigo cinwaanka maqaalkan ayaa wuxuu yahay mid daba socda war uu gudoomiyaha ololaha xusbiga udub u sheegay umada oo ahaa ninkii lagala quustay hogaankii SNM laga sugi maayo inuu qaranka s/lnd, taas ayaa waxay tahay arin xaqiiqa, isla markaana marag iyo markhaati badan leh, wixii aan xogogaal u ahayna la doonayaa in loo sheego oo weliba laga dhaadhiciyo siday ahayd.
More