Harowo.com

Nin Qoyani Biyo Iskama Dhawro: Somaliland Waxa la Gudboon in ay la Qaadwalayso Somalia!

Bal eeg raga Somaliland shirka uga qayb qaatay, Mid Somalilander ah ama Somali ahiba kuma jiro!

1. Afarnin oo kala sita Passport ajaanib ah
a. Xersi = English
b. Faysal Cali waraabe: Finlands
c. Maxamed Cabdilaahi cumar : Hollandaise
d. Baashe Cade: Canadian

Yaanay umada indhaha ka ridin Caananuugyada isha labaatanka sanadood Somaliland u bidhiiqaayey.

Labada dhinac ayay u isticmaalaan wada hadalada. Wayna yar tahay in la yidhaahdo Labada Dawladood Maxaa looga xishoonayaa?

Dee nin qoyani biyo iskama dhawree xaalada Somaliland ee arimaha debeda waxay ku sifawday anagu Xaaraanta Ma Cuno ee Fuudkeeda ayaa Cabnaa.

Hala dedejiyo Midawga iyo isku darka Somaliland iyo Somalia ee Balankeeda iyo Qabanqaabadeeduba ka socoto Dawlada Qadar.

Xuduudahana Halaysu Furo si dhaqso ah, Islamarkaana In si dhaqso ah Calanka Loo laalo. Waana talaabo haruumar leh oo Caananuugyadu inoofureen.

SIGAAR AH U EEG RAGAN:

Wasiir Cabdilaahi Cumar: Wixiiisu waa huu haa iyo been aan geed loogu soo gabado lahayn. Waana wasiirkii ugu Musuqa iyo wax is dhaafdhaafinta badan Somaliland intay Jirtey abid. (been iyo Khuraafaadka)

Faysal Cali Warsame: Waxa uu buuxinayaa khasnadii UCID ee madhatay waagii doorashooyinka iyo fekerkiisii hore ee madhalayska noqday oo si kale oo farsamaysan u dhigo (SOMALI WEYN) ayuuna hanta u culanayaa.

Xildhibaan Baashe: Oo aaminsanaa in Somalia ay ku badiso oo kaliya midaw Somalilandna tahay Maqaarsaar/Dhalanteed (Lana aaminsan Fekerka reertolkii u dhan yihiin ee Somaliweyn).

Wasiir Xirsi: Oo u ban baxay, una boholyoobay in adeerkiis helo Meeqaam kale oo ka sareeya (Magac ahaan, Mansab ahaan iyo maal ahaanba) kan uu maanta Somaliland uu ka hayo, Si toos ahna ugu Hadla Afka madax weynaha siiba shirkii London ee ugu danbeeyey.

Madax weyne Manoqon karnaa/Raysal wasaare Manoqon karkaan/Caasimada Ma heli karnaa! waa meeqaamka ay waftiga Somaliland ku baayac tameen sidaan xog hoose aan ku helay. Waana Liidnimo iyo gunimadii aynu ka dagaalanay.

Ismaaciil Yare – Xoghaya Xisbiga Dalsan

Email: dalsan@hotmail.my

 


This post has been viewed 2778 times.

camud

15 Comments for “Nin Qoyani Biyo Iskama Dhawro: Somaliland Waxa la Gudboon in ay la Qaadwalayso Somalia!”

  1. Haygu soo dhicin

    Soomaaliweyn ama soomaaliland ama federaal ama maamul goboleed dhamaan waa waxa dadka lagu jahawareeriyo hadaan runta isku sheegno oo aan dhalanteedka iska deyno .
    Dalku waa soomaaliya
    Dadkuna waa soomaali
    Calanku waa kaas Buluugaa
    Gobolada Dalkuna waa 18kii gobal
    Hebel land iyo Hebel state waa wax ay noo soo Qoreen cadawgeena doonaya inay nagu sii fogeeyaan inagaa ceelkaan dheer nacasnimo ugu dhacnay
    Anagaa Qarankeenii Duminay
    Anagaa Calankeenii Dajinay
    Anagaa Dowladnimadii Diidnay
    wax walba inagaa is yeelnay
    Hadda ma is daba qabanaa waar hooy soomaaliyeey ma is daba qabanaa walaahi waxaan ku soconaa meel aan ku shalaayi doono reer hebel baan ku xumaynaynay ee hadaan saan moodeyno maan yeelneen

  2. xeego

    Haa wali dadka maasakiinta lacatoodii ayay cadhadu ku dheeratay. Roda xaar miisaan waa ta xeego dadka ku cayda wali. Ala maxay markay Canada timid iska oohisay beenalay musibiyaanad ah. waa lagu wada fahmay inaad dadka halkani ka cayaysay

  3. gabilay

    ismaaciil maqaalkan waxa uu kusheegayi waa wax jira waayo nimankan kaqayb galayaashu waa kuwa ugu beenta badan sida ka arimaha dibada oo kale waaba nahaa xun kaasi malaha waaba ilma xaaraan markaad eegto sida uu udhaqmayo

  4. long live snm and sland hanoöladan

  5. nugaal

    asc, SNM l20 sano oo ay d,yar tooda been ku bakhti afuufayeen ayeey hada ku hambabereen 1)dhalashadii KHaatumo iyo awdalstat 2)dawlada somalya oo hada dhismaheedii dhabta ahaa socdo
    3)iyo godoonka ay galeen reer Isxaaq oo aanay cidna dabka ka qaadan karin maanta eed ay galeen awgeed

    oslo,norway

  6. Dheere Power

    Khatumo state waa geesiyiin aan ogolayn Dulmi.
    Dadka waxaa ugu liita qofka maanta 2012 ku nool dulmi oo aan ka dhiidhiyin iyagoo buuxa
    Rag iyo dumar,Dhalaniyaroiyo waayeel,Hanti,Bad iyo Beri. Aduunka Eebe cidna uma abuurin in la gumaystowaxa ugu horeeya oo Eebe dadkisa siiyey waa XORIYADA qof ahaaneed iyo Rabitaanka ummadda.
    Waxan leeyahay Samaroon waa ayaandaro in xabaglayashi iyo isbirtolayashi snm dhulkina idinku gumaystan idinku cadaadiyan idinku xidhan idinku garwaracan oo aad xabad ku ridi weydan.
    Nobody will give you freedom for GIFT!
    cidina xoriyada kuuma siiso hadiyad waa inad u dhidido oo xaqaaga soo dhacsato markas baad heli.

  7. Rachiid aw nuur( carablooo)

    Waxa aan u sheegayaaa shecibkayga in dhaqaale loo bahanahay
    Hadli aan dhaqaale lahayd in aynaa dawladeenu soconaynn sheciboooowkkkkk
    Dawladeenaaa sharafta leh waxa ay rabtaa dhaqaale gudo Iyo dibad sida uu ee sheegay wasiirka madaxtooyadu dugsiye sheciboooowkkkkk
    Meeshann anagu hadiie aan nahay dawladii waxa aan kuwadanaa danahayaga
    Gaarkaa ah sheciboooowkkkkk k

  8. Garyaqaan

    Waxaan qabaa inaayna somaliland kaqeyb gali doonin shirka soo socda ee lagu dhisayo dowlad somaaliyeed sobobahan hoose awgeed, wakhtiga gaaban, somaliland oo dooneysa dowlad dhab ah oo waxkala saxeexdaan iyo wadahadal somaliland iyo Somali oo u eg mid fududeyn,hadaba maxaa lagala rabaa umada samaroon inaay indhahooga xoog u furaan oo aay foojignaadaan si unan waagu ku dulbaryin sida isaaq somaliweyn wax uga raadsanyo inaay iyaguna somaliland wajooga karaadsadaan waayo somaliland xaqkuma fadhido.

  9. oogle

    maqaalku waa been abuur maahan mid, injineer,ismaaciil, qorey, waxa u eegyahey, sheeko, been ah oo ismaciil, lagu xajiimeynaayo, sida loo qorey, markaasi waxaan odhanlahaa maxaa warbaahinta kale looga waayey, hadalkan iyo meesha ad ka keenteen, waxa kale oo qaldan ismaaciil laftiisa heysta passort ingriis ah markaasi rag kuma caayi karo ajaanib, mida kale ismaaciil dad aan aqoon u laheyn yaaney wax ka sheegin ninka ismaciil yare waxa uu magaca kula baxey isgoo, 20 sano jirey ayuu ahaa, geometerka hargeysa, dabacan waa town planer, ma aheyn wasadaad, aqoon sare oo dadka inta ugu aqli faacin ama aqoonta leh aya fahmi karaan, mida kale waxa uu jaamcada ku taal dalka ingriiska ku qaatey , shaado sare oo ah injineernimada, markaasi dadka aan aqoonta u laheyn maahan in ay wax ka sheegaan iyo kuwa aan aqoon macanha ereyga waxa u aha geometer. mida kale ismaacil aadam osman maahan xogeeyaha dalsan ee waa gudoomiyaha ururka markaasi qofka waxsi qorey waxaa laga yaabaa in aanu aqoonba xitaa u laheyn dhismaha xisbiga,

  10. MUNA

    dameer iyo laba diisa daan waa isku mid weeye miyauu na kala xigaa iidoortu ee sita maskaxad yar leh, ee rabaa inay somali kala jaraa xoog wyna miyaagaba dalka waxa wey ku leh oo 2 gobol ahayn
    ha laga tooso hurda dalku waa midoobow somali weyn buu noqdee

  11. Nasiib

    Halkaa ayay nasiib daruda dadka ugu timi, waayo haday balaayo dhacdo nimankaas oo dhani walfare kii gaalada ayay dib ugu noqon, hada laakiin lacagtii masaakiinta ayay bilaash ku cunayaan, iyagoo caruurohoodii qabawga ku cabayaan. inkaari haku dhacdo.

  12. kuluc

    ismaaciil faqash foolxumada aqoondaruu ku darsaday, waa ninka ay qaarna leeyihiin waa madaxweeynaha mustaqbalka kkkkkkkkkkkkk hada nimanka shirka ka qayb galay ayuunbuu caayee ma sheegin wax dhibaato ah mana soo jeedin any solutions kan waa empty man.

  13. Ali Samatar

    Maxaa ku dhacay kuwii Samaroon ee is caayayay maxay wax uga odhan waayeen qoraalkan? Mise hadii boqortooyada siilaanyo wax laga sheego biyaa lagu shubaa?

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH