Harowo.com

Halkan ka Akhri Warbixin lagu seexinayo Reer Awdal oo ay baahisay shabakad Afka Siilaanyo Ku Hadasha Iyo Siilaanyo oo Caawa la ballansan Ergadii Madaxweynaha Jabuuti soo diray

Hargeysa (Harowo)- Xildhibaanada Gobolada Awdal iyo Salal kaga jira labada gole ayaa maanta abaaro 10kii subaxnimo fursad u helay inay la kulmaan Madaxwaynaha JSL Mud. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ay maalmihii ina dhaafay si wayn u sugayeen, mudo badana ka noqonodday afaafka hore ee Madaxtooyada.
Kulankan ayaa waxa ay wararku sheegayaan inuu ahaa mid aad u adag kadib markii ay xildhibaanadaasi oo cadhaysani soo galeen xafiiska madaxwaynaha oo ay la fadhiyeen wasiiro dhawr ahi.
Ilo xog’ogaal ah oo u waramay Caynabanews  ayaa waxa ay sheegayaan in ay xildhibaanadu kala hadleen madaxwaynaha dhawr arimood oo gabi ahaanba ku soo ururayay xaalada degmada Saylac kuwaas oo ay ka mid ahaayeen. “ In aanay sinaba ugu qanacsanayn sida ay xukuumadu wax u wado ee ah in degmada Saylac gorgortan la galiyo natiijada ka soo baxday ee doorashooyinka isla markaana ay aad uga xun yihiin in masuuliyiintii heer gobo lee arimaha dhaarinta iyo goobjoognimada doorashooyinka degaanka Saylac lagu amro inay halkaasi ka soo baxaan.
Waxa kale oo ka mid ahaa waxyaabihii ay kala hadleen “ In madaxwaynaha ay xasuusiyeen inuu doorasho ku soo baxay, doorashana ku fadhiyo, aanayna ka ogolaanayn in uu cidka dadka ee doorashada ku soo baxay dalka oo dhan degmada Saylac gaar ka dhigo natiijada uu komishanku ku dhawaaqayna uu hadal ka keeno”.
Sidoo kale waxa ay xildhibaanadan oo cadhaysani madaxwaynaha si kulul ugu canaanteen in ay ceeb iyo masuuliyad daro ku tahay inuu fariin uu ka keenay dal shisheeye uu xaalka dalka ku dabaqo degmada Saylacna ka dhigo mid ay arinteedu dal kale ku xidhan tahay.
Doodahaas kadib ayaa madaxwaynahu sida ay ilo xog ogaal ahi sheegayaan uu si kulul cadho ku ladhan tahay uga gilgishay hadalka odhanaya inuu fariimo dalkale laga keenay Saylac ku maamulayo, kuwaasi oo uu ku tilmaamay kuwo aanay waxba ka jirin isla markaana sharaf dhac ku ah madaxwaynaha.
Marka loo soo laabto arinta Saylac ayaa waxa ay ilo wareedyadaasi xog’ogaalka ahaan sheegayaan in madaxwaynuhu ku dhaartay, kuna xila furay inaanu waxba ka badalayn natiijada doorashada iyo rabitaanka shacabka reer Saylac ee ku cad codbixinta, waxana uu ka dalbaday xildhibaanada inay mudo kooban siiyaan si uu ula kulmo ergo beesha ciise ka socota oo dalka iyo Djibouti isaga timid oo sugaysa caawa, iyo maalinta bari ah, wixii intaasi ka dambeeyana arinta Saylac loo wajaho sida uu sharcigu yahay iyo waxa uu go’aanka doorashada degamadaasi Saylac Dhigayo
Si kastaba ha ahaatee, dadka arimaha Saylac indha-indheeya ayaa waxa ay u dheg taagayeen waxa ka soo bixi doona natiijada kulamada uu madaxwaynuhu la yeelanayo garabyada ku loolamaya degmada Saylac, iyada oo uu xaalku sidaasi yahayna wali ma cada waxa uu xalku ku soo afjarmi doono waxa ka horeeya hadal qoraal ah, ama rasmi ah oo ka soo baxa madaxwaynaha ama cid uu arintan u igmaday.

This post has been viewed 348 times.


camud

1 Comment for “Halkan ka Akhri Warbixin lagu seexinayo Reer Awdal oo ay baahisay shabakad Afka Siilaanyo Ku Hadasha Iyo Siilaanyo oo Caawa la ballansan Ergadii Madaxweynaha Jabuuti soo diray”

  1. Scm dhamaan haadihiyaasha harowo .com
    Waxaan aad ugu humahay sida qaawan ee uu silaanyo uu so weeraray dhulka samaroon isago wax uraadinaya beesha ciise say maayer uga noqon lahayd dagmada saylac ee dhulka samarooon …..aniga hadaan ragayga cabiiro isaaaq iyo ciise waxay rabaan siday u Aasi lahaayeeen deegaanada samaroon uu leeyahay markaa waxaan leeyahay Dhamaan inta dibad joogta iyo inta dalka joogta ee samarooooon Waa inay uso diiyaar garoobaaan sidaaaan u dhacsan lahayn dhulkeen loo rabo in lasiiyo Beesha ciise …..Samaroooonow Hurdada Aan Ka Kacno On Dhulkeena Difaaacno ….Waxaan isu Ognahay Inaan Gacmaha Is Qabsano Hadaan Nahay Samaroooooooooooooon ……scm

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH