Harowo.com

Muuse Biixi iyo Abiib Timacad oo labaduba ah cadowga reer Awdal/Salal Iyo Shaabadda(cadami) ay ku shaqeystaan oo Saylac loo direy Iyo C/Saylici oo lagu amray inuu…..

HAROWO.COM

Muuse Biixi iyo Abiib Timacad oo labaduba ah cadowga reer Awdal/Salal Iyo Shaabadda(cadami) ay ku shaqeystaan oo Saylac loo direy Iyo C/Saylici oo lagu amray inuu…..

 

Maamulka Hargeysa oo cabsi uu ka qabo jabuuti fadhiga xamili waayay doorashadii degaanka ee dalka ka qabsoontayna xagal-daaciyay ayaa wali faro-galin aan dhamaanayn ku haya golaha degaanka degmada Saylac.

Saylac waxay la mid ahayd degmooyinka kale ee doorashadu ka dhacday, cidii aqlabiyadu isku raacdo ayaa xilalka maayernimo ee degmooyinka loo doortay. Tusaale ahaan hargeysa waxay ahayd 25 xildhibaan,maalintii maayerka iyo kuxigeenka la dooranayay waxa ka maqnaa madasha dhaarta iyo codeyntaba 10 xildhibaan. Saylacna waxay ahayd 17 xildhibaan, waxa ka maqnaa 7 xildhibaan, aqlabiyadii waa la dhaariyay maamulna way doorteen.

Ninka nidaamka wax lagu dooranayo iyo golaha degaanka diidani waa nin diidan doorashadii dalka ka dhacday, xukuumada waajibkeedu wuxu ahaa inay ilaaliso sharciga iyo nidaamka doorashada ay qabatay, laakiin meesha waxa ka muuqata inaanay jirin wax dawlad la yiraahdo, balse dadka qaarkood uuni u haystaan inay dawlad tahay.

Arinta saylac waxay dhamaatay 1 january, in maanta naburkii bogsaday la taa taabto wax la isku ogaa ma ahayn, nidaamkii iyo sharcigii wax lagu doortay in la ilaaliyo uunbay ahayd hadii dawladnimada iyo dastuurka la sheeganayi yahay wax jira.

Nimanka maanta saylac loo dirayo, niman wanaag la socda maaha. Taariikhdoodaba wanaag kama talinin, waxa loogu dirayina waa ku xumayn dad gaar ah lagu xumaynayo.

Lama garanayo nimankani Fariinta ay qaadeen waxay tahay hase yeeshee waxa ay u tageen cidna kama qarsoona. Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo midna yahay madaxweynaha isaga ka sareeya midna uu yahay gudoomiyihiisa ay u yeedheen Saylici kadibna ay ku amreen qorshe ay wateen inuu aqbalo.

Qorshahaas oo ahaa inuu inadeerkii ku qanciyo inuu kursiga maayernimada banneeyo, waloow aan la ogeyn sida arintaasi u suurto-galayso, maadaama aanay talada Saylac ka go’in labo nin oo ilma adeer ah.

 


This post has been viewed 54 times.

camud

Posted by on Jan 20 2013. Filed under Harowo News - Wadan Iyo Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

1 Comment for “Muuse Biixi iyo Abiib Timacad oo labaduba ah cadowga reer Awdal/Salal Iyo Shaabadda(cadami) ay ku shaqeystaan oo Saylac loo direy Iyo C/Saylici oo lagu amray inuu…..”

  1. SHUKRI MAXAMED WARSAME

    YELI MAYNO TAASI!!SAYLAC WA DHUUL GADABURSI!!CIISE WARABE IYO SNM WA QOSHEYNTII 1991 AY MEEL DHIGTEYN INAY REER SHEIK SAMAROON KU XURURIYAAN BORAMA.YELII MAYNO HADAN NAHAY HAWEENKA REER SHEIK SAMAROON

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH