Fadlan Ka Qeyb-qaado Gar-gaarka Dadkii Ku Dhintay Iyo Intii Ku Dhaawacantay Qadiyadii Zeylac Barnaamujkan Loogu Magac daray Mujaahid “Jimcaale Funds”
Anagoo ah Jaliyadaha Gobolada Salal, Gabiley, Awdal, Djabouti, iyo Harowo waxaanu Tacsi iyo Ducaba u diraynaa dhamaan dadkii dhimashada iyo Dhaawacu ku soo gaadhay Dufaacii Qaddiyada Zeylac.
Waxaanu Illaahay ugu baryaynaa dadkii dhintay inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeena SAMIR iyo IIMAAN ka siiyo, inta dhaawacanna ilaahay CAAFIYO. Aamiin Aamiin ——-
Walaalayaa waxaad la socotaan in 30/12/2012 ay ku dhinteen Kuna Dhaawacmeen dad aan waxba galabsan mudaharaadyadii lagaga soo horjeeday arinkii gardarada ahaa ee waftigii Hargeysa ka yimiday u yimiday Borama. Shucuurtii dadweynaha iyo geeridii dhacday shalay waxay soo dadajisay ama ay kalliftay in si degdeg ah xal looga gaadho arrinta Saylac.
Haddaan maanta u hiilin weyno mujaahidiintaa naftooda ku waayay qadiyada Saylac iyo kuwa ku dhawacmayba. Haddaan Wax tari wayno waalidkii iyo qoyskii uu ka baxay, Waxaa adkaan doonta in kuwo kale naftooda u huraan una badheedhaan dufaaca danta guud iyo qadiyado kale oo kuwan la mid ah.
Dhamaan dadka ku abtirsada degaanada aanu kor Ku Xusnay ee Qurbaha ku sugan waxa si naxariis leh looga codsanayaa in eheladii marxuumiinta iyo dhawacaba in ay la soo gaadhaan kaalmo dhaqaale oo degdeg ah. Dhiigooda iyo ciddii dhagarta gaysatay la xisaabtankeedu waa arrin innoo wada taal,gudo iyo dibadba mid laga fadhiisanayana maaha, balse waxa innagu waajib ah inaan gar-gaar u fidinno walaalaheenna waayay caruurtii ay jeclaayeen ee ilmaynaya iyo bukaanka caafimaadkiisii iyo laxaadkiisii ku waayay dufaaca qadiyada Zeylac.
Waxaynu dhamaan ka codsanay Bulshada Gadabuursi meel kasta oo ay joogaan inay ay arrintani tahay arrin ka qayb qaadashadeedu tahay waajib. Farsamada iyo qaabka aad iskaga ururinaysaan qaadhaanka, qof qof iyo koox koox idinkaa u madaxbanaan. Wixii aad ugu talo gasheen walaalilhiin waxad aad ku soo shubaysaan XAWILAADA KULAN EXPRESS ACCOUNT Name: Jimale Funds ACCOUNT # BAK000001.
XAWILAADA KULAN EXPRESS
ACCOUNT NAME: Jimcale Funds
ACCOUNT #: BAK000001
Walaalyaal qofka aan joogin meel ay ku taalo xawilaada KULAN IYO FAAHFAAHIN KU SAABSAN DHAQAALAHA waxaad la soo xidhiidhaa dhaliyarada hoos ku qoran:
Mohamed Abdilahi Shine 612-298-7636 cawale36@gmail.com
Ismail B. Jibriir 612-203-2539 ismail_jibril@yahoo.com
Abdisamad Aw Ali 612-644-7184
This post has been viewed 26 times.













Dhammaan Bahda Gadabuursi ee ku kala degan Gobolada Awdal, Selel, Gabilay, iyo dhamaan Qurbajoogta guud ahaanba, waxaan leeyahay Ilaahay Sabir iyo iimaan ha inaga siiyo inaga iyo qoyskii u ka GEERIYOODAYBA MUJAAHID/SHAHIID JUMCAALE oo u GEERIYOODAY qadiyada Saylac, dishayna Gacan Cadawgeena ah, Ilaahay Janadiisa Firdawsa ha ka waraabiyo, intii dhaawacantayna ILAAHAY dhaqso ha u caafiyo.
Walaalayaal, arrintani waa arrin aad u muhiim ah in loo gargaaro, lana taageero QAYSKII MUJAAHIDKA iyo intii ku dhaawacantayba. Waxaanan rajeynayaa in Gadabuursi meel kastaba ha joogee, gaar ahaan Qurba Joogtu ay ay isku tagaan oo guud ahaan wax loo soo ururiyo (dadka kuwa nool magaalooyinka). Sidaas baa ka roon qof qof in wax loo soo diro.
Arrintani, runtii waa arrin aad u wanaagsan oo aan isleenahay waxay midayn doontaa Gadabuursi dhamaantiiba waana arrin midayn doonta si meel looga soo wajadeesto qadidaha inooga yimaada HAD IYO JEER REER BENI AHMED guud ahaanba.
wixii hadda ka dambeeya, ha laga shaqeeyo sidii Gadabuursi la isugu xidhi lahaa meel kastaba ha joogeene.
Waxaana lagama maar maan ah in si dhaqso ah u hawl gelino OGAASKEENA oo aan u sameyno CALEEMO SARE SARE KUNA QABANO MAGAALADA SAYLAC SIDA UGU DHAQSAHA BADAN. Cid alaale cidii ka soo horjeesadana, waa in aan meel uga soo wada jeesanaa CAKEENI SAARKA UGAASKA.
ILAAHAY HA INA GARAB GALO, HANA IGU TAAGEERO WIXII KHAYRKU I NOOGU JIRO.
DAHIR JILANEH EGEH