Harowo.com

Mucaaradka Jabuuti Oo Isku Diyaarinaya Inay Guulo Ku Soo Hooyaan Doorashada Baarlamaanka Ee Bisha Dambe Dhacaya Iyo Laba Xisbi Oo Loo Diiday Doorashada

Jabuuti (Harowo)- Mucaaradka dalka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa isku diyaarinaya inay guulo ka soo hooyaan doorashada baarlamaanka oo 22-ka bishan February ee sanadkan ka dhacaya halkaasi.

Isbahaysiga xisbiyada Mucaaradka Jabuuti ee USC oo ka kooban isbahaysiga jamhuuriga ah ee horumarka, xisbiga horumarka Jabuuti iyo xisbiga dimuqraadiga Qaranka, ayaa sheegay inay ku rajo-weyn yihiin inay guul wax ku ool ah ka soo hooyaan doorashada baarlamaanka dalka Jabuuti.

C/kariin Maxamuud oo ka mid ah aasaasayaasha xisbiga horumarka ee dalka Jabuuti ayaa rajo weyn ka muujinaya doorashada ayaa yidhi “Mucaaradku waxay rajo weyn ka qabaa in sannadkan ay guulo waaweyn ka gaadhaan doorashooyinka baarlamaanka oo dhacay bisha 22-ka February ee 2013”ayuu yidhi

Mucaaradka ayaa sidoo kale sheegay inay soo afjarayaan 10 sanadood oo ay qaadacayeen doorashooyinka dalka ka dhacaya, inkasta oo labada xisbi ee RADD iyo MODEL aan loo ogolayn inay doorashada ka qayb-galaan.

Xisbiga RADD, ayaa xubnaha loo diidan inay doorashada ka qayb-galaan doorashada ay ka socdaan bulshada rayidka ah, halka MODEL ay ku midaysan yihiin culimada diinta ee dalka Jabuuti.

 

 


This post has been viewed 500 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH