Harowo.com

Minisota: Ganacsato Soomaalyeeed oo albaabada loo laabay Meheradahoodii

Waxaa albaabada la isugu dhuftay 4 kamid ah xarumaha ganacsi oo ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed oo kamid ah jaaliyada Soomaalida ee ku nool magaalooyinka Mataanaha ah ee St Paul iyo Minneapolis ee Gobolka ay Soomaalida ku badan tahay ee Minnesota.

Xarumahaan la xiray ayaa waxa ay kala ahaayeen sidatan

Saddex xarumood waxa ay ahaayeen waxa loo yaqaano Child Care Center [Xuramaha Xanaanada Caruurta].

Hal xaruna waxa ay aheyd Home Health Care [Halka laga hago Dadka adeegyada kala duwan loo qabto ee guryaha loogu tago]

Dhamaan xarumahaas ganacsi ayaa sidda wararka sheegayaan waxa lahaa hal qoys oo siweyn looga yaqaano Gobolka Minnesota.

Jaaliyada Soomaalida ah ee gobolka Minnesota ayaa ah kuwo aad u firfircoon oo sumcad wanaagsan ku dhex leh dhamaan qowmiyadaha kala duwan ee ku nool Gobolka Minnesota, waxa ayna leeyihiin ganacsiyo kala duwan oo aad u badan waayadaan ayey si xowli ah u furanayeen Child Care Center iyo Home Health Care.

Ilaa hada lama oga xarumahaas sababta looga xiray halka qoys ee ganacsatada ahaa.

Wixii faahfaahin ah ee soo kordha wararkeena danbe baan idiinku soo socodsiin doonaa


This post has been viewed 551 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH