Harowo.com

Madaxweynaha Soomalia oo kusii jeeda Addis ababa

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaasi oo uu dhowaan ka furmayo shirkii madaxda Midowga Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkaan wuxuu u noqonayaa kii labaad uu ku tago wadanka Itoobiya tan iyo markii sanadkii hore lagu soo doortay magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu khudbad uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya uu ka jeediyo shir madaxeedka, xili dowlada Soomaaliya dhowaan si rasmi ah u aqoonsatay Soomaaliya.

Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa haatan ku sugan Raysal Wasaare kuxigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, iyadoo ka qeyb geli doonta shirka wasiirada arrimaha dibada oo loogu gogol xaari doono shirka madaxweynayaasha ay yeelanayaan.

Shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa sanadkan looga hadli doonaa arrimo badan, sida Mali, qalaalasaha ka taagan Afrikada dhexe, Labada Sudan iyo Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbadal badan ka dib markii dowlada Soomaaliya ay xooga saartay wax ka qabashada amaanka iyo walinba soocelinta iskaashiga caalamig ah.


This post has been viewed 534 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH