Harowo.com

Maamulka Saylac oo u dhaw in maanta lagu kala baxo Iyo Xanta barbar socota Joogitaanka Duur ee halkaasi

HAROWO.COM

 

Saylac (HAROWO)–Wararka ka imanaya magaalada saylac ayaa sheegaya in weli halkaasi ay ka socdaan shirar iyo kulammo wasiirka guduhu halkaa kula yeelanyo madaxda golaha cusub,iyo saraakiisha gobolkssdi  selel u qaabilsan amniga .

Wadahadaladan oo ilaa xalay socday ayaan ilaa hadda la ogeyn si rasmi ah axa ugasoao baxay ,,balse la ogyahay oo keli ah in  wasiirku ku talojiro sidii uu salka ugu dhigi lahaa maamulka degmadaasi oo an weli cagodhigan .

kulanadan ayaa kuwii u dambeeyey maanta wasiirku la yeeshay golaha cusub ee degmadaasi ,iyagoo sida ay sheegeen warar ku dhawdhaw kulamadaasi la doonayo in wasiirku arin adag kaga tego xildhibeenada ,iyo shuruudo loo baahanyahay in la fuliyo maka ay xafiisyada fadhsiistaan .

warka ayaa sidoo kale sheegeya in ilaa caawa la filayo go’aan rasmi ah  oo kasoo baxa wasiirka iyo wafdigiisaba .warar kale ayaa iyaguna sheegeya in wasiirku doonayo inuu xildhibeenada aqlabiyadda kusoo baxay aqbalaan in wax laga beddelo habkii loo doortay golahaasi isla markaana ka tanaasulaan mansabka maayar xigeenka ,laguna sharfo xildhibeenada Ciise ee ka maqan shirka, xantaasi oo maanta gelinkii dambe kasoo baxday Saylac ayaan ilaa imika la ogeyn waxa ka runta ah iyo waxa kabeenta ah .


This post has been viewed 39 times.

camud

Posted by on Jan 15 2013. Filed under Harowo News - Wadan Iyo Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

2 Comments for “Maamulka Saylac oo u dhaw in maanta lagu kala baxo Iyo Xanta barbar socota Joogitaanka Duur ee halkaasi”

  1. abu said

    Marka hore waxaan salaamayaa Maamulka iyo qoraaga Harowo ee ku heelan arinta umadda Gadabuursi, marka labaad waxaan idiin sheegayaa in la baraarujiyo dhalinyarta oo aan la is iloobin wali arintu ma dhammaan inta reer abtiyaasheen ay gunuunuxayaan waa la idin eegayaa.
    Takale waxaan u dirayaa Xildhibaan Sacad, waxaan leehay haka tanaasulin kursigaaga oo sidii Mudane Rayaale tolkaa ceeb ha u soojiidin reer Dudub ceebta Mr. Rayaale ku filan arintaasina to aan kula hadlayo wallaalaheen Reer Dudub oo dhan.
    Maxamed Casana waxaan leehay waar waakaa dhulkiinii idiin soo noqday Karbaasha inta yar ee Ciisaha iyo ina Cumar Geelle u shaqaysa oo iska ilaaliya yayna markale iibin dhulkiine.
    Suldaan Ibraahiin Jaamac Samater na waxaan leehay waar aabahaa Jaamac Sameter nin macaan buu ahaa afgaaban laakiin arimihiisa ilaash tolkiina ka war haya, waxaase lagaa rabaa inaad noqotid Ismaaciil Samater waxaan filayaa Suldaan Ibraahiim aw inaad i fahmaysid.
    Illaahay haloo mahadnoqo yaana la is iloobin hawli waa wali.
    Waad Salaamantihiin

  2. Hurdada, ha la kaco,
    Isaaq iyo Ciise marba siday doon ha u heshiiyeen, ama binu Axmed ha noqodaan ama binu Shaydaan ah noqodaan, waa laga foojignaaddaa khiyaamadooda,hurdow toos , Gadabuursow ha is dhigin indha dheer waa inaan ku hayna.

    Wa billahi tawfiiq.

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH