Harowo.com

Komishanka Fashilmay Oo Ka Noqday Dib utirintii Codadka Hargeysa

Hargeysa (Harowo)- Gudoomiyaha Komishinka doorashooyinka Somaliland Eng.Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari) ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in natiijadii hordhaca ahayd ee Degmada Hargeysa u gudbiyeen Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex si ay uga garnaqado Asxaabta iyo Musharaxiinta ay timaha isu sudheen.

Tu kale wuxuu Gudoomiyaha Komishinku qoraalkiisa ku xusay in codadkii Degmada Faro-weyne oo laba jeer la qoray ama la geliyey Kombiyuutarka natiijada lagu ururinaayey in la hufay oo xogihii labada jeer la geliyey laga saaray oo dib loogu noqday.

Dhinaca kale wuxuu Gudoomiyaha Komishinku si waadaxi u iftiimiyey in Axsaabta siyaasadu isku afgaranwaayeen ama isla meel dhigi kari waayeen dibutirintii iyo hubintii codadka Degmada Hargeysa oo la sheegay in khaladaad farsamo iyo mid badheedha ahiba ku jiro,codad lays dabamariyey iyo Musharaxiin la badhi taarayba la sheegsheegaayo.

Sidoo kale Gudoomiyaha Komishanku wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in wixii cabasho iyo murano jira ama Axsaabtu qabaan Maxkamada Gobolka Hargeysa ka garnaqi doonto oo ay halkaas ku xawileen.

Isku soo wada duuboo waxaa cadaatey in Komishinka Doorashooyinka Somaliland habsami u socodka hawlahooda khalkhal galay oo ay tahli kari waayeen inay saxaan khaladaadka farsamo ee k u jira codadka Degmada Hargeysa, waxayna qadiyadaa isaga riixeen xagaas iyo Maxakamada Hargeysa oo dulmi iyo garsoor-xumo ku caan baxday amaba ku Caano maashey,iyana waa la eegi siday u furdaamiso cabashooyinka iyo khilaafyada dhexyaala Axsaabta ee Komishinka Doorashooyinku ku soo dhextuureen

QRN


This post has been viewed 696 times.

camud

1 Comment for “Komishanka Fashilmay Oo Ka Noqday Dib utirintii Codadka Hargeysa”

  1. kkkkkkkkkkkkkkkk walaahi ninka soo qoray waxaad moodaa inuu nimanka maxkamada saani u yaqaan iyo siduu runta u asiibay waxashnimo iyo idho adayg aan lala gaban oo weliba iskula hagaagsan yihiin bay ku caan baxeen curdina maahee way ku caana maaleenoo iyaba way isku og yihiin war malaa iyagaaba dalbaday in loos soo riixo xagood ee waa meheradoodiyo inay ku madadaashaan bay rabaan

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH