Harowo.com

Komishanka Iyo Xukuumadda Oo Isku afgartay In Wanka UCID Oo Naaxay La Gawraco Kaalinta Sadexaadna Mag-dhow Loo siiyo Xasan Ciise Iyo Beeshiisa


Illaa hadda inta aan ognahay tartankii loo qabtay ururada siyaasada Somaliland waxa kaalinta 1aad 2aad iyo 3aad ku kala jira Kulmiye, Wadani Iyo UCID
Kadib markii komishanka D.SL soo saaray natiijada codadka Hargeysa ee laga warhelay In Xisbiga UCID ku jiro kaalinta sadexaad Xaqsoorna ka hadhay tartanka siyaasadda, waxa markaliya xaafad Hargeysa ka mid ah laga istaadhay rabshado dhiig ku daatay oo uu hogaaminayo gudoomiya ururka Xaqsoor Xasan Ciise.
Natiijada codkii gobolka Hargeysa/Maroodijeex kasoo baxday waxay ahayd sidan:
Gobolka Maroodi-jeex:
1. KULMIYE – 19 kursi
2. UCID – 15 kursi
3. XAQSOOR – 14 kursi
4. WADDANI – 12 kursi
5. DALSAN – 6 kursi
6. UMMADDA – 4 kursi
7. RAYS – 4 kursi.
 Halkan waxa idiinka muuqata in Ucid ay gobolka Hargeysa kaga jirto kaalinta Labaad halka Xaqsoor ka galay kaalinta sadexaad. Xildhibaanda usoo kala baxayna 15 iyo 14 kala yihiin.
Hadaba Markii natiijadani soo baxday Waxay taageerayaasha ururka Xaqsoor iyo masuuliyiintooduba bilaabeen rabshado gacan ka hadal ah. Rabshadahaas oo gudoomiyaha ururku ku sheegay kuwii “Taxriiru miidaan ee dalka Masar oo kale”  Waxa dadkii gadoodsanaa caabiyay Booliska Hargeysa iyo Ciidanka SL, kulamo iyo wada hadal dheer oo waxgaradka beesha gudoomiya Xaqsoor iyo Xukuumadu wada yeesheen waxa la isla qaatay in dib loo tiriyo codadkii Hargeysa si Xisbiga UCID ee Faysal Cali Waraabe ka yahay gudoomiya looga saaro kaalinta labaad ee uu kaga jiro gobolka Hargeysa, taasoo macnaheedu natiijadeedu noqonayso in Xisbiga UCID ka hadho tartanka axsaabta siyaasada SL.
Waakan Gudoomiya Komishanka Doorashooyinka Somaliland Ciise Xamari oo shaaca ka qaaday in dib loogu noqonayo natiijadii Hargeysa kasoo baxday kadib markii beesha Xasan Ciise ay ku dacwiyeen in la xaqirayo.
“Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Ciise Xamari ayaa goor dhaweyd Saxaafadda u sheegay inay Hakiyeen natiijadii Ku meel gaadhka ahayd ee Degmadda Hargeysa isla markaana ay dib ugu noqonayaan Tirinta Codadkii Musharixiintu kala heleen.
Eng Ciise Xamari waxa uu sheegay sababta keentay arrintaasi inay tahay tabashada ay Musharixiintii tartamaysay ka keeneen Codadkoodii iyo sidii loo Bogsiin lahaa Rabshadaha Dhiigu ku daatay ee ay keentay arrintaasi.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ciise Xamari waxa uu ilaahay uga baryay dadkii ku dhintay inuu Naxariistiisa jano geeyo, kuwa ku dhaawacmayna uu Caafimaad ugu bedelo, isagoo guud ahaan shacabka Reer Somaliland iyo Qoysaskii ay ka baxeen uga Tacsiyadeeyay khasaaraha ka dhashay Natiijadaasi.
“waanu ku kalsoonahay Natiijadii laakiin si loo hubiyo loona qanciyo Musharixiinta waxaanu go’aansanay inaanu dib ugu noqono, sidaasna waxaanu isla qaadanay Xisbiyada iyo Ururada oo dhan” ayuu yidhi Ciise Xamari oo la hadlay warbaahintu.
Tani waxay markhaati ka tahay musuq maasuqa, wax isdaba marinta iyo sida komishanka iyo xukuumada siilaanyo ugu fashilmeen doorashada dawladaha hoose oo ah tii u horeysay ee ay qabteen

This post has been viewed 258 times.


camud

2 Comments for “Komishanka Iyo Xukuumadda Oo Isku afgartay In Wanka UCID Oo Naaxay La Gawraco Kaalinta Sadexaadna Mag-dhow Loo siiyo Xasan Ciise Iyo Beeshiisa”

  1. Geelle bahal

    Horaa loo yidhi Naf iyo Arab ba meel xunbay ku dhigaan.
    Ciisoow ma Arab oo mijaha Isaaqa ah baa idiin libaaxeeyay.

    Waagii dagaalada sokeeye ee iidoorku beenta idiin sheegay konton nin oo ciise ah ayaa shan nin oo iidoor ah lagu dari jiray, marka ciisuhu yiraahdo waar waa sidee waamaxay shanta nin? waxay odhan jireen shantaasi waa Tikniko.Waad rumaysan jirteen kkkkkkkkkk

    Abtiyaal oodi ab ka dhaw waxba iidoor oon idiin dhexayno ha ku boodina anagana colaad hanna gashanina ee is dejiya, Arab na isagaaba wali is-xorayn ku jira oo meel idin gaadhsiin maayee aayar kimistiina nabad ku cuna.

  2. marka hore wax xaqiraad la yidhaa ma jiraa malaa af somaligaa kugu yare waxaad odhana lahayd ku doodeen in la bililiqaystay beesha codkeediii ilaahayna la kala bayi og hadalkana la kala odhan oge intaa ka dib sxb cadaalad dari cunsiriyasan oo bilaa xishooda oo indha adeegaa dhacaday lkn maba lulatee maxay leeftaa haduun bay ciin daaqee dawahaa anu saaraynaa arab waa labka isaaq miyaa nala galaa sow ma nihin geed labka isaaq sxb walaahi shinbiraan u diraynaa ama habro ha sheegtaan ama ciid ha sheegtaan hargeysa weyn arab baa iska leh

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH