Harowo.com

Kawsar Ibraahim Rijaal Waa Hooyada Dabo Dhilifka Awdal, Kuwa Xaflad Ku Sheega Xilwarajinta Agtaagn-na Waa Dhasheedii!


Dad Badan ayaa markay erayga Dabo Dhilif maqlaan u qaata dad si kale ah oo ka duwan dadka aad taqaanid ama meel kale yimid, hase yeeshee xaqiiqadu sidaa way ka fogtahay. Dabo Dhilifku maaha qof caarcaar leh ama si kale u eg oo ka duwan qaraabadaada, asxaabtaada ama waalidiintii ku dhashay!

Dabo Dhilifku waa: Aabahaa, Hooyadaa, Ooridaada, Adeerkaa, Walaalkaa, Walaashaa, Saaxiibkaa ama qof kale oo aad ehel tihiin oo biidh qaate noqday, isla markaana u adeega dano shisheeye oo lidi ku ah danaha bulshada uu ku dhexe nool yahay.

Dabo Dilifku waa mid ka mid ah intaa aan kor ku xusnay oo ka weecday caadada iyo dhaqanka suuban ee bulshada uu ku dhex nool yahay.

Intaa badan Dabo Dhilifku Waa qof ama shakhsi soori kaa qaaday, oo iimaan la’ . Sida laga dhadhasan karo erayga Dabo Dhilif, waa qanjidh siyaado ku ah qofnimada hagaagsan, halka geele ay dabadu kaga taal, ayuu Dabo Dhilifku kaga yaal shacabka uu la nool yahay.

Dabo Dhilifnimadu waa cudur aan dawo lahayn, waayo shakhsiga u jajaban inuu Dabo Dhilif noqdo waa qof marka horeba qoon ama iinle, waa mid iimaanka Alla ka qaaday, waa qof maroor ah oo aan la toosin karin, Waa qof tagan oo wax aanad arkaynin u muuqdaan. Sidaa darteed Dabo Dhilifku waa quus oo rajo male!

Mararka qaarkood maaha lacag kaliya waxa qof ku kalifa inuu qof ama kooxi Dabo Dhilif noqdaan. Duruufaha ku kelifa inuu shakhsi aad u hanweynayd noqdo Dabo Dhilif way badan yihiin, waxanse ka soo qaadan karnaa dhawr qodob oo tusaale fiican u noqon kara sabobaha keena Dabo Dhilifnimada:

Waxa dhici karta inuu qofkaasi yahay qof ay cuqdadi googaysay oo doonaya inuu ka aarsado shakhsiyaad ama beelo uu godob ama yaraysi ka tirsanyo.

Waxa dhici karta inuu Dabo Dhilifku yahay qof naftiisa, bahdiisa ama qoyskiisa cuqdada la yidhaa “Inferiority Complex” ka qabo, sidaa darteedna uu doonayo inuu la bahoobo ama wax la qabsado dad ama kooxo uu isleeyahay way dabooli karaan goldaloolooyinka uu rabo inuu dadka ka qariyo.

Waxa dhici karta inuu Dabo Dhilifku Yahay shakhsi maan gaab ah oo aan la lahayn garaad ku filan, sidaa darteedna ay ka faa’iidaysanayaan shakhsiyaad ka aqoon badan oo uu isleeyahay waxay ka caawin karaan sumcada uu bulshada ku dhex leeyahay.

Sidoo kale ayuu Dabo Dhilifku noqon karaa shakhsi liita oo “Dameeri Dhaan Raaday ah”, kaas oo hadi iyo jeer u dulaama hadba dhinaca uu isleeyahay waa loo badan yahay.

lama soo koobi karo waxyaabaha keena Dabo Dhilinimada, waxase muhiim ah in maanta reer Awdal ay qadarin gaar siiyaan ruuxa lagu arko calaamada Dabo Dhilifnimada, halka hoos dhigo ama aan la tix gelin qofkii dadnimo la arko.

Maanta qofkii reer Awdal ah ee dadnimo lagu arkoo waa laga wada baqaa, waxana loo arkaa oo lugu tilmaamaa qof adadag, oo aan la jaan qaadi karin wakhtiga la joogo.

Hadaba, hadii aan dib ugu soo noqono cinwaanka qoraalkan, Kawsar Ibraahim Rijaal Waa Dabo Dhilifka nooca ugu xun. Bal u fiirso xataa waxa dhaama labada Dobo Dhilif ee ku weheliya xaflad ku sheegan beenta ah ee xil aan jirin lagu kala wereejinayo.

Kaga Darane Kawsar waxay ka soo jeedaa qoys magac iyo maamuusba kule bahweunta Gedabuursi, mana jirto sabob ay u wasakhayso magacaa soo jireenka ah, saldanada Jibriil Yoonis iyo qofnimadeeda gaarka ah intaba.

Ilaahow na dil, oo hana doorin.

Caddi Aadan Ismaaciil, Boorama


This post has been viewed 596 times.

camud

54 Comments for “Kawsar Ibraahim Rijaal Waa Hooyada Dabo Dhilifka Awdal, Kuwa Xaflad Ku Sheega Xilwarajinta Agtaagn-na Waa Dhasheedii!”

  1. Nafiisa

    Kowsar waa naag isku kalsoon, oo garacyo uu adeerkeed ka dhalayna ku caayi maysaan, dad ay timirtoodii iyo huudhayd ay ka dhacdayna ku caayi maysaan, cay male kowsar waa ceebla kowsar.

  2. Boon

    Waxan sheegaya tolsheeg ninkan la dhaho,adiguba dadka Kama laaladid oo wadaga caytamaya, nin wax waaninayana wad iska dhigaysa, midkese walantahay, ha ku caaye dadka ha cayin ma soconayso, anigu ma ihi dadka aad sheegayso lakiin hadalkaaga Ayaan u fiirsaday kalmad badan oo cay ah Ayaa ku jira markaa meeshan, kolay, samaroon kaliya ma soo galaan aniga Ayaa ka mida ah nin reer cabdula ah oo ogaadeen ah Ayaan ahay, nin kana meesha iska leh, waa nin suxufi ah, qofkasti raygiisa ayuu soo siidayanaya, nin iyo garaadki wuxuu qoraayo, hooyo in lacaayina ma fiicno , waa Shay xaaran ah , markasti wax fiican in la qoro Ayaa fiican waad salaamantihiin

  3. Hadalka intii Badan waa Dambi…. Rabi Ha ina Tuso Jidka Toosan…… Dhamaaan dadkii hadalada Qaldan ka soo baxeena Rabi ha u soo Noqdaaan.. waayo qof walba kaligii ayaa la xisaabin Doona… Cidi intaas wax ku fahmi waydana ee Rabi u noqo ku filnaan waydo.. ee istusnimo iyo kibir aw ilowsiyio inuu Rabigii u soo Noqdo.. Adiga ayey ku Gubi Maalin aad qaawan tahay …. Hadalku waa Xidhan yahay cidi Munaafaq nimo qalbigiisa ka buuxdo ha sii wado. Cayda iyo Afxumada Rabi ka fogaysay

  4. WAAN INISALAAMAY DHAMAANTIIN KAWSAREEY ADBAWAAD ISQARINWAYDEE WAXBA YOONIS KUQARIN MAAYEE WAA WAXAAD KAHESHAA NAAGAHA ISAAQ INTAY KUUGU YEEDHAAN HARGAYSA OOAY KUYIDHAAH DAAN WAANU KULA HADLAYNAA SIDIIKII MAXKAMADA EEAYTOOG TEEN ADIGA HAKU SUMEEYAAN WAA WAXAAD KAHESHO DAAHIRBA WAANAC NAY WAABANAAG MASKAX GAABAN NABADEEYYYYYYYYYYYYYYYY;

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH