Harowo.com

Janankii Asluubta Soomaaliya Indho-buur oo kasoo jeeda Boorama oo Maxkamada Milatariga Somaliya Ku xukuntay Xabsi daa’in

 Muqdisho (Harowo)-Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee  Somaliya ayaa Taliyihii ciidamadda Asluubta ee Somaliya Maxamad Ismaaciil (Indho-buur) ku ridday xukun  xabsi daa’in ah.

Taliyaha ciidamadda Asluubta Somaliya Maxamad Ismaaciil (Indho-buur) ayaa Maxkamadu sheegtay in lagu helay inuu Xabsiga ka siidaayey 14 Maxbuus oo Al-shabaab ahaa.

Sidoo kale, waxa Maxkamaddu ciidamadu shan sanadood xadhig ah ku riday agaasimihii garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida Xasan Axmed Cali (Xasan Liibiya) kaasi oo lagu helay inuu Taliyaha asluubta gacan ku siiyay siidaynta maxaabiista.

Taliyaha Maxkamadda ciidamadda Somaliya Liibaan Cabdi Yaroow oo ku dhawaaqaya xukunka Masuuliyiintan ayaa yidhi “Maxkamadda ciidamada qalabka sida waxay ku xukuntay, Cabdi Maxamed Ismaaciil xabsi daa’in, kaddib markii ay ku cadaadeen eedeymo loosoo jeediyay oo ahaa inuu sii daayay 14-xubnood oo Al-shabaab ka tirsanaa, sidoo kale maxkamaddu waxay ku xukuntay Xasan Liibiya shan sano oo xabsi ciidan ah.

 

 

 


This post has been viewed 449 times.

camud

6 Comments for “Janankii Asluubta Soomaaliya Indho-buur oo kasoo jeeda Boorama oo Maxkamada Milatariga Somaliya Ku xukuntay Xabsi daa’in”

  1. Dheere Khatumo state

    aad baad u jilicsana tihiin dadka calaacalaya
    qofka gala denbi qaran aduunka oodhan baa sharci kayaal waxaa lasara maxkamad xilkana waa laga qaada
    Anigu waxan qabaa in loo naxariistay waxay ahayd in la deldelo waayo alshabab waa cadowga ummada maaha isago sarkaal ah yaqaan sharciga inuu cadowga lacag ka qaato kadina ooda lka qaado !
    That is real Conspiracy waa dhagar qaran denbigaas.
    Hargeysa waa meesha ugu cadaalada xun soomaaliya
    waayo waa jamhad cuqdadaysan oo beenalayal ah
    snm waa kuwii sameyey xasuqii Borame iyo Dila 1991.
    waa kuwii dadka socotada ku xasuuqay Ceelberdale
    welina wada gumaadkaiyo xadhig sharci daro
    dadka kaso jeeda Awdal iyo gobolada bariga Khatumo.
    Xamar waa dawlad qaran somaliyed cid kasta kujirta.

  2. maaha dawlad cadaadalada waa dawlad hawiye waayo waxay xidhay waa askari kasoo jeeda beesha samaroon oo ah beesha ugu cadka yar soomaliya taas waxa keenay jilicsanida beesha samaroon ee mar walba ku nool hamiga beenta ah ee hawiye moodayana dawlada hawiye iyo beelaha koonfurta degaa samaysteen maah maah yaa tidhaa hashii awrkeeda diidaa way abaaha seegtaa waa mid u noqonkarta beelaha samaroon cashar ayka qaataan dawlada beelaha konfurtu samaysteen

  3. A.S.C Horta Waan Idin Salamayaa Dhamaan Shaqaalaha Harawo News.Anigu Muddo Garaysa 18 Sano Ka Soo Shaqeeyay Ciidamadii Dawladdii Hore Ee Somaliya, Waxaa La Yiri Diin baa Bilaa Qolof Ahaan Jiray,Adeer Waligeenba Bilaa Qolof Baan Ahayne Aan Iska Dhex Joogno Tii Dhalataba, Waayo Waxaa La Yiri Dad Iyagiiba Sadex Qaybood U Kala Fadhiya Hadalkoodu Ma Miisan buu Yeelan Karaa Imikaaban Bilaa Misaan Ku Nahay Somaliland Eh.Waxaa La Yiri Ninkii Seexda Sicii Dibi Dhal

  4. waxa la yiri meel laga jecelyahay hadaad ka cararto meel llagaa necebyahay ayaad tagtaa bal maanta xamar maxuu ka yahay indha buur xita hadii la diloo ay bakhtiyay kama duwana

  5. daryeel

    dawladu ma waxay isku tijaabinaysaa beelaha darifyada.
    u malayn maayo inay cadaalad tahay . waxay u egtahay qof dembi galay oo qofkale lagu bedelayo loona qisaasaayo

  6. wa nasib daro inay mantan wixi la modayey ee inay cadaladi jirto la modayay inlkastoy cadaladi ka dhertay ah afrikan iyo siba somali ay mantana nasib daro noqoto ina ay hawiyen ku biran ian masu liyinti rer adal ugu jiray dawlad ku shega qabilka ah en qaran ka iyo cadlad ku dhisnayan ay mantan xidhan dadke rerka somaliyed ugu tarikhda fohga ku ridan aroinkasi isaga ah waxan marlabad iyo mar sadexad ugu baqayna inu madaxa waynaha somali ku shega mstr xasan qoslay u sida ugu dhaqsiyaha badna so dayo masulkasi rer awwdale la xidhay ascw

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH