Harowo.com

Jaliyada Nederland (Holand) oo Canbareysay Mamulka Somaliland iyo Faragalinta Djibouti ay ku sameeyeen Golaha Deegaanka Saylac

Jaliyada reer Awdal,Salal Iyo Gabiley ee ku nool Nederland (Holand )  waxay canbareyneysaa madaxweyne  Siilaanyo iyo faragalinta dowlada Djibouti  ku fara galisey natiijadii dorashada golaha deegaanka ee Saylac .

Dalka waxaa ka dhacdey doorashooyin lagu dooranayey Golaha dagaanka ee Degmo kasta oo Somaliland ka mida isla markana ay ku soobaxayeen seddexda xisbul qaran ee Somaliland  ka jiri doona una tartamidoona Barlamaanka iyo Jaqada madaxweyne nimo ee Dalka .

Dorashadan oo mihiimadeeda  leh ahna mid dadka reer Somaliland ay ka war sugayeen , waxaa ka soo baxdey natiijo ay ku soo baxeen 3 dex xisbul qaran iyo tiro musharixiintii golaha deegaanka ee magaalo kasta oo Somaliland doorasho ka dhacdey .

Degmooyinka dalka oo dhan ee ay doorasho ka dhacdey waxaa laga qabtey kalfadhigoodii kowaad  ee ay ku doorteen gudoomiye iyo ku xikeen iyo kulankii ay kula wareegayeenba mamalka cusub marka la ga reebo Saylac oo arimo foolxun ka sameysey dawlada uu hogaamiyo Siilaanyo.

Wasarada arimaha gudaha ayaa aqoonsatey tajiijadiidoorashda golaha degaanka, dhamaantoodna ansixiyay , si dimuquraadiyada ah layaabkuna waxaa uu noqdey sobobta Saylac Qabiil loo gu xalinayo.

Markii ay arkeen arinta foosha xun ee ay shaqsiyaad dawlada ku jiraa ay wadaan iyo faragalinta Djibouti , arkeena qodobadan .

  • Dimuquradiyadii iyo nabadii Borama lagudhisey hadii lagu fara xumeeyay Hargeysa , oo loobadey qabiil iyo isnaceyb buuxa , iskaashi qabyaaladeed oo geed lagu soo gabaney (qawan) laguna weerarayo beesha Gadabuursi.
  • Hadii xumaati ku jirta shaqsiyaadka dowlada ku jira ee gadabuursi neceb u xuub siibtey kana doorbidey jiritaanka Somaliland qabyalad.
  • Hadii siilaanyo Jiritaanka Somaliland kaga Qiimo Badan tahay Raali galinta Ciise Djibouti .

Jaliyadu markey aragtey arimahan waxay soo jeedisey Masiibooy Mahad Sanid  waxaa cadaatey cadawtinimada jirta , waxaa cadaatey qabyalada jirta waxaa cadatey madax adeyga siilaanyo waxaacadaatey damaca Ciise waxaa cadaatey qabyaladeysiga qabiilooyin Ciise iyo Siilaanyo.

Jaliyadu waxay soo jeedinaysaa hadii arinta Saylac laga yeeli waayo sida degmooyinka kale  ay kalfadhi mudanayaasha la dooretey u qabsadeen dhexdoodana ay ka doorteen Gudoomiye. In ay qadi doonaan talaabo lamida ta xumaanta ee la qado .

  1. Maxamed Ali Omer
  2. Muse Aden Dualeh
  3. Mahamed Muse Kidar
  4. Nur Aw dahir Kahiye
  5. Abdi Suge
  6. Ahmed Muse Xudhuun
  7. HasanAbdilahi
  8. Osman Mahamud
  9. Haybe Ciise
  10. Jawhar Cisman salah
  11. Khader Yusuf Ibrahim
  12. Mahamed Abdilahi
  13. Ahmed dugsiiye Warsame
  14. Abdiqani Xusen Abdi
  15. Abdirahman Dahir
  16. Abdirisaq Cise Ahmed
  17. Ibrahim Sh Xasan Ugaas
  18. Mahaed Abdilahi Diriye
  19. Omer Siyad Ali
  20. Ahmed WarsameDixood
  21. Saleebaan Hasan Ali

This post has been viewed 445 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH