ILAAHAY BAAN IDINKU DHAARSHEE AWDAL HA LOO GURMADO
Xaaladu maalinba maalinta ka dambeyaa ayey ka sii dareysaa qurbajooga gadabuursina way daawanayaan dhibaatada ka taagan dhulkoodii.somaaliya dagaaladii ka dhacay waxay salka ku hayeen dhul boob iyo is xoreyn is barbar ordaayey laakiin 22 sano ka dib nin kasta halkii uu dagaalamay gacanta ayuu ku haystaa marka laga reebo gadabuursi iyo awdal.
1991 wuxuu isaaq sameystay dawlad goboleed isagoo sameystay wasiiro iyo baarlamaan isla markaana waxaa ay yidhaaheen gobol kasta ha is xukumo xaaladaana 22 sano ayaa lagu soo jiray.
Isaaqa waxaa soo raaca waqooyiga somaliya waa harti iyp gadabuursi qudha iyadoo sidaas ay tahay ayaa isaaq wuxuu qaatay wasiiradii boqolkiiba 80% inta hadhayna dadka kale ka dib isaaq wuxuu sameystay baarlamaan waxayna qaateen boqolkiiba 82%. Arinta sidaas ah ayaa gadabuursi wuxuu ku tashaday inay nabada ka qaataan gobolkoodana ay maamushaan maalinta somaliweyn soo noqotana laga mid noqdo. Arintaa markay ogaadeen ayaa waxay walaalaheen isaaq bilaabeen siyaasad cusub oo ah inay ogaadaan caloosheena iyo wax kasta oo aan haysano ama aynu nahay dhaqaalaha milatariga siyaasada fikirka dadka degaamada iyo wax kasta oo khuseeya gadabuursi.
Maanta waxay keeneen inay yidhaahaan badhasaabyadaayaa la isku bebedelayaa iyagoo keenay markii ugu horeysay nin jufada xirsi tooriile ah iyagoo kuxumeynaya saylici waxaa la keenay taliyaha qaybta boliska oo isaaqa waxa kale oo ka sii horeeyey taliyaha cashuuraha oo la sheegay lacag wixii maalintii soo gasha habeenkii ayuu gaadhi ku qaadaa oo uu hargeysa geeyaa.
Isaga waxaa ka sii horeeyey maamulaha bangiga awdal oo isaaqa waxaa kale oo dhawaan la geeyey saylac taliyaha cashuuraha nin isaaqa waxaa kale oo sadex jago oo muhiim ahay ka haystaan lughaya.
Isku soo wada duub awdaltolkayoow walaahi waa la qabsaday haddii maanta talaabo gadabuursi qaadi waayo waa quus. Ogaadana dadka dalka dhex joogaa way talaalan yihiin ee ha loo gurmado
Cilmi montikarlo
London
Elmiking@hotmail.co.uk
This post has been viewed 46 times.













Waar kaligii ma ahayne rag badan baa jiraye hadii ilaahay soo wada hanuuniyay oo wakhtigu cashar u dhigay iska daaya
Cilmoow waxad ka mid ahayd dadkii Samaroonka kala kexeeyay ee mysomaliland.com intaad u furatay maalinba nin haldoor ah iyo suldaan iyo odayaal aan waxba kuu dhimin ku ceebayn jirey Imikana naftiibaa ku qabatay oo London baad joogtaa, markaasaad hadana leedahay gurmada.Wixii dhacay waayo aragnimo ha noqoto, tolkaana cafis waydiiso ilaahayna dambi dhaaf,
Gurmadkana waa la gali laakiin dee Yaad gurmada leedahay, waxad tidhaa aan gurmano adiguna soo dhaqaaq oo dhulkii dadka uga horee, haddii kale fadhi ku dirirnimada jooji