Harowo.com

Hubka La Sheegay In Boorama Laga Helay Halbaan Ka Leehay

04-febraayo- 1991kii waxaa magaalada Borama soo galey Jabhadii mujrimiinta ee SNM oo garabsanaya ciidamadii dhiigyacabka ahaa ee Mingiste, ujeeddada ay ciidamada Ethiapia iyo kuwa SNM isku soo baaheysteen waxaa loo tiriyaa kadib markii ay SNM muddo dheer ka shaqeyneysay sidii ay Mingiste Xayle Maryam uga dhaadhicin lahayd qorshe wadareed lagu qabsan karo gobolka Awdal.
Qorshahaasi wuxuu ahaa mid qarsoon oo dabinada u daadsan amma u xidhan ay yihiin kuwo lagu xasuuqayo dadka reer Awdal wuxuuna salka ku hayey cadaawad durugsan iyo arxan darro axmaqeed oo sababtey halaagii ka dhacey degmada Borama oo sumada duulaankiisu aheyd in dawlada Ethiopia loo sheego arrimo ay ku jeclaysan karto in si wadda jir ah loo galo amma qabsado gobolka Awdal.
Nidaamkaas dadnimada ka baxsan ee ay mujrimiintii SNM qorshihiisa dajiyeen wuxuu fuley kadib markii uu Mingiste ku qancey basaasnimadii SNM u gudbiyeen oo dhigaalka beentiisu ahaa in gudaha Borama ay fadhiyaan ciidamo ka soo jeeda qoomiyada Oromo oo khatar ku ah jiritaanka iyo nabadgalyada dalka Ethiopia.
Ciidamadii Ethiopia iyo mujrimiintii SNM oo wadda jira markey Borama soo galeen waxaa dhacey halaag weyn oo sababey in dhagta dhiiga loo darro dadkii birimageydada ahaa oo dhan ee ku noolaa magaalada Borama, ujeeddada ay SNM rabtey ee ay ciidamada Ethiopia u soo kaxeysteen wuxuu ahaa mid kaliya oo xisaabtiisu ku faruuryo xidhneyd in la xasuuqo dhammaanba dadka reer Awdal taasi oo dhab ahaantiina sidii ay SNM rabtey u dhacey, hase yeeshee hammuumtii ay mujrimiintii SNM u qabeen in la xasuuqo dadka reer Awdal halkaas kuma ay joogsan waayo waxaa dhacdey in isla sannadkii 1993kii la badalo sawirkii hore ee la tusey Ethiopia waxaana SNM jeebka cadaawada ay kala soo baxdey sawir kale oo cusub kaasi oo muuqaalkiisu odhanayo magaalada Borama waxaa fadhiya Culumo iyo Ciidamo Itixaad ah oo khatar ku ah jiritaanka iyo nabadgalyada dalka Ethiopia.
Qorashahan cusub wuxuu ku soo beegmey wakhtigii uu socdey shirweynihii Beelaha Somaliland ku yeesheen magaalada Borama, Maah maah Soomaaliyeed baa tidhaahda “Beentaada hore runtaada dambe ayey dishaa” Sidaas darteed dawladii dambe ee uu sidda dadban u hoggaaminayey Meles Zenawi oo markaas maamulka iyo xukunka talada dalka Ethiopia ku cusbeyd Isla markaana xog agaal u aheyd hagar daamooyinkii beenta ku dhisnaa ee ay maleegi jireen mujrimiintii SNM ayaa keentey in arrintan go’aan qaadashadeeda aaney ku deg degin isla markaana gobolka Awdal u addeegsan awood milateri balse si ay u soo xaqiiqsadaan cadawga Ethiopia ee lagu sheegey in ay joogaan gudaha gobolka awdal waxey Ethiopia ka door bidey duulaan lagu qaado gobolkaas in marka hore ay dirto wafti ballaadhan oo xaqiiqo raadis ah kuwaasi oo soo indho indheynaya ubucda Borama iyo utunta nawaaxigeeda lagu sheegay si loo soo hubiyo in ay joogaan Ciidamadaas Ixtixaadka ah iyo in kale.
Imaanshihii waftigaasi wuxuu ku soo beegmey toddobaadkii la soo gabo gabeeyey shirweynihii Borama ee lagu doortey Mohamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Abdirahman Aw Ali Farah, waxaana waftigaas magaalada Borama si diiran ugu soo dhaweeyey madaxaweyne kuxigeenkii cusbaa ee Somaliland Mudane Abdirahman Aw Ali Farah.
Maalmahaa ay waftiga xaqiiqo raadiska ah ee Ethiopia ka socdey yimmaadeen magaalada Borama waxaa ku sugnaa Mohamed Xaaji Ibraahim Cigaal AUN oo markaas loo doortey madaxweynaha Somaliland, waxaana la dajiyey guriga weyn ee Marwo Saciida Goojoo oo immika ah madasha la magac baxdey Maana Goust House, waxgaradkii iyo indheer garatadii reer Awdal waxey maalmahaas shirka la soo gabo gabeeyey ku mashquulsanaayeen ururinta Ciidamo kooban oo suga ammaanka Ina Xaaji Ibraahim Cigaal kuwaasi oo loogu tallo galey in ay u sii galbiyaan illaa magaalada Hargeysa halkaas oo ay joogeen mujrimiintii SNM ee wakhtigaas talada dalka sidda fudud looga fara maroojey.
Waftigii Ethiopia ka yimmid waxey kulan ballaadhan la yeesheen odayaashii reer Awdal ee wakhtigaas oo ahaa waayeel maskax maal ah, waxaana kulankaas gadhwadeen ka ahaa Mudane Abdirahman Aw Ali Farah, markii ay waftigu soo bandhigeen ujeeddada socdaalkooda odayaashii reer Awdal wey soo dhaweeyeen waxaaney dhaayaha u soo saareen meel kaste oo ay ka shaki qabeen, goobaha waftiga u tilmaamsanaa ee ay rabeen in la tuso waxaa ka mid ahaa xarunta dugsigii sare ee Camuud oo immika ah halka ay ku taallo Jaamacada Camuud.
Goobaha kale ee waftiga la geeyey amma la soo mariyey waxaa ka mid ahaa deegaanka Daray Macaane oo aan masaafo ahaan waxba ka fogeyn deegaanka Camuud, waftiga waxaa la socdey oo meel kaste tusayey Abdirahman Aw Ali Farah oo ay wehelinayeen Culumo wakhtigaas caan ka ahaa magaalada Borama kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Caynaanshe oo immika ku nool magaalada Hargeysa iyo waliba Sheekh Maxamed Dugsiiye oo ay iigu war dambeysey dalka Yemen.
Waftigii ka socdey dawlada Ethiopia meel kaste oo la geeyaba waxey dhaayahooga ku soo arkeen in aaney waxba ka jirin beentii, borabogaandadii iyo basaasnimadii ay maleegayeen mujrimiintii SNM kaas oo qorshihiisu ahaa in mar labaad xasuuq ballaadhan loo geysto dadka reer Awdal ee aan waxba galabsan.
Waxaana Dadka reer Awdal ee aad moodo dabeecadooda iyo camalkooda in ay caabudaan nabada berigaas bad baadiyey murtida Soomaaliyeed ee tidhaahda “Sir ma qabbe Allaa u sahan ah”.
La soco qeybta labaad…………
Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor.
Email: rasiiqi07@hotmail.com

This post has been viewed 1318 times.

camud

Comments are closed

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH