Heesta Maanta: Wuxu dhiigu ii kacay…Waxan Dhaar ku marayaa dhulkaygoow inaan kuu dhintaayoon, kuu dhaawacmaayoon… Dhiig miiratada, dhuuniqaatayaasha Gumaysiga u dhega nugul….
Waxaan dhaar ku marayaa
Waxaan waxaan dhaar ku marayaa
Dhulkaygoow, Awdaleey, Dhulkaygoow
Inaan ku dhintayoon, kuu dhaawacmaayoon
Dhuuryada cadaawaha dhaqso kaaga kiciyaa
Nimaan adiga kuu dhalan,
Nimaan nimaan adiga kuu dhalan, dhoof kaaga yimidoo, Dhaxal kaaga rabiyo ka dhiciyo cadawga dhulkaygoow
Dhiig miiratada, dhuuniqaatayasha, guumaysiga u dhaga nugul
Inaan ka dhex qaado dhab uuga xoroowdaa dhulkaygoow
Wuxuu dhiigu ila kacay
Wuxuu wuxuu dhiigu ila kacay
Dhulkaygoow, Awdaleey, Dhulkaygoow
Dheefta dihin iyo dheemaal kaaga luulka ah
Intuu nacabku dhoofsaday dhuranaaya kaligii
Anaa hula dhib awgeed
Anaa anaa hula dhib awgeed, la dhamaanay gaajee
Dhacanyahay xaqeenii dhayal uma ladaayee dhulkaygoow
Dhiig miiratada, dhuuniqaatayasha, guumaysiga u dhaga nugul
Inaan ka dhex qaado dhab uuga xoroowdaa dhulkaygoow
This post has been viewed 62 times.












