Harowo.com

Hawlgal Qarsoodi ah oo ciidamo fadhigoodu yahay Hargaysa ka Fuliyeen Gudaha magaalada Borama iyo Dumar iyo Caruur ay qafaasheen

Boorama(Harowo)- Hawlgal ay sameeyeen ciidamada s/land eek a hawlgala  magaalada Hargaysa ayaa xalay abaaro 9 :00 fiidnimo waxa ay gacanta kusoo dhigeen 4dumar ah iyo wiil dhalin yar ah oo u qaadeen magaala Hargaysa oo fadhigoodu ahaa.
Hawlgalkan ayaa ah mid laga fuliyay guri ku yaalla galbeedka magaala Borama, ciidamadaas oo sida ay dad xog ogaal ahi noo sheegeen watay baabuur baroono ah iyo xaajiyado loo maleeyay inay yihiin ciidanka RRU iyo gawaadhi la sheegay inay leeyihiin sirdoonka qaranku.
Dhacdadan ayaa saaka markii aan ka daba tegnay ,si aan wax uga ogaano ayaa waxa aan booqanay guriga uu falkaasi habeenkii xalay ka dhacay ,kaasi oo aan ugu tagnay dhawr dumar ah oo qaarkood noo sheegeen inay ehelo iyo qaraabo yihiin.
Marwo Maryan Xaashi Ugaas oo kamid ah haweenka halkaas kula kulanay ayaa iyadu noo xaqiijisay inaanay garaneyn qabashada dadkan oo ay sheegtay illaa hadda sababta ay ku mutaysteen xadhiga iyo qafaalashada nuucan ah,waxa kale oo ay noo sheegtay inay dadkaas gabadh kamid ah ay waalo yihiin,waxaanay ka dhawaajisay magacyada dadkaas la xidhay oo kala ah.
1-Siraad Cumar xaashi
2-Layla xirsi
iyo gabadh iyadu sida ay sheegtay magaceed oo saddexan aanay hayn oo lagu magaacabo nimco,balse iyadu ahayd gabadh guriga ka shaqaynayasay iyo wiil dhalin yaro ah oo lagu magacaabo Ayaanle Xirsi Diiriye oo da’diisu tahay 21jir,oo isaga ay ku sheegtay inuu ahaa wiil xanuusanayay oo daawooyin qaadan jiray.
Mar hadaba marwo maryan xaashi Ugaas ay ka warbixisay dadkaas xagga ay ku dambeeyeen waxa ay hoosta ka xariiqday inay dad kale oo ay ehelo yihiin oo ku sugan Hargaysa ay usoo sheegeen mar ay khadka tilifoonka kulasoo xidhiidheen in ay ku xidhan yihiin xarunta sirdoonka ee Hargaysa, waxa kale oo ay sheegtay maryan xaashi in hab dhaqanka dadkaasi ay gebi ahaanba beri ka yihiin wax kastoo fal dambiyeed ah sida ay ku taqaano, ugu dambayntiina waxa ay sheegtay dadkaa in gurigoodii la baadhay oo la fatishay isla markaan waxkasta oo guriga oo mood iyo noolba ah oo guriga u yaalay aanay illaa hadda war u hayn wax ka maqan iyo wax kale,waxayna ka dalabtay xukuumadda S/land in dadkaas la sii daayo si shuruud la’aan ah haddii kale inta kale ee dhigooda ah loo keeno gaadiid ay ku tagaan muqdisho .
Sikastaba ha ahaatee waxa illaa hadda ay dadweynah Borama ku nooli ay is waydiinayaan sababta keentay in ciidamada ka hawlgala caasimadda Hargaysa ay hawlgalkan ka fuliyaan magaalada Borama gudaheeda iyadoo aanay door muhiim ah ku lahayn ciidamada kala duwan ee ka hawlgala magaalada Borama.
Isku soo duuboo dhawrjeer oo aan isku daynay inaan wax aka waydiino Taliyaha qaybta booliska ee Gobolka Awdal ayaan noo suurto galin, balse Taliyaha Saldhiga dhexe ee magaalada Borama Maxamuud Yuusuf cige oo ku magic dheer Raran ayaa isagu dhiniiciisa ka gaabsaday inuu wax faahfaahina naga siiyo arintaas xalay ka dhacday Borama.
Ali Arreh
Borama

This post has been viewed 354 times.


camud

2 Comments for “Hawlgal Qarsoodi ah oo ciidamo fadhigoodu yahay Hargaysa ka Fuliyeen Gudaha magaalada Borama iyo Dumar iyo Caruur ay qafaasheen”

  1. asc waxaan rabaa in aan wax ka idhaah do gabadhan la xidhay mayna lah boorama booliis ama kii wax baa dhaayay mise har gay saa qabta waa naagee ala maxaan uga dhalanayay walee dadka lahaybad soocaa dhaama walee ninragooka hadla la helimaayo ilayn hargaysay ka baqaane subxaan dulmigaba waxaa dhaan ta dhimashada hee waad hoyateeni aduunka wayka dhac san yihiin wax baan baranay ayay ku faanaan waa siiraw

  2. geeridu waxay dhaantaa dullinimada miyaad argteen dad la dilayo oo la dhacayo , la xidhayo oo haddana ogol waxkasta oo la gaadhsiiyo.wasiir ku sheega diinta khaliil wiilkiisii ayaa gurigooda hargeisa yimid iyo qaar kale oo badan cidina ciidan uma soo dirin si xor ah ayaa ay u joogaa hargeisa maxaa cadow ka dhigay dumar ay qabeen shabaab meelkasta ayaa ay joogaane.shalay gabadh ayaa hageisa toori lagula dhacay oo dhimatay cid ka hadashayna ma jiro maxaa innaga si ah?

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH