Harowo.com

Faallo: Waa Kuma, Halkuu Ku Nool Yahay, Diradiraha Aadmiga, ee Kala Dila Dadka Isneceb?

Odhaahdan ama halhayskani wuxuu ahaa: Diradiraha aadmiga, kala dila dadka isjecel………! Marnaba lama odhan “Kala Dila Dadka Isneceb”, lamana arag, loomana soo joogin qof isku diraya dad isneceb. Way dhici kartaa in laga dhex faa’iidaysto dad isneceb oo col ah, laakiinse qofkii damac ka galo inuu isku diro dad aan is rabin oo aan naf isku hayn, waa qof wakhtigiisa iska khasaarinaya, taasina maaha mid ka suurtowda Bahda Harowo.com

Dad Badan oo ka cabanaya waxyaabaha lagu qoro qaybta Comments-ka ee Shabakada Harowo.com, ayaa ku andicoonaya inay qoraaladani keeni karaan isku dir, nac iyo kala fogaansho la soo darsa akhristayaasha Samaroon ee shabakada, isla markaana ka digaya inay fidnadani ku sii faafi karto qaybaha kale ee bulshada meel kasta oo ay joogaanba.

Waa hadal wanaagsan, su’aal ayaa hadaba arrintaas la iska weydiin karaa, taasoo odhaynaysa waxan la sheegayaa ma wax dhici karaa oo loo baahan yahay in laga hortego, mise waa waxaan waxba ka jirin. Hadii ay wax ka jiraanna sida keliya ee lagaga hortegi karaa ma iyadoo oo la xidho qaybta Comments-ka lagu qorayo ¬†ee shabakada Harowo ayaa?

Hadaba, marka aan arrintan dhinac walba ka rogay, lana tashaday dad fara badan oo ku kala duwan fikirka ay su’aashan kor ku xusan ka qabaan, jawaabta su’aashaasi waa maya, marka la eego xaaladda siyaasadeed iyo wadciga ay maanta ku sugan yihiin bahweynta Samaroon meel kasta oo ay joogaanba.

Sabobta ugu weyn ee burinaysa fikirka dadyowgan cabanaya, ayaa waxay tahay Habar Samaroon iyadaa maanta Dar Alla U Colowday, collaada iyo dabka ka dhexe holcayaana maaha mid qof iyo labo masuul ka tahay, waana mid waaqici ah oo loo wada jeedo, dadka qofkii in uun wax fahmayaana wuu arkayaa, maha wax la dafiri karo ama indhaha laga lalin karo!

Untunta iyo xumaanta maanta dhex taal Gedabuursi way ka weyntahay wax inan yar oo shabakad wax ku qoraa balfin karo, mana aha mid cay iyo aflagaadooyin lagu feegaray Comments ay wax ka bedali karaan. Qofkii intaa fahmi kari waayaa waa qof aan caqli badan lahayn ama ujeedo kale leh.

Naca iyo qabyaalada kasoo butaacaysa maskaxda dhalinyarada Irbadaha sunta ah la dhacayay sanadaha, ayaa laga daalacanayaa qoraalada Comments ah ee laga cabanayo, waa wax ka soo maaxaya madaxa dadkan lagu soo barbaariyay calool xumada, qabyaalada iyo nacaybka walaalahood. Maaha mid uu tifatiraha shabakadani ku boorinayo inay qoraan, mana aha mid la cabudhin karo, hadii ay halkan ka soo bixiwaydona, ma waayayso meel kale ama siyaabo kale oo ay dibedda ugu soo baxdo.

Sida maanta Gedabuursi u kala qaybsan yahay ee uu warmaha iskugu haysto, isna wuu ogyahay, cadowgiisuna wuu ogyahay, wuuna arkayaa! Waxa la yidhi “Sakaaro Xaar Muuqan Doonaya, Ayay Aas-aastaa”. Dadyahow xaarkan aad dhex jiiftaani wuu soo baxay, lamana aasi karo, sidaas darteedna waxa wanaagsan inta xal waara loo helayo in aan la isku soo leexleexan, la iskuna dhaleecayn xumaan cidwalba u jeedo meesha ay ka socoto.

Aaway waxgaradkii, madax dhaqameedkii, cuqaashii iyo aqoonyahankii reerku, miyaanay ahayn kuwa dhibta wada, hadaanay iyagu dhibta wadin, maxaa loo arki laayahay iyaga oo isku duuban oo wada shaqaynaya, wada jirna uga hor tegaya wixii dhibaato ah ee soo kordha. Iyaa u kala dheeraynaya cadowga Samaroon? Iyaa sirta iyo waranwaryada kula cararya?

Aaway ilbaxnimadii iyo aqoontii beeshu sheeganaysay, ma waxad aduunka u sheegaysaan dad ilbaxnimo iyo aqoon sheeganaya ayuu inan yar oo shabakada wax ku qoraa isku diri karaa? Waa hore ayaa madasha saxaafada la iga raadcaysan lahaa hadii aan anigu waxaasoo dhib iyo xumaan ah ka masuul ahay. Waar inanka yari ilko waaweynaa?

Hadal iyo dhamaabtii waa inuu qof walbaa muraayad is hor taago oo uu isweydiiyaa intee in leeg ayaan qayb ka ahay xumaanta iyo foolxumada ku taal Habar Samaroon? Taas uunbaa lagaga gudbi karaa, laguna xalin karaa fedeexadda uu uu Gedabuursi maanta dhex dabaalanyo.

Runtuna waxa weeyi, reerahan hayaanka ah ee dhibta wada, ilaa ay gunta soo taabsadaan ama ay faa’iido ka gaadhaan xumaantan ay wadaan, waano, wacdi, tusaale iyo talo midna wax ma tarayso. Ninkii wax isla hayow waad taqaan meesha aad xal ka bilaabi karto, hadii aanad ogayna waa lagu tilmaamiye codsigaaga soo gudbi, wixii intaa ka badani waa hadal tire.

Wa bilaahi Towfiiq

Tifatiraha Shabakada


This post has been viewed 368 times.

camud

22 Comments for “Faallo: Waa Kuma, Halkuu Ku Nool Yahay, Diradiraha Aadmiga, ee Kala Dila Dadka Isneceb?”

  1. Hadheeye

    Waa maxay xumadaan dhanka caloosha ah ee dadka wada haysa waar ileen waxa boorame la gariirto waa cuqdad iyo qurun dadka ka buuxda odayaashii beeshaa balaayada ka dhex abuuraya dhalinyaradiibaa ka daba heesaysa aqoonyahankiibaa qabyaalad ku xadraynaya waar ilaahay ka baqa oo xishooda oo samaroon kala gurista ka daaya bilaa calayk

  2. ALA HALAG CABSADO HANA LA JOOJIYO ISIR CAYGA AYO AFLAGAADADA TOLKA DHEXDIISA

  3. MUNA

    SAQRA KU DHAARO INEY MUNE IYO KUWAAD SHEEGTAYBA ISKU MID YIHIIIN AFJANJEEDHO LAHAYDE.
    ANAGU WAA SAX SAN NAHAY MADBA BAAN LEENAHAY AWDALSTATE ADNA MAXAA LEEDAHAY QALDAN…

  4. SAHAL,MUNA ,RUNSHEEG.
    WAA HAL QOF ADIGU ISA SAX MARKA HORE OO CABSIDA AAD MAGACA U BA BADALAYSO JOOJI MIDA KALE
    WARAABA CADE IYO DARBI SAMAROONBA MAGACDOODA WAA LA KOPI GAREEYAA OO DAD AYAA KU QARAABTA WAXAAN SE ODHAN LAHAA HA LOO FIIRSADAO

  5. Anonymous

    Haday shebekadi cay dad kukala dilayso shebekadaha ugu cay badan ee dad soo kala dilay qaar imika yara nasanayaan qaarna joogto uwadaani waakuwan ee lasocda .saylicipress.mysomaliland.bakipress.hiildan. xeego.cadceed.xaga comments waxaa reero gaara lagu caayaa hiildan raga ku caytamana ee waliba jibriilyoonis ku waashayna way isqariyaan marka lagareebo warabecade,darbisamaroon iyo ina caateeye oo isagu wixii tolkii lagasheegana masaxa cayda makaahiilka na kuraaxaystaa. hadaba maxaa harowo.com uun initusay eed dadkaasoo dhan aad udhaleecayn waydeen
    hadaanse runta la isku sheegin wax mahagaagayaane gadabuursoow waad isnacdeen gardaraanad ku nacaysaan beelahan makaahiil markii hore waxaad kuhaysateen maxaad somaloland madax uganoqoteen hadana waxaad kuhaysataan maxaad awdalstate u wadaan. waardee ma hinaasu uunbaad kujiraysaan ama waxaan wadno nagu taageera ama mabda gaara layimaada waa wuxuu rerkani faraha kulajiro hadaanad jeclayn adoon caayin dariiqaa kamar masasabo uunbaa lagujiri waaba ladhintee.
    metelan hinaasihii wuxuu inilagalay inaad idinku isbaabi isaan sidaad ulahaydeen makahiilwaxka sheega ama baa bi iya dalkiinii baad dafirteen oo waxaadkadhigtaan inuu gadabuursiba ethopia kasooqaxay dadkiiniibaad dafirteen oo waxaad kadhigtaan dad anjirin soomaaloodhana waad kadhaadhicisaan mana haysataan waxad beri kufaantaaan.
    waxaase kafiican waxaasoodha inaad farahaba isasaartaan silookalabogsad ninkii roonina reerkan u hadho.

  6. Sahaloow Dr Barkhadle waa geesi ka dhashay Samaroon oo markasta isku taxalujiya sidii uu u hogatusaalayn lahaa bushada gobolka Awdal,Adna waxaad lasoo taagantahay cid buu caayay waar haduu wax caayay dee Samaroon way istaahilaan in la caayo reero badan oo ka mid ah Samaroon way gabeen kaalintii Samaroonimo Dr hala daayo waa geesi kasoo baxay odayaasha qayrkii dhamaan nin sida uu u hadlo u hali kaa kuma jiro dhamaan Samaroon nin sida uu wax u faaleeyo u faalayn kara kuma jiro Samaroon oday kata oo da’daasi Barkhale ah afkiisa ma furo way baqaan waa fulay dhamaan odayaasha beesha ka dhashay in yar oo Reer Nuur ah ayaa sida Dr-ka u yara hadasha oo aan cidna u habran firkirka ay aamainsanyihiin,Waar Dr Barkhadle ayadoo Dahir dhulka haysto oo Samaroon dhamaantii wada Niikinaayo ayuu lahaa waar Samaroonoow wax noqda ayadoo la xasuuqay haldoorkii Samaroon oo ay wada aamusanyihiin Jibriir Yoonis ayuu lahaa ka kacaay,

    Yaa gaadhaaya Dr Barkhadle waa geesi ninkii wax ka sheega isagaa ah waxa uu ku sheegaayo Dr-ka waa halyay ka dhashay Samaroon nin u dhigmaa wuu yaryahay ee ku dayda oo soo dhaweeya fikradaha dahabiga ah ee Dr Barkhadle.

  7. A.Barkhadle.I(Aden-Cadde).

    Horta wa si wacan bay isku dubadhacday, mar haddii run la isku sheego….laakiin nin tii uu yiri dafira ma ahi….waxoo geystay nin diidanna ma ahi… wax beeni ku jirtona nin sheega ma ahi, waxay ahayd in aan wax yaallo qaarkood aanan badka keenin waa laga qurux badnaa……
    In aan jibriil yoonis caayey shaki kuma jiro…. laakiin ma is tidhaahdeen ninkan jibriil yoonis caayi waa ayo isagu… ma laga xiggaa….
    Boqol iyo toban jeer baan ku celiyey in dhiigaygu 50% jibriil yooinis yahay…..guriga aan ka soo toosay subaxaa aan joogo 60% baa jibriil yoonis joogey, shaatiga aan sito haddii la hurgufo jibriil yoonis baa ka soo dhex bixi.. marka nin la odhan karo maxaad u ceyday reerka ma ahi, laakiin waxaan ahayn nin la odhan karo maxaad isku ceyday….
    Sahalow.. somalida waxaa ugu dhac, boob, iyo tuugo badnaa qabiilka la yiraahdo Xawaadle ee baladweyne degaa… waxaanna ugu muslimsannaa oo dadka wacdiyi jirey alle ka cabsiga iyo diintana bari jirey qabiilka sheekhaashta… marka kaftan hore baa ahaa maalinta aad aragto sheekhaal geel dhaci , xawaadlena waanin waa yoomal qiyaamihii. dhankaa dhan dhe..
    Dacwaddii ina sheekh Faraax iyo ina Lugweyne intaanan biyo dhigin baa tolkeen oon u kala hadhin iga codsaday in aan qallinka dhulka dhigo oonan dhaafin halkaa, maxaa yeelay biyo dhigii anoo ku socda baa la iga codsaday in halkaa ku jaro, Xitaa khaliif ma aan gaadhin in aan ka hadlo , nin tolka diidana ma ahin….
    Midda kale nin Ceyi ka dhamaato ma ahi,waxaan soo taagnaa dhul la isku caayo kaliya intii badnayd noloshayda.. mana maax dumo…..laakiin laga qurux badan hoos u dhaadhaca iyo xabaallo qodka…

  8. Run sheeg

    Waraaba Cade horta magaca maxaa laguugu bixiyay, miyaad ilowday, Waar maantana ma waraabe Cadaa wax waaninaya Waraabe Cade miyaanu ahyn kii waaga dhawayd lahaa lahaa Jibriil yoonisbaa qarafaysta, ma adigii baa waano iyo waxsheeg bilaabay. Waraabe Cade ma waxyibaa ku soo digay mise waa kaa ismacaanays.

    Minaayad ahyn ninkii shalay dadka caayaayay,mise dhawrkan maqaal ee aad awdal state ka qortay ayaad ceebtii dhan kaa maydhay. hadaanad hore isku khashifin waxbaa lagaa dhegeysan lahaa waraabe.

    Waraabe adiga hadalba kuuma banaana, warta naftaada waani, oo adigu iska bilow, cayda reerahana ka waantow markaasaad dadka kale wax u sheegi kartaa,

  9. xoosh

    waligeen maanan kaftamin oo gadabuursi meel ay runta iskugu sheegaan ba maan lahayn haddee HAROWO.COM waa ku mahadsantahay bogga comments ka ee ay fureen mar labaad tafatiruhu waa mahadsanyahay iyo akhristayaasha soo bandhiga fikradada caafimaadka qaba ee ka hufan shakhsi weerarka iyo qabiil cayga IWM…

  10. SAHAL

    A. Barkhadle.I

    Look who is talking. Waar waraabe Cadow bilaa caleyk ma adiga ayaa leh cayda ha la joojiyo waar waa lagu yaqaanaa qofka aad tahay. Waxad qayb ka tahay caydo iyo kala fogaanta gadabuursiga miyaanad aheyn ninka da’da ah ee bari dhaweyd aflagaadeeyey Jibriil Yoonis ma adigiibaa iska dhigaayo nin Akhyaar ah. Ogow waa lagu ogyahay inaad qabiileysta weyn tahay aad iyo aad u neceb Jibriil yoonis. I can not believe inaad iska dhigeysid nin danaha Samroonka daneeya ood leedahay Ugaaska ayaan rabey in Xamar tago. Bilaa caleyk Stop your stupid games.

  11. wiil maxad case

    samaroon anuu waxan talo u soo jeedinayaa inay dawlad loo dhanyahay samaystaan oo sadex madax wayne leh dalkana anagaa dufaacaynaa af iyo adinba ha midoobo samaroon

  12. wiil maxad case

    anuu waxaan aaminsahahay in riyaale iyo saylici yihin daba dhilif ,,isaaqna la iska eryo oo dhulkeena ay ka huleelaan xabad la iskaga eryo diyaarna waxan u ahay dufaaca dalka inta ka badan ma samri karno hada waxi ka danbeeya waxan ahay taageerayaasha adal state

  13. a.barkhadle

    marka caruurtii aad waalidka u ahayd iyo ilma abtiyaashaa ay ku soo caayeen ayaad bahashiina dhaafday
    waabad fiicantahay masha alah wadankayaga waxaa jooga kuwo abtigood oo waliba soo koriyey yidhi xataa korsiintiisii abaal uguma hayo makaahiil iyo haba carfaan ayaan kala nahay oo isu cadaw ah
    iyagoo dal wada jooga aan wada hadal waliba kii la soo koriyey aanu abtigii la hadal haduu waxyeelo u gaysan karona uu dili lahaa li ajli waa makaahiil

  14. A.BARKHADLE

    ANIGU AXMED SH FAARAX HADALO QALADA HADUU YIDHI KUMA TAAGEERSANI LAAKIIN WAXAAN KU TAAGEERSANAHAY WAX JIRA IN UU SOO BANDHIGO

    horta caydhna kuguma sheegine ma caydii ayaa kaa dhamaatay ayaa ku idhi

    laakiin waxaan xasuusdaa webka hiildanyare qofka ugu da.waynbaad ahayd uguna cay badnaa hadii la soo hadal qaado magaca jibriil yoonis waad caytami jirtay waxaan xasuusdaa maqaalo aad ku difaaci jirtay odayga ina cabdi lugwayne ee ah 80 jir xataa ku amaanaayey isaaq in uu 3 nin oo makaahiil ah dilay xaflada u qabtay kolay webyada isaaqa ma gashay ayaan filayaa xataa waxaan arkay waraysi website la yeeshay oo uu cay ka dhigaayo waa kuwii jidka lagu laayey waa kuwii seemaal lagu laayey kuwa somaliland diidani
    markaasi ma ku saxnayd in aad sakhsi noocaasi ah aad difaacdo waliba beel aad u aflagaadayso
    waxaan xasuusdaa oo aad lahayd waxaan arkay nin reer gorod ah kana sii ah gadaalo dhal oo tuugsada
    hadalkaasi waa qurux badnaa oo saxbuu ahaa miyaa
    midna ogow reer gorod iyo gadhaalo dhal shaqo isuma leh halkaasina aqoondaro ayaa kaa haysa
    markaasi
    dr waraabe cade oo waaninaaya dhalinta wax cusub ayey ila noqotay sxboow cay hadaad adiguba ogaatay in ayna faa.iido lahayn tolkuba waa hagaagi doonaa

  15. marka hore salaan guud dadka ka qayb qadanaya comentska,harowo salamaya tafatiriheeda,iyo hawl wadeenadeeda.

    waxaan kaa rabnaa in aad cadaysid dadka aad sheegaysid waaayo adiga waxba kama qarsona dibad iyo dalka gudihiisaba waxaa lagaa rabaa kuwa sunta sinta ee dawlaha dhiidha ka ah sheegee,dibada kuwa jogana sheeg prepaidka ku wa lagu shubtana sheeg,dadku waxay kaa sugayaa in ay magac yadooda aad usoo ban dhigtid bulshada

  16. MUNA

    WALAALAYAAL CUQDADA IYO QABIILAYSE MIDNA WAXBA IIDIIN TARIMAAYEE MIYAAD DANAHA GUUD EE TOLKAA LAGA TALIYO ,OO LAWYACADE LAGA XOREEYO TOLKA, AMA DEKADA DHISTADAA OO KAA MAAARMAA SHISHEEYAHAY AAAD U NIIKIYSAAA IDINA DAD WALAALO AH OO GACMAHA IS QABSADA OO DANTAA GUUD KU SHIROOKOOBA OO DHAQAALE SAMAYSETA ,HADDAA DHAQAALE HAYSTAAA QABIIL BA MAYDAA XASUUSTEEN QOF WALIBA CALOOSHIII LAA CIYAAAR TOLKOW GAAJADA KAA BAXAAA OO GUNTADA XIDHA OO TAAAGEERA DAWLADIIINA IDIIN DHALTAY TAAASI BAA QABIILKAA AASAYSA ,DADKANA NIMICAYSAAAA .ILAAHAY HA IDLINA JIRO DADKAYGO AMIIN ,DALKAYGANA RABI NOO XOREEE AMMIIIIN

  17. A.Barkhadle.I.(Aden-Cadde).

    Cadnaanaw… horta in la iska been sheego, meesha ma taal….. dad badan baa magacayga ku soo galla maanta ka hor ma sheegin,magac badan oon leehay way jiraan, kuwo aanaan net ka galin wali oo mulkiilaha net ka iyo intii la cimri ahi ay garan baa jira, oo cey faro badanna geys, kuwii sheegi lahaa in aanan aniga ahaynna waa nimanka le netka… pc. ay ka soo direen iyo addresska.. Aniga rag faro badan baa igu caayey netka, kuwo e-mailka igu caayeyna way badan yahiin, qaar baa noqday Ilmo Abtiyaalkay, qaar baa noqday caruurtaydii, qaarbaa noqday ehelkay..taas waa…
    Midka ugaaska .. dee maqaalkii u dambeeyey een ugaaska wax kaga sheegayey wax run ah uun baan ka sheegay , ugaaskuna ma ahin, kitaab qutraan ah, oo illaaahay soo dejay, waa qof bani-aadam ah, waana la ammaanikaraa waana la dhaliili karaa, dee meesha ma taal maxaad u dhaliishay….. dhaliishii waxaa ka mid ahaa haddii aad akhridey maqaalkii aan ugaas ka waxkaga sheegayey … waxaanu kula hadleynay tiro badan oo wax garad kii tolka ku jiro, danta guudna waanu kala hadalaynay, halkay ku jirto, maqal codkiisa ee waxa la igu lahaa wuu ku jiraa (skype).. mase hadal, ninkii afhayeenka u ahaa banu nagu yiri waar ugaasku martiqaad iyo fadhi buu la leeyahay ogayo ee wuu idinku soo noqon…….. cidnaga waaweynayd oo gadabuursi ahi ma jirin habeenkaas, ciroole iyo dhalin iyo aqoonyahano waanu ku dhanayn…. waan soo noqon buu yiri..ilaa cabaar afar saacadood baanu halkii is jafeynay, tallo waxaanu ku gaadhnay ugaasku in uu joojo tegitaanka (london).. oo xaflad loogu qabanyey, aanu u kicitimo muqdisho oo qayrkii joogaan maanta, gunghiguna yal , tolkana ku jirtaa dantiisu.. ma yeelin ee wuxuu rabo ayuu yeelay.. dee aad ka jawaabi taas…
    midan aad tidhi haddii dhawal la soo qaado waad cadhoon , waxaan filayaa in aanad wax igala socon. taas ku dheeraan maayo.. dhawal kaama xihgo waa suldaan gadabuursi dhaliillo farobadan wuu leeyahay in la sheegaana wey haboon tahay,….ku darsoo waxaan ku idhi dadka wax isdabo mariyey ninkii wax ka sheegay dambi ma galin rag iyo dumar midkuu doonoi ha noqdee…. laakiin cayda qaawan baan meesha qaban sida marwaddii habarcafaanta oo kuley gaadhay , iyo haddii marwooyinkiinii sidan yahiin qaxbadihiinuna maxay noqonn…. bilaa caleyk ma hadal nin raggi yiraahdaa……..

    Midda kale adoon dadka kala garaneyn ciddii caydha qaadata iyo kuwa aan qaadan in aad wax ka sheegto qof aadan aqoon waa xaaraan…. meesha aan joogo meel lacag ceydheed laga qaato ma ahin, waa meel ninkii muruqle uuni ku noolaan karo.. cilmi aan ku shaqaystona Eebbe wuu i baray.. alxamdu-lilaahi…. kuwa caydha qaata u sheeg ee dadka caayaya…..

  18. canab

    Aya dadka isku diro rer kuwashey an warba uu haynin,, wa sadaqad iyo qarafo badanee makahiil la magac baxay,, hada miyad tanasul wada,, hakugu tagnatoo..

  19. A.BARKHADLE

    anigu intaan coment arkaayey waligay maan arag nin kaa wayn oo kaa afsomali xumaa kaana cuqdad badnaa xataa waxaan arki jiray adigoo reero aanad garanayn aflagaado iyo been abuur ka samaynaya
    imikana maslaxad ayaad isu dayeysaa
    maxaa is bedelay ma caydiibaa kaa dhamaatay mise fursad aad sidii hiildanyare sitekiisa aad ugu caytami karto ayaan kaaga furnayn
    adigu toobad keentay oo ka toobad keen dadkii sharafda lahaa ee aad aflagaadayn jirtay
    xataa ugaaska ayaad afxumo ula badheedhi jirtay
    markaasi wali salaadiin lama caayin ee masuul waxbuu is daba mariyey la leeyahay ayaad daaya leedahay imikana
    bal ka waran hadii dhawal meesha la soo dhigi lahaa

  20. bulsho ama ummad wal oo meel ku nooli waxay leedahay xummo ka taliye iyo samo talis waxay leedahay namad doon iyo dagaal ooge waxay leedahay shareefo iyo sharmuudo geesi iyo nacas caqli badane iyo maangaab fogaan arag iyo indho ku garaadleh isku soo wada xooriyoo murtidu waxay gobo ku tidhi ummad markay xumaanteedu ka badato wanaagfarista waxay ku sugantahay halaag iyo khatar weyn weyn sidii ka dhacday qoomiyadihi reer nebi nuux reer qoomu luud reer nabi muuse iyo inta kale ee badan samaroon gariirbaa ku socda ha ducaysto hawlaha yay yar dhaqaala xumadaa ugu wacane halagu dadaalo sidaan uga bixi lahayn khayraadkeena dihin bad iyo beri uga faaiidaysan lahayn.umadaan jeclaayey balan kula dardaarmee kuwa loo gu dawgalay ummadii istoortee ka dila dadkays jecel iyeynay isku keen dirin. inta caqliga fayoow u ahliga ah iyo wax garadka iyo mutacalimiinta samaroon(SAMAROON INTELECTUALS). waxan leehay jeelka soo koraya ee samaroon aan u xaadhno saaxad caafimaad qabta iyo isjacyl dhexdooda ah waad ogtihiin 51ka stateka maraykanku state walba wuxu ku dadaalaa hurumarka statekiisa iyo hor umarka commonunitygiisa.aan furno safxad cusub oon isku wacyi gelinayno oo hala joojiyo midi midi ku taag samroona meelbuu wadayaal dhib iyo dheefba.maba lulatee maxay leeftaa. waar aan samaroon wax manaafacaad ah oon kala ridano aan samaysano kick out ninka hargeisa isaaq u shaqa taga waa nin lafahiisa u xoogsi tegay oo adeerkay muumin aare wuxu yidhi awdalstate waxan u hayaa jeelal cusub very shame full. intaa markuu yidhi isaaq wuxu yidhi intaan kaa rabnay waad u sheektay tolkaa thanks and see you later. xilkiina waa laga xayuubshay istaahil runtii waa adeerkay lakiin qalad iyo dembi uu dadkiisa ka galay ku ixtiraami maayo markaa adeer nin waloowba wixii fiican ee masuul samaroon soo kordhiyo ku amaan wixii xuna ku cammbaaree shacabku wuxu wada leeyahay common lnterest waayo xilka masuul lama wadaago ee waxan lawdaagaa wixii faaiido uu ku keeno oo ah faa iido wadareed bulsho. waxa inoo bal ah in aan ku xisaabtano ina aw cali muxuu samaroon ku soo kordhiyey faaiido ama khsaare ina rayaale muxuu ku soo kotdhiyey khsaare ama faaiido saylice muxuu ku soo kordhiyey khsaare ama faaiido waxan ka digayaa ninkii wax fiican oo uu qabtay ama xumaad uu bulshada ku soo kurdhiyey sheega yaan qabiil werer yaan loo arkin maxaa yeelay adeer wuxuu soo kordhiyan way ina wadataabanaysaa shar iyo khayrba waxa wax inoo ah wixii bulshada samaroon wax fiican ku soo kordhiya xataa baroordiiqdu maydka waa ka badh.hadal fiican iyo booqasho gobolka ku yimaada si isdabajoog ah ee leh (hadala wayga intaa hagarina wayga walaahi).waa caadifad tolnimo wakhtiguna somaali maanta waa kala guur nin wal ama bulsho waliba siday isku maamushay aduunka wax kaga maalaysaa ha u fadhiyina in makaahiil mahadcase ama habarcafaan aduunku hadiyad boorama kuugu keeno waxad se dhadhaarwalba wax ku helayaa midnimo guud oo samaroon horaana loo yidhi LBA DACAW OO ISCUNAYSAA AAY ISKAMA CELIYAAN).maamulna wuxu ku suuro galaa urur siyaasadeed awdal state waxan qabaa maantawaxay faraska koora u saareen waa dhib iyo iyo hadimooyin badan ee doorasho iyo demoraatiyad iyo power struugle wuu soo socdaa ninkii wax isla haya guuuuuuuuul iyo gobanimo awdalstate.

  21. Maya in la xidho Commentiska maaha lkn waa in dadka iskudirka wada aad ka delete-garayso,Matalan waxaa jira nin aniga markasta iga been abuurta oo qaata magacayga DarbiSamaroon waxuunu ku caayaa magacayga beesha tolkay ee Maxad-Case ninkaasi qaadanaya magacayga waa in aad ka saarto Commentiska,Waxaa kale oo jira nin kale oo isna sita dhawr magac oo kala ah Sheekh Nuur,Maxad Case iyo Habar Carfaan kolba magac ayuu ku caayaa reeraha kale waxaanad ku garan kartaa isagoo isla calaamad qudha ay daba taalo magaciisa.

    Cida cayda tolka isagaa ku dhib qaba lkn Commentisku faaiidooyin badan ayaa ku jira waliba marka ay wax dhacaan oo loo baahan doono faalooyinka iyo wararka deg dega ah oo lasoo dhigo qofba sida uu wax u arko kolay aniga ilama qurux badna in la xidho Commentiska lkn waa inaad Control iyo Filter-garayn joogto ah ayaa loo baahanyahay sida ay aniga ila tahay.

  22. A.Barkhadle.I.(Aden-Cadde).

    Khaliifaw.. Ama sida aad rabto aan ku idhaahdo tifaftiraw… Dabkan baxayaa adigu ma aad hurinin ee waa shidey…. dadka loo aanaynayo in uu ka dambeeyona waad tahay shar iyo khayr waxii ka yimaaddaana dadka masuulka ka ah baad ku jirtaa, deefteedda dadka dambarsandoona if iyo aakhiro waad ku jirtaa.. dhanna lagaaga leexin maayo…….
    Anigu kuma lehi dad wax isweydaariyey maxaad u soo qortey haddii ay jirto, laakiin dhalinta cuqdaddu ka buuxsantay iyo xumaanta eed u furtay meel ay cayda , naxliga xumaanta, xiqdiga isku weydaarsadaan baan la liqikarin….

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH