Harowo.com

Halkan Ka Daawo Habka Iyo Heerka Loo Agaasimo Munaasibadda Abaal-marinta Nopel Prize-ka

ddStockholm (Harowo) Dabbaldeggii Abaalmarinta Nobel ka ayaa Dhacday xalay dalka Sweden Xafladdaas waxaa kasoo qaybgalay dhammaan xubnaha boqortooyada Sweden iyo madaxda dalka Sweden ,waxasana lagu casumay dad indheergarato ah iyo daka la qaddariyo iyadoo xafladaas lagu maamuusayey dadka ku guulaystay abaalmarinta Nobel ,cuntada madashaas la keenay oo ah mid si cajaaib ah loosoo qorsheeyey waxaaku farayareeystay cuntokariyaasha ugu xariifsan dalka Sweden oo Gobollada oo dhan laga soo xulay.

Xafladaas waxaa lagu tagaa dhar suud ah iyo shaati cad ,haweenkuna waxaay soo qaataan dhar qaali ah oo indhaha dadka soo jiidanaya sababtoo ah wariyayaasha waxaa caado u ah in aay soo bandhigaan qofkii ugu dhargashiga fiicna,waxaana si gooni ah diiradda loo saaraa reer Boqor. Abaalmarinta Nobel oo sanadkasta lasiiyo dadka adduunka ugu adeega aqoontooda maskaxdoodna shiila iyagoo dunida ku soo kordhinaya arrimo wax ku ool u ah bulshada caalamka iyo dalalka indheergaratadaasi aay ka dhasheen.

Abaalmarintaas waxaa ka dardaarmay aqoonyahankii Alfred Bernhard Nobel oo geeriyooday sanadku markuu ahaa1896dii isaga oo 63 jir ah.
Abaalmarintii nobel ee ugu horreysay waxaa la baxshay sanadkii1901.

Abaalmarinta Nobel waxaa la baxshaa sanadwalba 10-ka december waxaana lasiiyaa culumada ka jibagaaray xagga Fiisikada,Kiimistariga,,dabiibka,iyo nabadgalyada(in Physics, Chemistry, Physiology or Medicine, Literature,  Peace).

Dhammaan abalmarintaas waxaa dhiiba boqork a Sweden marka laga reebo Abaalmarinta nabadgalyada oo uu baxsho boqorka Norwey.Qofkata oo ku guulaysta abaalmarinta Nobel wuxuu noqonayaa miljooneer isaga oo la guddoonsiinay lacag dhan sideed malyan oo karoonka swiidishka ah una dhiganta 1.2 Milyan oo Doolar waxaana intaa u wehelya billad dahab ah .Sanadkaan 2012ka waxaa ku guuleeystay abaalmarinta Nobel :

Serge Haroche, 68 jir ah  oo cilmiga fiisika ka dhiga Jaamacad ku taal Paris ,France wuxuu ku guulaystay Abalmarinta Fiisikada
Sir John B. Gurdon, 79 jir ah waxaa la guddoonsiiyey  Abaalmarinta Daaweeynta (Medicine) wuxuuna macalin ka yahay  Gurdon Institute, Cambridge, England.
Shinya Yamanaka oo 50 jir ah wuxuu macalin ka yahay Kyoto University, Kyoto, Japan Robert J. Lefkowitz, 69 jir ah wuxuu ku guulaystay Abaalmarinta Kiimikada wuxuu bare ka yahay Duke University Medical Center, Durham, North Carolina, USA
Brian K. Kobilka, 57 jir wuxuu macallim ka yahay Stanford University School of Medicine, Stanford, CA, USA waana ninkii labaad oo sanadkaan ku guulaystay Jaaisadda Kiimikada
Mo Yan, 57 år oo Shiinays ah wuxuu ku guulaystay abaalmarinta  qoraanimadayahay , Jaamacadd  Harvard i Massachusetts,USA
 Lloyd S Shapley, 89 jir ah wuxuu macallim ka yahay , Kaliforniens universitet i Los Angeles isna wuxuu ku guulaystay abaalmarinta Dhaqaalaha.
Abaalmarinta Nabadda waxaa laga baxshaa dalka Norwaywaxaana sanadkaan ku guulaystay Midowga reer yurub

HALKAN KA DAAWO

 


This post has been viewed 304 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH