Halkan Ka Akhri Warbixin Togdheernews Ka Qortay Halista Dahabshiil
Fariinti Ka Timi London By Haabil
waxaan salaamayaa dhamaantiin hawl wadeenada mareegta togdheer news iyo akhristayaasheeda qimaha leh, salaantaa kadib maanta waxaan farriintayda kaga hadlayaa xawaalda dahabshiil oo shalay maamulaheeda dacwad uga furantay magaalada breda ee wadanka
netherlands amaba holland, 19/11/12 saacadu markay ahayd 13:30 ayey dacwadi uga furantay magaaladaas waa sida lagu soo qoray joornaal kasoo baxa dalka holland oo kuqoran luqada dalkaas, waxaana dacwadu udhaxaysay gudoomiyaha dahabshiil ee abdirashiid iyo mareeg
soomaliyeed oo uu kusoo dacweeyey dahabshiil inay khalkhal ku hayso oo dhaqaale badan kaga lumay dacaayada uu ku hayo nin wax kaqora
mareegta waagacusub oo lagu tilmaamo inuu yahay nin colaad badan uhaya somaliland oo dacaaydeeya beelaha reer sheekh isxaaq, hadaba wax yaalaha ay shirkada dahabshiil kudacwadaysay ninkan ayaa waxaa kamida inuu waraaqo badan uqoray UN ta hay’ado badan oo isticmaali jiray dahabshiilna ay kawareegeen oo khasaaro badan ugaystay ninkan layiraahdo daahir calasoow oo isaguna kudooday inuu hayo cadaymo
badan oo ku xidhiidhinaya dahabshiil inuu lashaqaysto argagixisada alshabaab oo uu fasax kahaysto hantidiisana ay ilaaliyaan alshabaab meelaha ay somaliya kahaystaan,wax yaabaha kale ee dahabshiil kudacweeyey inuu kaqoaray ayaa waxay kamid yihiin iskuday dil lagu fuliyo saado cali warsame oo ah fanaanad aad uga soo horjeeda somaliland una dhalaatay magaalada laascaanood arintaas oo uu beeniyey
abdirashiid dahabshiil,waxaa kale oo iyana uu kudacwooday ninkii daahir calasoow inuu dahabshiil nin soo siiyey lacag oo uu yidhi soo dil daahir calasow ninkaas oo fariimo usoo diray dhawr goor daahir isagan policeka dalka holland ayaa xidhay waanu qirtay inuu rabay inuu dilo daahir laakiin wuxuu dafiray inuu dahabshiil soo diray ee wuxuu yidhi isku qabiil ayaanu nahay dahabshiil sidaasana igu kaliftay inaan
uhiiliyo,waxa kale oo laweydiiyey maxaad kucadaynaysaa inuu dahabshiil kulug leeyahay siyasada somalia wuxuu ku jawaabay daahir calasoow inuu waraysi uu layeeshay faysal cali waraabe dhawaan dalka holland uu kusheegay dahabshiil inuu bixiyey lacag badan oo uu siiyey madaxweyne siilaanyo markii uu madaxtinimada utartamayey iyadoo uu kuleexiyey in lacagtaas qaarkeed lagu weeraray dagaano sool kamida
oo ay dagaan qabiilka dhulbahante dhib weyna loogu gaystay shacab badan oo soomaaliyeed halkaas taasna wuu beeniyey abdirashiid dahabshiil. hadaba waxaa isweydiin leh maxaa kajira in dahabshiil lacag fara badan ku bixiyey dagaalada lagula dagaalamayo ssc iyo khaatumo,maxaa kajira in dahabshiil lacag fara badan siiyey cabdillaahi yuusuf markii uu madaxwenenimada kuloollamyey ee uu nairobi joogay iyo baydhabo oo uu ku siiyey 500,000 oo dollar halka dawladuna loosoo marin jiray lacagaha ay kahelaysay UN ta iyo dawladaha iyo dadka u
ololaynayey cabdillaahi yusuf, halkana waxaa inoo cad inuu siiyey siilaanyo iyo faysal cali waraabe lacag badan oo uu kubadashay in lasiiyo qandaraasyo badan oo dahabshiil si goni ah uhelay oo aan lagula tartamin,dahabshiil sax miyey tahay inuu ku bixiyo lacago badan siyaasad qabyaalada kusalaysan ee somalia iyo ta xisbiyada badan ku tartamayaan ee soamliland? hadii sharciga ladeegsanayo shirkadaha inay
isticmaalaan siyaasada oo ay lacago ku bixiyaan waxay keenaysaa musuqmaasuq fara badan inuu wadanku kadhaco waan qalad inuu lacago ku bixiyo caynkaas dahabshiil. hadii aan dib ugu yara noqdo shirkii talo iyo tawfiiq ayaa waxaa naloogu keenay kaadhadhka taleefanka ee dahabshiil leeyahay ee somtell waxaana laysku dayey in nalgu basaaso waxyaabaha shirka kasocdana la ogaado waanu garanay khayaanadaas shirkada shaqaalaheedii ceerigaabo joogayna waxaa loo sheegay inay kabaxaan goobtii uu kasocday shirku ee daalo markii
aan maqlay boobe yuusuf ducaale oo yidhi waxaa gar ii dhigtay wasiir xirsi oo yidhi cajalad lagaa duubay oo taleefanka somtel ee shaqaalaha dawlada oo dhan lasiiyey ayaan hayaa oo aad kucaytamayso adigoo caayaya wasiirka madaxtooyada xirsi taas ayaa noo xaqiijisay in dahabshiil uu rabay inuu basaaso shirkii daalo oo uu adeegasanayey shirkada somtel maadaama ay kudhacday boobe yuusuf ducaale waa noo cadahay arintii imika. hadaba shirkada dahabshiil mawaxay u adeegtaa dadka mise danaha qabiilka madaxweynaha iyo reero gaara oo uu xulafo layahay mise waxay katahay lacago aad samaysaan jawaabta dadka somaliland baan udaynayaa, aniguse waxaan usheegayaa shirkadan ku taajirtay
lacagtii dadka soomaaliyeed ee qurbaha jooga inay shaqadii ay lahayd ku ekaato oo lacagaha siyaasada lagu bixinayo joojiso hadii kale waa laydinka guuraya imika waxaad maxkamada kudacweynayseen hayadihii UNta ayuu daahir calasoow uqoray waraaqo anagu hadii dahabshiil joojinwaayo siyaasada qabyaalada kudhsan ee uu lacagtiisa ku bixinaayo waxaanu udiraynaa shacabka soomaaliyeed oo dhan inay joojiyaan isticmaalka dahabshiil halkaasna wuu ku xidhmayaa shaqadiisana waa dhamaanaysaa. waxaan kusoo gabagabaynayaa dalkan yaan lagu
ciyaarin hore ayuu ilaahay inoogu sheegay oo yidhi marka wadan lahalagayo waxaanu farnaa kuwa aanu u nimcaynay iyagaa fasaadiya kadibna dhulkaan lagoynaa waxaaa maanta kasocda dalka ee olole doorashoyin ah oo dadka laga soo daad guraynayo baadiyaha si ay qabiil ahaan ugu codeeyaan hadii dahabshiil lacagtiisa kubixiyo waxaanu u arkaynaa qabyaalad toos ah oo lagu dhaawacayo jiritaanka qabaailka togdheer
daga ee nabada kuwada nool halaga daayo qaska iyo riwaayada wadankan oo hala dhiso wadanka.inta lacagta lagu bixinayo qabiilka halagu bixiyo masaajidka iyo diinta ilaahay. wasaalamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu.
Haabiil Cabdi Haybe
Comments are closed
Halkan ka daalacco
http://www.togdheernews.com/v2/?p=34433
This post has been viewed 225 times.



















