Halkan Ka Akhri sida Gadabuursiga loogu dul maamulo goboladooda Iyo Sida ay gidaarada Boorama Camal la’aanta u fadh fadhiyaan
samaroon Awdal iyo salal midna wax kama aha.
Akhri sida goboladii ay u dhasheen loogu dul maamulo
Tan iyo markii ay dhacday dawladii dhexe ee somalia waxaa waqooyiga soomaliya ka samaysmay maamulo gobaleedyo , kuwaas waxa ka mid ah maamul gobaleedka somaliland , oo lagu dhisay 1993 magaalada Borama ee Gobalka Awdal, markaa maaha in rer Awdal dhismahaa ay ka faro-madhnaadaan maanta xataa maamulka gobaladoodii Awdal iyo Salal.
Hadaba waxaa maanta marag madoon ah in ay rer Awdal ayna wax xil ah ka hayn Gobalada Awdal iyo Salal, oo inta ugu muhiimsan ay hayaan beesha isaaq iyo beesha ciise.
waxayna ukala hayaan sidan hoos ku qoran
1. Taliyaha qaybta booliska ee Gobalka Awdal ( isaaq)
2. Taliyaha cashuuraha bariga ee borama (isaaq)
3. Gudoomiyaha kastanka Borama (isaaq)
4. Gudoomiyaha Baanka borama (isaaq)
5. Badhasaab ku xigeenka Gobalka Awdal (ciise)
6. Badhasaabka Gobalka Salal (cise)
7. Xoghaya degmada saylac (isaaq)
8. Gudoomiyaha Kastanka Saylac (isaaq)
9. Gudoomiyaha maxkamada G.Awdal (isaaq)
10. Xeer ilaaliyaha Maxkamada G. Awdal (isaaq)
11. Taliya saldhiga lowyacado (isaaq)
12. Taliyaha ilaalada xeebaha saylac (isaaq)
13. Taliya laanta socdaalka ee Lowyo cado (isaaq)
14. Cashuur qaadaha iyo hubiye ee magaalada caasho-cado (isaaq iyo cise)
15. Iyo kuwa kale oo ah jagooyinka hoose.
16. Xisaabiyaha wasarada waxbarashada degmada saylac (isaaq)
17. Gudoomiyaha kastanka lawyocado (ciise)
18. Gudoomiyaha waxbarsha ee Gobalka salal. (cise)
Haddaba wax reer Awdal ah oo ka shaqeeya / jooga Gobalada kale ee Somaliland ma jiraan ?
jawaabtu waa maya.
Taasi waa habacsanaanta rer Awdal iyo Salal ee xataa aan xil wanagsan ka hayn maamulka sare.
iyo aragtida dhow ee aan gaadhsiisnayn meel fogba ee dhexdooda dhaafsanayn.
waxan kula talinayaa inta caqliga u saaxiibka ah in ay baraarugaan oo ay usoo jeestaan dalkooda iyo dantoodaba
sida dhulboodka iyo xilboobka lagu hayo Gobaladooda.
ugu dambayn waxan ugu baaqayaa dhammaan umada rer Awdal iyo Salal in ay ka tashadaan aayahooga oy mustaqbal u sameeyan ubadkooda ka soo qalinjabiyey Jamacadaha dalka iyo dibadaba ee buux dhaafiyey suuqyada magaalada boorama.
This post has been viewed 51 times.













WAAR MALAHA WAAD CIYAARAYSAA SXB MISE BAADHIS BAAN KU SAMAYNAA HADDAY RUNTAA TAHAY MEESHA LAGU GO WAABA BAHDIL BEELEED DHIIGGA TUUBO LA IDINKAGA JAQ DHEH SAMAROON INTAY IYAGU HOOSTA ISKA WADA XAASIDAYEN BAA SIDAA LOO GALAY