Harowo.com

Halganka Saylac ka Bilaabmay Waa Tareen Bilaa Biriiga Oo Dhaqaaqay

Halganka Saylacka Bilaabmay Waa Tareen Bilaa Biriiga Oo Dhaqaaqay.

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan saxafada xaq udirirka ah ee heeganka  ugashay  uguna jirta baahinta  wararka xiisadaha colaadeed  ee kataagan baladkii,Waxaan dareenkooda laqabaa muwaa diniinta ku abtirsata Adal Empire meelkasta oo ay joogaan sida ay ugu faraxsanyihiin midnimada  ay gaadheen dadkoodii.Maanta walaalayaal waxaan tijaabinay midnimadu waxay tahay  waxaan ogaanay oo aan ka dharagsanayn fikir ahaana maanka ku haynay kuna haynaa  midnimadu inaytahay shayga kaliyee umadi horumar ku gaadho  islamarkaana quweeya,haday  midnimadu waxay tahay sheeko inagu ahayd shalay baan tijaabinay iyadoo baraktikalana aan wada aragnay waa Ilahay mahadii Alxamdulilahi Rabul Caalamiin baan leenahay.

 

Hadii badhkeen aaminsanaa in aanu Gadabuursi waxba qabsankarin iyo inkalena maanta ayay cadaatay,maxaa yeelay  duulaankaa maanta lay inagu soo qaaday oo ahaa mid aan waxba layskula hadhin oo cadowga ka go’nayd inay dhulka Gadabuursi dharaarcad hawada ku qaybsadaan waxa bad baadshay shacabka ka Gadabuursi iyagoo kalmad kaliya isku waa faaqay “Maya”maashaa Allaah balkalamad qudha oo la isku raaco miisaankeeda eega walaalayaal.

 

 

Walaalayaal hamoodina halgankii inuu dhamaaday ama intaa ku eegyahay guushani waa guul bilow ah oo aan istaagi doonin idanka Ilahay socona doonta ilaa aan gaadhayno hamigeena. Sidaa darted waxaan leeyahay halganka maanta bilaablay waa tareen bilaa biriig ah oo aan cidi joojinkarin cidii hor istaagtadana duqadka dhigi doona.Walaalayaal ogaada Saylac iyadoo dhulkeenii ah ayaa hadana gorgortan qaawan lagashay oo aan waxba la iskula hadhin tasina waxaa keentay in la ina ogaaday inaanu midnimo Gadabuursi waxku dufaaco aanu lahayn lakinse gardaradaasi inoo keentay guul iyo midnimo inaga maqnayd intaanu waftigu Borama soogaadhin.Walaalayaal dadka inaga mida ee in uun maamulka hargaysa laabtaka jecel ha ogaadaan maamulka Hargaysa inaanu naf u ahayn tusaale cadna waxaa u ah hadalka quudhsiaga ah ee oday aakhiro licib ahi  yidhaahdo Gadabuursow inaad dhulkiina maamushaan dadkale uga tanaasula waa yaab meeshaa meel ka hoosaysa anigu ma arkayo,hasayeeshii weedhaa quudhsiga ah waxaa dhulka kujiiday jawaabtii shishlayd ee waxgaradka Gadabuursi ka bixiyeen.

 

Kulankii Borama ee dhexmaray colaad oogayaasha hargaysa laga soo fariimeeyey iyo Guurtida Gadabuursi waxaa ka soo baaxday oo aan ka baran karnaa labbo arimood.Waata koowaadee inay beelihii Gadabuursi midaysay oo maanta meel qudha wadataagan yihiin,waxaa kaloo fariin cad  Gadabuursi udireen cadowga isku bahaystay inay dhulkooda dhacaan islamarkaana ugu sheegeen inay kaceen oo ay baraarugeen kana xunyihiin wixii kalumay intay dhexdoda isku maqnaayeen saacaa laga bilaabana aydiyaar uyihiin inay midka ahaandoonaan sida loo wajahayo xaaladkasta oo soo foodsarta dadkooda iyo dhulkooda.Waata labaadee cowdgii  wuxuu ka bartay cashar wanaagsan  kaas oo hore uga maqnaa lakin ayka faa’iidasteen kulankii Borama.Waxay ogaadeen mustawaha Gadabuursi taagan yahay taas oo ah inay midaysan yihiin islamarkana    dhabarjab ku ah filimaan anshaxa xumaa.

 

Walaalayaal hadaba maadaama uu ogaaday codowgaagii maanta halka aad taagan tahay maaha amcnaheedu inuu faraha kaalabaxayo oo uu kunabad galinayo khatartii iyo duulaankii waa halkiisii, laakin xisaabta ku darsada ruudkii uunbaa labadalayaa oo meelkalaa laga jaraynay doonaa shaxda ee hamoodina inay istaagtay colaadii iyo dhulboobkii la inagu hayey.Waalaalayaa waxaa jira khataro  iyo qandaraasyo farabadan oo hada gacanta lagu hayo taas oo ka dhan ah jiritaanka beelaha Gadabuursi.Waxaa kamida khataraha  inagu soomaqan wadada cad ee reer Hargaysaad leeyihiin waxay nagu xidhaysaa Jibuuti, taasoo faraha lagu  hayo una baahan inlaga hortago hadiikale dhibaato horle inoo keeni doonta hadii aan dhayalsano.

Walaalayaal waxaa iga talo ah,Gadabuursi inuu marka koowaad midnimadaa maanta abuurantay ilaa shaa oo sii adkeeyaa.Waa inuu qorshe midaysan ka gaadho sidii looga hortagi lahaa khataraha aan kor kusoo sheegay foodana inagu soo haya.Gadabuursi waa inaanu dufaacgalin marka qoorta laqabtee waa inuu ka sii baadhaan dago ka hor balaayadu inta aanay guryaheena soogalin oo laga tabaabushaystaa sida loo noolaanayo mustaqbalka dhow iyo ka fogba oo la jeexo siyaasad cad oo muujinaysa sida loo jidmaraayo.

Waxaan dinku dhaafayaa guul iyo gobanimo.

abdifatah subane <subane02@hotmail.com>


This post has been viewed 1100 times.

camud

2 Comments for “Halganka Saylac ka Bilaabmay Waa Tareen Bilaa Biriiga Oo Dhaqaaqay”

  1. hayaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa

    samarooonoooooooooooooooow kakaca dhulka saylac waaaaaaaaaaaa la qaatay nin dhiig low dhaqaaq dhimasho u badheedh

  2. samaroon

    halyeey waxaad ugu hiilisay qalinkaaga tolkaa waxaad baraarujisay dadkaaga wacyi galinta ha ka daaalin mhdsnid waana halganka dhamaanteen aynu kujirno

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH