Harowo.com

Haddii aad soo hesho magaalo ku taal Gobolka Sacadiin (Selel) oo konton qof oo Ciise ahi kasoo toosaan Sharadbaa lagu siinayaa

Cali ilka dheere wuu ogyahay in ciise aanu magaalo 50 konton qof ka soo toosaan oo ku taala selel aanay jirin

Ka dib doorashaddii golaha degaanka Saylac ee Reer Sheekh Samaron dhulkoodii kula soo noqdeen ayaa waxaa dawladda jabuuti mushaar ku siisaa Safiirka Jabuuti u fadhiyey Somaliland Cali Aareeye Ilko Faaq Faaq; Waa nasiib daro Cali inuu meelahaa gadabuursi ka caayo oo kolba shir jaraaid uu ku qabtaa guri hargeysa ku yaalla iyo mafrash ku yaal jabuuti xaafadda lixaad ka sii jeedka masjid dharaar.

Dhulka Sow Anigu Malihi? Ninkii Dhoofku Yimid Saylac ee Raashinka iyo Taanbuuga Loo Siday ayey guuldarada iyo geeridu dhibaysaa…wakhtigii dhamaayoo wuu dhaqaaqi doonaa balankeenu waa Jabuuti

Xil ma dhibe Cali hadaan ka hadlo noloshiisa wuxuu ku dhashay degmada Qulujeed xagga xigga itoobiya aabihii wuxuu dhintay markuu dhashay waxaa koriyey alaha u naxariistee aw cumar shirdoon oo hoyadii ay ilma adeer ahaayeen oo Gadabuursi ah. Cali maaha kii ugu horeeyey ee naas iyo korsiinba gadabuursi ka helay hadana ku caasiyey.

Cali Fantax wuxu ku weynaaday Boorama meel ciise joogana waxaa ugu horeysay doorashadii xildhibaanada baarlamaanka kolkaas oo tirada ay ku buuxsadeen cabdigaagaale iyo mahdi gadhweyne iyagoo ixtiraamaya madaxweynaheenii rayaale oo codsaday in lagu daro ay Cali sidaa kusoo saareen.

Cali maalintii uu media ka hadlay isagoo hargeysa jooga beenta sheegay ee waxaan joogaa Saylac. Gadabuursiga Saylac ayaa guri guri u baadhay Saylac waana laga waayey.

Gadabuursi kala qaybinta ay siyaasiyiintu geystaan ayaa keenta in islaan kastaa soo haweysato in kasta oo arintaas laga gudbay oo aan dhan u wada jeedsanay.
Cali qaxooti wuu ogyahay in ciise aanu magaalo 50 konton qof ka soo toosaan oo ku taala selel aanay jirin aan ka aheyn reer guuraa xoolo dhaqata oo marna itoobiya gala marna jabuuti kuwaas oo ah beesha mamaasan halka aan gadabuursi aanu u ogoleyn inay ciise kale xoolo usoo foofiyaan dhulka gadabuursiga.

Cali beeshiisu waa reer geedi oo shan reer kama degana Selel isaguna waa kii afkiisa ka cadeeyey.
Wuxuu sheegtay in ciise qaran yahay looma diidana laakiin Fantax meesha uu qaran ku yahay ha ku eekaado maxaa keenay in dhul aanu degin uu sheegto.
Ku qabso ku qadi meyside taasi wey dhamaatay gadabuursina wuu isku raacay inaad ku eekaataan itoobiya iyo jabuuti inta waqtigu inii imanaayo.
Cali soo weydii mamaasankii xoolaha noo jiri jiray ee imika jabuuti kugu xukuma. Berigii ciisuhu raacay isaaqa ee abtirsiinta loo sameeyey ee gadabuursiga jabuuti jooga la soo raafi jiray waxaad odhan jirteen saalax diidooy saylac baad tegi! Halkaa miyaanay ka cadeyn inuu gadabuursi leeyahay Saylac.

Magaalada saylac ciise waxaa guri looxa ku leh laba nin oo mamaasan ah.degmada waxaa degan waa gadabuursi ciisaha aad igu dhedhejinayso maqaaxi ama tukaan ama guri ama ganacsi midna kuma laha saylac ee iska samra. Dhul aad degtaan isma qariyeen ma dad baa la qariyaa.
Doorashadii dhacday waxaan ciise u ogolaanay inay Jabuuti iyo itoobiya ka yimaadaan oo ay codeeyaan si aan inii qancino arintaas oo aan dib dambe u dhici doonin.doorashadan oo aad soo faaruqiseen jabuuti oo booyado aad biyaha ku sidateen oo raashinku baabuur inii saarnaa oo taanbuuyo aad dhigateen sidii qaxootiga si aad uga codaysaan dal aydaan deganeyn hadana gadabuursi intii deganayd saylac iyo lowyacado ayaad ka badin weydeen dad iyo degaam isma qariyo.

Jaanisku waa mar qudha mar dambe ini soo mari mayso jaaniskaas aan ini siinay. Waqtigu wuu socdaa xeebtii jabuuti ee gadabuursi faransiis kala xaajoon jiray ee aan canfarta isku haynay waataa maanta aad leedihiin waa dhul ciise idinko aasay dhamaan taariilhdii gadabuursi sida xaaji diide,jaamac saylici,barkhad cabdilaahi,cumar cismaan raabi,maxamed cismaan,iyo halyeyadii soo halgamay.

Saylac oo daqiiq iyo sonkor aan ka dhisnay imika ayaan dib siigada uga jafeynaa. Gadabuursi waa boqortooyadii awdal aduunka cid aqoonini ma jirto Ingiriis, Farasiis, Portaqiis, Turkey, Spain intaba way hayaan taariikhda Saylac ilaa Jabuuti. Cali waxaan leeyahay adigaa dhibaatada isku geystay maanta hadaanad iman karayn saylac ama boorama .faaraxyoodka jiidhjiidh adaa gowraca is badaye.

Jabuuti arinkeedu imika ayuu dabka saaran yahay waanu karsamayaa ee waa inoo goor dhow.

Maxamed cumar
Max9910@gmail.com .


This post has been viewed 353 times.

camud

2 Comments for “Haddii aad soo hesho magaalo ku taal Gobolka Sacadiin (Selel) oo konton qof oo Ciise ahi kasoo toosaan Sharadbaa lagu siinayaa”

  1. maxad case king

    ciise jabuuti ayaa dhawaan loogu tagayaa waxa dhaqqanka iyo iimaanka xun damac badanaa ,,,kac aysayso waadigii kibirka waalnaaye ayaa lagaga dhigaya ugaasyadiina dhawaan saylac wa soo dagayan samaroona is raag @haorwo abti naga daa kartoonkan beenta ah samaroon saylac waa wada leeyahee ma kala lahee waadiga og in reer nuurba ka so baxay kii tagaaba sida ayuu uga soo baxaya ee waa inoo doorashada danbe ciisana silaga ma soo dhaafi karaan inagu se waynu sii dhaafi karnaa siliga dhankooda canfartiina aynu ka dhicin jirnayna waynu ku fasaxanaa

  2. Runtad uu sheegtey inaan la yaal iyo qoxotiigii.
    2010 kii iyan odey mamasaan aah jibouti ku
    weydiyey,adeer degankan salel samaron iyan ku
    arkey ee cisuhu gormu jidka uso baxa? wuxu igu
    yidhi wanu kaso gurney. hhhhhhhhhh

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH